• advertisement_alt

Side ayuu qofka noloshisa u bedeli karaaaa?

6 posts in this topic

Posted · Report post

Mowduuc: - Side ayuu qofka noloshisa u bedeli karaaaa

Runtii adduunkan aan joogno ma aha mid joogto ah waa aduun si dhaqsi isku bedela tusaale waxa inoogu filan dhulka aan dul saaranaahy surcada uu ku ordayo ama uu sameynayo lama qiyaasi karo saacadiba dhulka waxa uu sameynaya 1000km .

Nolosha oo idil waxay ku dhisantahay is bedel malinta waxay isku bedeshaa habeen ,habeenkuna wuxu isku bedelaa maalin

Marka qofka waa inuu ku fikiraaa side ayaa isbedel joogta ah u sameyn karaa  isbedelkaasi waaa inaad isku bedesho dhinac wanagsan  ha ahaato isbedelkaasi mid ku tacaluqa Aakhiradaada ama ha ahaato mid ku tacaluqa Adduunkaaga,  isbedelka qofka waxa u aasaaas ah xiriirka uu la leeyahay naftiisa guushaada  iyo guuldaridada ba  waxa ay ku xirantahay naftaada calaaqada aad la leedahay

Horumarka aad sameynayso ama isbedelka waa inay jirtaa meel kuu muuqata ama Target aad rabto inaa gaarto sidokale hadafkada waa inuu ahaada mid SMART ah taaso micnahedu ka tarjumeyso

S=Specific:  taaso loola jeedo  hadafkaga waa inuu yahay hadaf xadidan oo cayiman

M=Measurable: Hadafkaga waa inuu yahay mid la cabiri karo  oo la xisabin karo tusaale maxad ka gudatay hadafkaga oo kuu qabsoomay inaad is weydiiso

A= Achievable: waa inu noqda hadafkagu wax la gaari karo oo la xaqiijin karo wax adan xaqiijin Karin hadaf haka dhigan oo aad gaari Karin.tusaale waxad tiri waxan rabaaa inaa noqdo Malaa,ik duusha!! taasi waa wax aan la gaari Karin.sida darteyd hadafkaga ka dhigo wax aad xaqiijin karto .

R=Realistic: waa inuu macquul yahay hadafkaga

T=Time: hadafkaga waa inaad waqti u yeeshaa hadi aad dhahdo hadafkaas waa ina xaqiijiyo intan noolahay wax micno sooma kordhinayso waa inaa dhahdaa bil gudaheeda waxan rabaa inaaa noqdo qof  sidaaa ah …………(hadafkaga ku sheeg)

Qodobo kugu haggaayo  inaad is bedesho

1: qofka mar hore inu meel kali ah fadhiisto oo is weydiiyo  heerkaga aqoon waa ila intee,dabcigaga waa maxay,maxa kaa qaldan ,maxa ku fiicantahay, Wa maxay afkaartada,hadi laga horyimado afkaartada maxa kaga hortagi kartaaa waa inuu is qiimeya kadib ayuu ka fikiri karaa isbedel Waxa jira SWOT analysis taaso micnaheda laga so gaabiyey

S=Strength: inu is weydiyo waa maxay awoodada

W=Weakness: xagee baad na ku liidataa

O=Opportunities: waa maxay fursada ku horyaalo

T=Threats: waa maxay qataraha ku hortaagan

2: waa inuu sameeyo qorsho dhameystiran oo isku bedeli karaa

3: Inuu is xisaabiyo markii in mudo ay kaso wareegato waqtigii uu sameyey qorshaha  oo is yiraahdo maxaa kaga qabsoomay hadafkaga

4: Waxa ku hormarin kartaa naftada wax walbo oo wanagsan aad  sameyso inaad xaqirin haba yaraadaan waxaasi ,waayo waxay kuu keeni karta hadad xaqirto niyab jab .

5: Qofka waa inuu bartaaa isbuuc walba skills cusub waxweyn ma aha inaad barato waayo waxa heysanaa Nimcooyin fara badan taaso aysan heysan jirin Saxaabada Rasuulka (SCW) nimcada aan heysano oo skills kena ina kordhino inaga saacideyso waxa ka mid ah TECHNOLOGY waxan heli karnaa internet waxan heli karnaa jaamacado online ah waxa wax ka baran karnaa Youtube iwm

6: Daruuf walba oo timaado waa inaysan kaa leexinin Target aad leedahay

7: Inaad kalo yeelato samir oo ku xaqiijiso hadafkaga Alle waa la jiraa qofka samra

8: Waxa ugu   muhiimsan waa  inaad ilaaliso waqtigaaga oo nidaamiso

9: Waa inaad qof kale saacido sababto ah saacidada aad qofka kale saacideyso aad ayey wax kuugu tareysaaa intay asaga wax tareyso in ka badan

10: Hormarkaga waxu ku xirin yahay qofka aad mar walba calaaqada la leedahay qof wanagsan inaa saaxiib la noqoto oo hadafkaga kaa mashquulineyn inuu kugu kaalmeeyo maahine

11: Inaad ka baqin fashil waayo isbedel ayaa dooneyso waxaad sugtaa wax walba qof aan fashilmin guul ma gaaro adiga dadaal hadad fashilanto halkaas ha fadhiisan hore usii wad dadaaalka

12: Garo qaladaadkaga hadad qaldanto qof kale ha eedeynin

 

N.B: Ugu dambeyn si aad marwalba ula xisaabtanto naftaada waa inaa ku dhejisataa warqad ay kugu qoran yihiin dhamaan ahdaaftada meesha aad sexaneyso ama aad u badan tahay mar walba sida qolkaga IWM.

 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada

  • advertisement_alt