• advertisement_alt

Sidee Ku Noqon Kartaa Network Administrator?

1 post in this topic

Posted (edited) · Report post

 

Network Administrator waa qof ku taqasusay  IT kaas oo maareynayo organizations network. Network administrator waa inuu lahaadaa heer sare ee cilmiga technologiyada .

Sidokale waa qofka  u maaareynayo Local Area Network(LAN) ama Wide Area Network(WAN) dadka hay’ayadaha

Network Administrator wuxuu masuul ka yahay inuu install gareeyo, ilaaliyo uuna ku sameyo dib u casriyeyn software ama hardware walba uu u baahanyahay inuu ku kaco Computer network.

Qofka ah Network Administrator wuxuu sii balaarin karaa local area network,wide area network,internet iyo intranets.

Dadka  Network administratorka ah waxay ka qeyb qaataan maareynta iyo ilaalinta Desktop computerska ,server,switches,routers,firewalls, ,security updates,VPN Gateways , software implementation,file servers waxay kaloo ka qeyb qaataan Cilad bixinta (Trouble shouting Problemska)

Farqiga u dhaxeeyo System Administrator iyo Network Administartor

System administrator wuxuu ku shaqeeyaa Active Directory User ,  objects iyo servers ka kale sida  Server2003 , Server2008,Server2012 , sidokale System administratorka waxaa loo soo gaabiyaa sysadmin.

 Laakiin Markii la joogo Network Administrator wuxuu ku shaqeeyaa switches , firewall,iyo routers si loo Configure gareeyo loona maareeyo Isticmaaalaha iyo linkiga .

Network Administrator ka waa qofka mamulayo shirkad loo hergeliyey xiritaanka Network ga.

Hadaba Sidee ku noqon kartaa Network administrator   

Ugu horeyn waa inaa fahansantahay network iyo qaabka loogu shaqeeyo

·        Ugu yaraan waa inad fahansantahay network operating systems ee  desktop ama laptopka iyo systemyada  serverska ah , waa inaad fahamtaa dhamaan Operating systemyada sida (XP,Window,Vista)

·        Marka hore hel Xirfad  iyo Aqoonta aad u baahantahay markaas dhanka network administratorska

·        Shaqada ugu weyn ee network administrator waa inaad ilaaliso aadna ku shaqeyso computer network.

·        Waa inaa heshaa Shahaadooyin Tusaale:-Cisco Certified Network Professional,RedHat Certified Engineer

·        Waa inaa isku daydaa inaa ka shaqeyso goobaha loogu shaqeeyo si lacag la,aan ah si aad u noqoto qof skills farabadan ka leh network administrator

·        Waa inaad noqotaa qof ku dhex jira technologiyada mar walba aadna barataa nooc walba oo technologyad ah oo so baxdo

·        Aqri Buugaag badan oo ku saabsan Network administrator

·        Waa inaa noqoto qof dulqaad badan

·   Inaa fahamto dhamaan erayada ay isticmaasho kuwa bixiya adeegyada Network

                                                                   http://www.aflixi.com/register/     

      

Edited by Degan

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada

  • advertisement_alt