Sidee kor loogu qaadi karaa wax soo saarka beeraha


3 posts in this topic

Posted (edited) · Report post

Sare-u-qaadista.thumb.jpg.9634f8c098af84

Sidee kor loogu qaadi karaa wax soo saarka beeraha

Horudhac

Beeraha waxay kamid tahay wax soo saarka baaxada leh ee wadankeena soomaaliya ay leedahay,  beertu waa habka abuurida,  xanaaneynta iyo soo saarida dhir laga sameeyo daawo, cunto, dhar, hoy iyo agab wax tar leh.

Gobollada Beeraha caanka ku ah waxey intooda badan dhacaan koonfurta  waana sidan:

  • ​hiiraan
  • Sh. Dhexe
  • Sh. Hoose
  • Bakool
  • Baay
  • Gedo
  • J.Hoose
  • J.Dhexe

Soomaaliya waxa ay leedahay dhul aad u baaxad weyn oo ku wanaagsan abuurista miraha kala duwan, taasoo dhaqaale badan kaga imaan karo bulsho weynta soomaaliyeed.

Qaabka loo horumarin karo beeraha soomaaliya

Waxaa xaqiiq ah in horumar la taaban karo laga gaari karo dhanka beeraha hadii bulsho weynta usoo jeestaan oo maalgashina ku sameeyaan noocyada kala duwan ee beeraha, waxaa tusaale noogu filan xiliyadii dambe ee dowladii siyaad bare in dakhliga kasoo xaroodo dalaga beeraha ee dibada loo iib geeyo uu gaari jiray sanadkii $ 450,000,000, waxaa wanaagsan in arimahan hoose la dar dar galiyo:

  • In la sameeyo istraatiijiyad horumarineed ee ku aadan beeraha wadanka guud ahaan.
  • In laga kaashto heyadaha caalamiga bilaabida mashaariicda beeraha.
  • In la helo maalgashadeyaal soomaaliyeed iyo kuwa kale ee maalgashta beeraha.
  • In sare loo qaado suuq geynta beeraha soomaaliyeed, dibna loo soo celiyo wadamadii iibsan jiray dalaga soomaaliya.
  • In la dhoof geeyo (iibiyo) wax soo saarka beeraha wadankeena.
  • In lagu wacyi galiyo bulsho weynta soomaaliyeed ahmiyada ay beeraha leeyihiin.
  • In lagu dhiiri galiyo ardayda galeysa jaamacadaha inay ku  biiraan Kuliyada beeraha.
  • In la yareeyo lana baabiyo colaadaha ku dhisan is dirirka beelaha, taasoo caqabad ku ah beerista.
  • In la sameeyo biyo xireen xiliyada fatahaadyada jiraan.
  • In dib u dayactir lagu sameeyo biyo xireenadii hore u jiri jiray.
  • Dib u howlgalinta khubarada soomaaliyeed ee dhanka beeraha aqoonta iyo khibrada wanaagsan u leh.
  • In la helo qalabka lagu hormariyo beeraha, sida daawooyin tayeysan, makiinadaha iyo warshadaha sameeyo noocyada kala duwan ee dalaga
  • In la yareeyo lana baabiyo heyadaha aan dowliga aheyn ee wax kusoo qaato magaca beeraha, hadana aan mashruuc horumarineed ka sameeynin dhanka beeraha.

Noocyada dalaga/miraha ugu badan

Waxyaabaha kasoo go'a ama ka baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah:

  • Moos
  •  cambe,
  •  liin-balbeelmo
  •  liin-dhanaan
  •  galley
  •  masago
  •  babaay
  • qasab
  • qare
  • seytuun
  •  canab
  •  rumaan
  •  Raqay
  • Bataati
  • yaanyo
  • Karooto
  • sisin
  • canuuni
  • iyo noocyo badan
Edited by Aflixi Bar ama Baro
Maxamed c qaadir likes this

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Mahadsanid midane lkn waxn jeclanlaha   ina isheegto heerkaga   maarday beeraha ah mise macalin        ama derejada ad ka haysayo   diploma  degree master     

Maxamed c qaadir likes this

Share this post


Link to post
La wadaag

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada