• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Akhlaaqda shaqada

1 post in this topic

Posted · Report post

Mararka qaar nolosha  waxaa kusoo wajaha caqabado dhan walba leh ayadoo sidaasi ay jirto hadana waxaa loo baahanyahay ama loogu baahanyahay qofka shaqeeya in uu ilaaliyo akhlaaqdiisa dhanka shaqada caqabadaha ku haysta ma ahan in ay saameyso shaqada ama dadka aad la shaqeyso.

Tusaale hadii uu ku haysto mashaakil qoyseed waa mid adiga kuu gaar ah ma ahan in ay saameyso goobta shaqada  sida imaashaha shaqada iyo ka bixitaanka waqtiga shaqada.

Qofka shaqeeya waxaa muhiim ah in uu la yimaado akhlaaq wanaagsan oo uu kula shaqeyn karo meesha uu ka shaqeeyo akhlaaqada wanaagsan waxaa ka mid ah.

Ø  In uu qofka u hogaansanaado amarada kasoo baxaayo maamulkiisa

Ø  In uu yahay  qof la socon kara is badal walbo dhaca.

Ø  In uu yahay  qof lala shaqeyn karo ayna dhib ku qabin dadka la shaqeeyo

Ø  In uu yahay qofka  dagan oo aan fudeed badneen.

Ø  In uu yahay qof xanaaqiisa yar yahay uusan ahayn qof maalaayacni isaga xanaaqo.

Ø  In uu ogolyahay qofka in lagala xisaabtamo shaqadiisa.

Ø  In uu iska ilaabo qofka dabeecadaha gurigiisa ku jooga.

Ø  In uu ogolyahay qofka in la amri karo uusan u qaadanin ciqaab.

Qofka akhlaaqa wanaagsan ee shaqeysta waxaa caado u ah in aysan is khilaafaynin shaqaalaha dhexdooda  mar hadii la shaqeynaayo waxaa shaqada ku kulmaayo dad aanan waligood is arkin balse ku kulmay shaqada qof walbana dabci gooni ayuu leeyahay waxa ay ku wada joogi karaana ay tahay daceecada shaqada.

Wadooyiin kuu sahli kara in ay wanaagsanaato akhlaaqda shaqadaada

1.Marka hore in aad allaah ka baqdid halka aad ka baqi laheed masuuliyiinta shirkadda shaqadana aad u qabatid inta awoodaada ah.

2.in ay noqdaan masuuliyiinta laftigooda kuwa loogu daydo akhlaaqda shaqada.

3.in uu qofka ku qanacsanyahay shaqada in ay cibaado tahay islamarkaana ay tahay in uu sugo oo sidii loogu tala galay uu u qabto.

4.in si isku mid ah lala xibaabtamo dadka khaladka samaynaayo

5.in si isku mid ah ugu istaagaan shaqalaaha shaqada shirkadda.

 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt