• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Hab dhaqamedka Suuqa Shaqaalaha Africa (The behavior of labor markets in Africa)

1 post in this topic

Posted · Report post

Horudhac

Qormadan waxa ay sharxi doontaa hab dhaqameedka suuqa shaqaalaha Africa, maadaama suuqa Africa uu haysto shaqaalaha ugu weyn aduunka balse waxaa cad suuqa Africa dhanka wax dhalinta sida (factor markets) in uusan  dhameystirnayn  ayna yihiin wax tar la’aan, wuxuu xadidayaa kobaca dhaqaalaha Africa. Sidaa darteed,qormadan waxay iftiiminaysaa hab dhaqameedka suuqa shaqaalaha Africa iyo dabeecadaha hadda ka jira  dhanka wax dhalinta iyo xiirka uu la leeyahay kobaca dhaqaalaha in u guulaysto sidoo kale qormadan waxa ay soo jeedinaysaa siyaasado wax tar leh  oo dhanka dhaqaalaha ah kuwaas oo horu  marin kara wax tarka suuqa Africa kana dhigi kara shaqaalaha Africa kuwa la tartami kara shaqaalaha aduunka, (Oyeranti, 1999) wuxuu cabiray sida dowladaha Africa ay  u bilaabeen in ay sameeyaan is bedelo xagga dhaqaalaha ah si looga soo kabto guul darooyinkii horay u soo maray ka hor is bedeladaas inta aan la sameynin, tusiyayaasha dhaqaalaha Africa (economic indicators of Africa) waxay geliyeen qaarada Africa dhibaatooyin.

Africa waxa ay ku sinbiriraxday muuqaalaka laga fahmi karo kaas oo laga soo dhaxlay labaatankii sano xornimada Africa ka danbeysay iyo xaaladda hadda taagan ee dhibaatada. xogta  tira koob ee Africa (statistics of Africa) waa kuwa aan muujinaynin wanaag, dekadaha Africa waa kuwa ugu faqrisan waana kuwa ugu culus xagga daymaha uguna liita xagga horumarka aduunka dhan,

Wadamada Africa badankood waxay ay ka faqrisan yihiin hadda sida ay ahaayeen 1970s, sicir bararaka ka jira aad ayuu u sareeyaa, shaqa la;aanta aad ay u sara kacday kobaca dhaqaalaha hoos ayuu u dhacayaa marka loo eego 1980s, isku celcelis wax soo saarka gudaha ee qof walba (GDP per capita) dakhliga kobaciisa waa eber (zero) ama waxa uu ka hooseeyaa eber (negative) badanka wadamada Africa. Dhibaatooyinka hortaagan horumarka Africa waxa ay soo bandhigayan taxadiyaad halis ah. Isku dayo badan oola sameyay si  loogu sharxo kobaca Africa waxa soo baxaya wixii keeni lahaa kobacas ay hooseeyaan sida kaydsashada oo heerkeeda hooseeya (low saving level) heerka maal gelinta oo hooseeya (low investment level) iyo technoljiyada oo  hooseysa iyo siyaasado guracan iyo kuwa kale oo la soo jeediyey. Si kataba ha ahaatee, cadeymihii dhawaan la soo bandhigay ee kobaca dhaqaalaha gudaha (indigenous growth model) cadeymahas waxay tusiyeen  wax dhalinta dhaqameed (traditional factors) kuma filna in ay si fiican u sharxaan kobaca Africa. Qormadan waxaan ku qaadaa dhigaynaa kuna  samenaynaa faaqidaad baaritaan (exploratory analysis) ee suuqa wax  soo saarka iyo dabeecadihiisa, hay’adaha saameeya hab dhaqankiisa, ujeedadaas darted waxaan ku sharxaynaa qaab dhaqanka suuqa shaqaalaha Africa (labor market) iyo suuqa wax soo saarka (factor market) iyo sida suuqaasi  uusan u keenin kobac dhaqaale,  qormada inteeda kale  waxa ay sharxi doontaa saameynta xun ee yeelanayso arintan ka dibna qormada wey soo gabagabaynaysaa wayna soo jeedinaysaa talooyin wax ku ool ah.

Qaab dhaqameedka suuqa Shaqaaalaha Africa

(Oyeranti, 1999) waxa uu sheegay in hab dhaqanka suuqa shaqaalaha Africa iyo qaab muuqaalkiisauu ui  u qeybsan yahay kala aaminsanaanta kala duwan ee Africa shaqaalaheeda ka jirta (ideoligical divide), mid ka mid ah kala qeybsanantaas xagga kala aaminsanaanta ayaa ah lacagaha lagu shaqeeyo (wages) in ay aad u sareeyaan halka wax soo saarka shaqaalaha uu aad u hooseeyo, bangiga aduunka ayaa sheegay sanadka markuu ahaa 1978s carqaladaha hortaagnaa Africa in ay warshadeyn u gudubto uu yahay mushaaraadka oo sareeyo ayadoo wax qabdkana uu aad u yar yahay (World Bank, 1978). Waxa kale ku raacsan ra’yigaas bangiga aduunka Lindauer and Velenchik (1994) sareynta mushaaraadka marka loo barbardhigo wax soo saarka shaqaalaha. Si kastoy ahaataba hoos u dhaca runta mushaaraadka (real wages) ee qaarada waxa uu jilciyey aragtidan.

Sidaa darteed, waxa muhiim ah in la baaro qaab dhismeedka suuqa shaqaalaha Africa, wadamada Africa badankood waxa ay ku sifaysanyihiin suuqooda shaqaalaha shaqaale dheeri ah (labor surplus) marka la barbar dhigo kuwa kale ee wax lagu soo saaro, waxaana ugu wacan  gumeystihii ka horeeyey waxa uu dhaxalsiiyey iyo hidaha iyo dhaqanka qaarada ay leedahay oo duufsaday qaab dhismeedka suuq geynta suuqa shaqaalaha (labor supply).

Tirade kobaca suuq geynta suuqa shaqaalaha aad ayuu u sareeyaa waxa laga heli karo qeybaha kale ee aduunka, tirade sandkii ku korarta suuq geynta xooga shaqaalaha wadamada saharah ee 1980s waa 2.6  percent marka loo barbar dhigo koonfurta Asiya oo ah 2.2 percent iyo 1.8 percent bariga Asiya. Kobacan waxa uu si aad ah uga badan yahay tirade kobac ee wadama horumaray marka ay soo bilaabayeen dhaqaalahooda, waxa kaloo meesha ka marneyn in la fiiriyo profilka shaqaalaha oo ayadana muhiim ah.

Waxa kaloo meesha ku jirta qaabka qeybsiga bulshada 1990 ilaa 2000 waxay tusinaysaa wax ka yar boqolkiiba 21 in ay yihiin wax ka yar 20 sano boqolkiiba 6 percent ay ko koreeyaan 60 sano sidoo kale shaqaalaha Africa badankoodna ay yihiin rag, dumarka waxa ay u dhigmaan 32.5 boqolkiiba xoogga shaqaalaha 1990 ilaa 2015.

Saameynta suuqa shaalaha ay ku leedahay kobaca

(Oyeranti, 1999) waxa uu ka hadlay sida suuqa shaqaalaha wax soo saarka carqalad ku yahay kobaca Africa. si kastoo loo sameeyey is bedelo suuqa ah weli ma noqon mid tartama iyo mid wax tar leh, (institutional factors) wuu sii soconayaa inuu saameeyo shaqeynta suuqyadaasi iyo ku guuldareysiga suuqyada kale, cadaadis ay ku sameeyaan korarka mushaaraadka (wage increase) waxa ay is bedelada ay sameeyeen arintas dowladaha Africa oo dhan wey isku dayeen in ay joojiyaan korarka mushaarka

.

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt