Su'aalo iyo Jawaabo

5 posts in this topic

Posted · Report post


• S - Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
• J - Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
• J - Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
• J - Waa Sacad bin Mucaad (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
• J - Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku (SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
• J - Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
• J - Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.

• S - Waxaad sheegtaa Magaca Abi-bakar Sadiiq?
• J - C/laahi binu Qaxaafa .

• S - Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
• J - Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.

• S - Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
• J - Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.

• S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
• J- Cismaan bin Cafaan R.C.

• S - Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
• J - Waa Salaada.

• S - Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
• J - Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).

• S - Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?
• J - Waxaa ugu horgelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.

• S - Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?
• J - Waa Ubaya bin Khalaf .

• S - Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?
• J - waxuu ahaa Xudeyfah.

• S - waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?
• J - waxuu ahaa Tamiimuddaari
 
• S-waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israiil+
• J-waa nabi ciise

• S-2 nabi oo walaalo ah oo iskumar dhintay
• J-waa nabi muuse iyo nabi haaruun

 

S - Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
• J - Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).


• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
• J - Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.

• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
• J - Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.

• S - Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
• J - Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
• J - Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).

• S - Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
• J - Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).

Share this post


Link to post
La wadaag

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada