sidee luqada inglish ka ugu hadli karaa Sidee luqada inglish ka ugu hadli karaa

10 posts in this topic

Posted · Report post

Ma dooneeysaa inaad barato luqada English-ka?
Jawaabtaada hadeey aa tahay halkaan ka akhriso 10 talaabo oo kuu fududeeyn karta inaad English-ka ugu hadasho si fasiix ah:
1. Aqbal in luqada english-ka eey tahay luqad ajnabi ah
Mararka qaar waxaad arkeeysa in eray aad si u taqaanay hadane si kale loo dhahaayo, taasoo la micno ah in eray walbo meesha uu ku jiro looga tusaale qaadanaayo. Dadka uu ku cusubyahay barashada luqada english iyo dadka dhax dhaxaadka ah waxeey ku wareeraan erayada isku midka ah isla markaana ku kala duwan micnaha waxeeyna ku xirantahay jumlada uu erayga ku jiro.
2.Waqti fiican sii
barashada luqada english-ka kaliya ma aha in aad isbuuci hal saac siiso oo aad kasii socoto english-ka kaligiis ma ahan waa dhamaan aqoonta la baranaayo, waqti fiican sii barashada english wuxuu kugu fududaan karaa in daqiiqado kooban aad galiso maalin walbo taasoo hadhoow isku badali doonto harumar wacan. Akhri, dhageeyso, ku hadal.
3.Jooji Fikrada aad aaminsatahay ee ah inaad wali tahay Arday/Ardayad
Habdhaqanka saxda ah ayaa sameeyn karo farqiga ah guuldarada iyo guusha. iska jooji fikirka kaa dhaadhacsan ee ah inaad wali tahay qof hada baranaya luqada taasi caksigeeda samee oo ah inaa tahay qof bartay luqada oo ku hadli kara. tani waa isbadal yar laakin waxeey ku dareensiineeysaa kalsooni.

Tusaale hadii aad rabto inaad dhahdo "Apple" (tufaax) kaliya maskaxda haka dhihine carabkana ka dheh si uu ula qabsado.
4. Xasuusnaaw jawaabta waxeey ku jirtaa su'aasha
si taxadar leh u dhageeyso marki uu qof ku weeydiinaayo su'aal .
tusaale
Does he…..?                       Yes, he does.
Can she….?                        Yes, she can.
Is it….?                          Yes, it is.

hadii uu qof ku weeydiyo su'aal isla markaana aad hubin jawaabta, fikirka waxaad ka bilaawdaa erayada loo isticmaalay marki su'aasha lagu weeydiinayay qofka asigaaba horay u isticmaalay erayada ugu badan ee jawaabta.

5. Dhageeysi badan
Wax badan dhageeyso luqada aad baraneeysid, waxaa aad u fiican inaad dhageeysato wada sheekeeysiyada dadka u dhashay luqada english-ka sidookale inaad daawato documentary-yada luqada english-ka ah aad ayee kuu caawinayaan ku dhawaaqida erayada.
6. Isticmaal ama iska lumi
waxaa jirto oraah english ah oo dhaheeysa "use it or lose it" taasoo ka dhigan isticmaal ama lumi, hadii aadan practice gareeynin luqada waad hilmaameeysaa. tani waxeey kaa caawineeysaa inaad xasuusato mar walbo erayada cusub ee english-ka. qaabka ugu fiican ee aad ku xasuusan karto erayada ayaa ah inaad isticmaasho, markaad barato eray isku day inaad u ku dhisto jumlad yar.

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

aad ayad u mahad san tahay sida fiican ee aad noogu sharaxday .

waxan ka rajaynayaa in aad noo soo kordhisid talooyinka ku saabsan waxbarashada mid kaste oo ay tahayba 

thanks so much 

Aflixi Bar ama Baro likes this

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Siciidyare114,

Qoraalka qeeybta kore ku qoran akhriso wax badan ayaad ka faa'iideeysaa.

 

Mahadsanid

Aflixi.com

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Aad iyo aad ayan ugu helay qabka fiican aad sifudud iiigu faraxgalisay inaa luqada inglishka ka qaato talooyin iyo fikrado dherad ah thanks alot my techer ma heli kara  cashir inglisha ah misana lagu turjumayo af somaliga si aan uhelo aqon dherad ah

 

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Aad iyo aad ayaad umahadsantihiin Aflaxi waana idiinkaga mahad celinayaa sida quruxda badan ee aad noogu fududeeyneysaan aidaan wax kubaraan leheen

Waana idiin kaga mahdcelinayaa mar labaad

Share this post


Link to post
La wadaag

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada