• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Qaabka loo maamulo maalka ama lacagaha

1 post in this topic

Posted · Report post

Lacagta ama maalka waa wadada qofka u sahlayso in uu ku gaaro hormar wanaagasan eek u aadan dhanka noloshiisa waa hadii uu la yimaado shakhsiga maamul wanaag ku aadan maalkiisa ama lacagtiisa.

Qofka marka uu ka shaqeeyo shaqo kaas ah  ma fiirinaayo  in uu kasbankaro lacag laakin waxaa waajib ah in uu fiiriyo  ujeedo kale uu shaqo ku heli karo  taas oo kuu qalanto islamarkaana aad ku gaari kartid  daro sare islamarkaana kuu qalanta arzaaqda waa ay garanaysaa wadada qofka inta uusan garanin  marka hore Waa in aad ogaataa in aadan heli Karin wuxuusan alle kusiinin laakin waxaa meesha ka marneen in aad samayasid dadaal fara badan  islamarkaana alaah aad talada u dhiibatid si aad u gaartid waxa aad doonayso.

Qofka hadii uusan awoodin in uu maalkiisa qorshe u sameeyo  maalkiisa ayaa cadow ku noqonaa  in uu ku maamulo arimihiisa iyo noloshiisa oo dhan  si uusan u noqonin marka danbe oo oo lacatiisa ka dhamaato mid shalaay iyo qoomamo meel cidla ah lasoo fadhiisto.

Sidaas daraadeed waa in uu bartaa qofka bani aadamka ah sida loo maamulo maalka uu ilaahay qofkaas siiyay islamarkaana iska ilaaliyaa israafka uu ku samaynaayo maalkiisa ama lacagtiisa hadii uu wax ka bixinaayo waa in uu ku bixiyaa wadada saxda aheed ee uu ilaahay raali ka yahay sida dhisida masaajidada,dugsi quraanada,iyo wax alaale wixii kaalmo bani aadam u baahan waxaa hubaal ah in uu ilaahay maalkaada kuu barakaynaayo.

Hadaba bahda aflixi.com waxa uu idin soo gudbinaayaa qaababka loo maamulo maalka ama lacagaha:

1.waa in aad garataa muga maalkaada :marka uu qofka shaqeynaayo waa in uu ogyahay muga ay la egtahya lacagta uu ku shaqeeyo si uu u kala maamulo lacagtiis islamarkaana ka dhigan karo mid ku filan noloshiisa.

2.qofka waa in uu bartaa lacagta uu bixinaayo faaida ku jirto:micnaha qofka bani aadamka ah sax ma ahan in uu ku bixiyo lacagtiisa waxyaabaha aan loo baahnayn  si fataalnimada oo kale ama in uu iibsado dhar fara badan oo aan baahidooda taagneyn  iyo wixii la mid ah macnaheedana ma ahan in uu qofka iska ciqaabo lacagtiisa waxaa loo baahanyahay in uu dhexdhexaad ahaado qofka kana muuqata nimcada ilaahay siiyay asigoo xad gudub ku samaynaynin maalkiisa.

3.In samayso keed:qofka waxaa waajib ku ah in uu wax ka keydiyo lacagtiisa  ugu yaraan waa in uu meel wax ka dhigaa lacagtiisa  qeeb ka mid ah sabatoo ah keedka waa aasaaska maamulida lacagta keedka maalka waa muhiim waxaa tahay qof bani aadam ah waad xanuunsankartaa waalidkaada ayaa xanuunsan karo ama xaaskaada  marka waxaad ku baxsanaysaa keedkaada qofna uma baahanayso aan ka ahayn alaah mooyaanee waana sababta ay u muhiim u tahay maamulida maalka.

4.Raali ahaasho: maxaa ka wanaagsan ereygaan waxaa jiro dad fara badan oo ay soo gasho  lacag badan badan hadana aysan ka muuqanin ama aysan ku filneen bisha inta ka dhamaanayso taasina waxaa sabab u ah maamul xumida lacageed waa lacag iska furan oo aan lahayn waliba deeman galaan ayagoo ku shaqeeya lacag ku filan  taasi waxaa aasaas u ah maamulxumida ee lacageed sidoo kale waxaa jiro dad inyar ku shaqeeya lacag ahaan hadana ku qanacsan noloshooda ku maareeya kana wanaagsan kuwa lacagaha badan ku shaqeeya taasina waxaa sal dhig u ah raali ahaanshaha qofka.

5.In aad u kaydsato maalka ujeedo: keedka lacagaha waa muhiim waliba hadii aad u samaysid marka aad samayso keed mashruuc sida in aad bilowdid ganacsi  si uu mashruucaada u balaarato ama lacagtaada u badato marka ay lacagtaada sii shaqeyso  ayay sii badanaysaa lacagta lafteeda in ay meel iska taalo sax ma ahan waa in ay shaqeysaa lacagta.

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt