• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Qaabka lacag lagu kasban karo

1 post in this topic

Posted · Report post

Hordhac

Asbaabta liibaanta ama guusha waa ay kala duwantahay ma jirto qof dareema liibaanta  iska furan si kasta cimrigaada ha u dheeraado .

Qof kasta waxaa soo mara  waqti wanagaasan islamarkaana ka faaideystay ilaahayna ku garab galay dadaalka iyo waafajinta iyo siismadaba alaah ayaa iska leh ma ahan mid ku imaakarto aqoon iyo waaya aragnimo intaba kaliya waxaa muhiim ah in lala yimaado sabab keeni karto in uu qofka sabab layimaado.

Si kastaba ay noqota in aad gaartid guul  sida in aad heshid lacag islamrkaana aad ku noolaatid nolosha qeebaheeda sare  ma jirto qof nacaayo ama dhahaayo lacagtaan waa ay igu badantahay  ama qof dhibsanaayo badnaashaha maalka insaanka sidiisaba waxaa afkiisa buuxsama marka uu iilka la dhigo inta ka horeyso wuxuu leeyahay wali waxaa ii dhiman in aan helo lacag fara badan waa mid insaanka ilaahay u dhaliyay.

Hadaba waxaa uu idin soo gudbinaayaa aflixi.com talooyiin oo guul loogu gari karo in aad heshid maal ama lacag.

1.ka fogow waxyabaha shakiga keeni karo sida tuugonimada,ka ganacsiga dawooyiinka dhacay,mukhaadaraadka ama darooyooyiinka ,ribada waxaas oo dhan waxay keenayaan in uu ganacsigaada uu guulaysan waayo sababtoo ah uma aadan marin dhariiqii saxda ahaa.

2.Noqo qof ku kalsoon nafsadiisa  islamarkaana rajaynaayo in uu guul ka gaaro ujeedkiisa oo ah in uu lacag helo.

3.Ha guursanin oo ha niyad jabin marka ugu horeyso isku daygaada fashil kusoo wajaha sababtoo ah fashilka wuxuu hoos u dhigaayaa dareenka ah in aadan heli Karin lacag  hadii uu fashil kusoo wajaha kaliya fiiri meesha aad hiigsanayso hana u niyad jabin fashilka kuugu dhacay isku day sida aad uga samata bixi laheed .

4.Xadey fikirkaada  iyo wadada aad ku socotid  ma tahay wadadaas mid ku gaarsiin karto hadafka mustaqbalka aad leedahay.

5.Kabaro dadka kale fikarado kuwaas oo  suuqa kaaga soo horeyay  kana dalbo saaxiibadaada talooyiin ku aadan sida aad ku heli laheed lacago.

6.Ku dadaal marwalbo sida  qaabka aad dadka ula macaamilayso iyo in aad jeclaatid dadka islamarkaana aad ixtiraamtid si ay gacan kaaga siiyaan in uu ganacsigada hormar sameeyo.

Wadooyiinka kaa saacidi kara in aad heshid lacag

1.In aad leedahay marka hore hiwayad ama waxaa aad jeceshahay sida iibiinta baceecooyiinka barnaamijyada computer ka,in aad aqoontaada kor u qaadid.

2.Iibinta qaar ka mid ah cuntada fudud sida cabitaanada kulul iyo kuwa qabowga intaba waa mashruuc fudud hadana lacag laga heli karo.

3.In aad furatif mashruuc yar  islamarkaana aad iibisid badeecooyiin kala duduwan  waxaa suuragal gal ah in ay kuu yimadaan saaxiibadaada iyo in ay kugu soo xiraan macaamiil cusub.

4.Ihtimaam sii sidii aad ku dhamaysan laheed jaamacadaada  ilaa aad ka heshid fursad shaqo si aad u noqotid ugu danbeystii in aad furatid mashruuc ganacsi.

5.Hadii aad leedahay hiwaaayad ah cunto Karin waa in aad hormarisaa cunto karintaada  sidaasi waxaa kuu suuragalaayo in aad furatid maqaaxi maadaama hiwayadaada ay tahay waxaana hubaal ah in aad ka samayn kartid lacago fara badan.

6.Hadii aad jeceshahay technology-yada waxaa la doorbidaaya in aad hormarisid waayo ayada ayaad lacag ka samaynkartaa sababtoo ah aqoonteeda ayaad leedahay .

7.Hadii aad doorbisay ka ganacsiga dharka waxaa la doorbidaayaa in aad hormarisid ka ganacsiga dharka .

 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt