• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Sidee ku noqon karaa qof ganacsade ah(Business Man)

1 post in this topic

Posted · Report post

Qof ganacsadaha waa qof ka shaqeysta badeecahada noocayadooda kala duduwan qofka ganacsadaha waxaa lagu gartaa in uu yahay qof ka qeyb gala maamulka iyo warshadaha iyo ganacsatada.

Waa in uu yahay maamulaha shirkadiisa islamarkaana ah qofka shirkad leh shirkaddaas ah mid shaqeyso oo bixisa adeeg ama ah shirkadd wax soo saar leh.

Waxaa kaloo lagu sheegaa ama lagu qeexaa qofka ganacsaha ah in uu yahay qofka hal abuurka leh lagu shaqeyo fikrad uu soo hindisay ama soo ikhtiraacay.

Sidee ku noqon karaa qofka ganacsade

Waxay ku tiirsantahay in uu noqdo qofka ganacsade in uu  ka miro dhaliyo qofka hindisihiisa ama fakarkiisa waxaana muhiim ah in meelmariyo ama uu fuliyo qorshahaan soo socda:

1.Jeceyl shaqo:shaqada aad  jeclaato waxay gogol dhig u tahay in aad ka gaartid ganacsigaada guul la taaban karo marka hore ka fakar ganacsiga aad jeceshahay in aad ka ganacsatid yuusan kaa noqonin ganacsiga aad bilaabayso laablakac waa in kaa yahay mid aad jeceshahay islamarkaana uu ahaa mid aad nafsad ahaan ku qanacsantahay in aad ka ganacsatid.

2.Ka qaado fakar dadka kale:waa talaabo muhiim ah ganacsigaadana sii jiri doona waa hadii aad ka qaadatid fikrado lagu hormariaayo ganacsigaada sida dad ku xeel dheer ganacsiga islmarkaana aan kula ahayn dad kula tartama ama isku ganacsi aad tihin.

3.Go,aan adag yeelo:waa talaabo aad iyo aad u muhiim ah qofka ganacsadaha ahi waa inuu  qaataa go,aan ah in uu ka gaari karo ganacsigiisa guul la taaban karo dhibaato kasta hasoo wajahdo ugu danbeyntii wuxuu ka gaari doonaa ganacsigiisa guul.

4.Ilaalinta sumcada shirkadda:waa talaabo muhiim u ah ganacsiga shakhsiga  waa in uu dadaalaa qofka ganacsadaha ah ilaalinta sumcada shirkada  waana mida u horseedi karto in uu gaaro ganacsigiisa guul.

4.Waa in uu sameeyaa xiriir wanaagsan:qofka ganacsadaha ah waa in uu xoojiyaa xiriirada .

Xiriirkaas oo kow ah xiriirka dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ka shaqeya shirkadda  sidoo kale waa in uu xoojiyaa xiriirka bulshada qeybeheeda kala duwan gaar ahaan kuwa macaamiisha kuu ah.

5.Waa in uu xaliyaa caqabadaha :qofka ganacsadaha waa in uu xaliyaan dhamaan wixii caqabado ah oo ku aadan ganacsigiisa sida meesha uu ka shaqeyo  ama deegaanka ganacsigiisa ka shaqeeyo .

              Waxaybaaha gaar u ah qofka ganacsadaha ah  

1.In uu taxliiyo goobta uu ganacsigiisa ka furi doona.

2.In uu  u dajiyo shey walbo qorshe.

3.In sameysto maamule lacageed oo wanaagsan.

 

 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt