• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Side ku xamili karaa ama u adkeysan karaa gaajada soonka

1 post in this topic

Posted · Report post

Ramadaanka waa bisha soonka  taas uu alaah  subxaanahu watacaalaa ku waajiyey adoomihiisa ayna soomaan maalmo tiro yar oo ah 30 maalmood wuxuu bilaabanaa soonka inta aysan fajarka soo bixin ilaa ay ka dhacdo qoraxda .

Bisha barakaysan ee ramadaan waxay u baahantahay juhdi iyo dadaal gaar ahaan dadka ku nool wadamada ku leelaha ka jiro  dadkaas oo sheegta xaraad iyo baahi intaba.

Soonka waa bil timaada sanadkii halmar islamarkaana in loo dulqaato ay tahay gaar ahaan dadka ku nool wadamada heer kulkooda uu daranyahay iyo wadamada saacadaha badan laga soomo ramadaanka waa fursad qaali ah ee sanadkii soo marto qofka muslimka ayna tahay in uu ka faaideysto kheerkeeda iyo ajarkeeda intaba qofkii dacaya waxaa ku dhacay khasaaro iyo shalayto waxaana suuragal ah in uusan gaarin bisha kale wayo ma oga qofka xiliga uu dhimanaayo.

Qofka si uusan u dareemin gaajo iyo xaraad waxyaabaha uu isku ilowsiin karo waxaa ka mid ah in uu ku dadaalo akhrinta quraanka kariimka  iyo in uu badiyo adkaarta iyo in uu ka fogaado la socodka ama la jiritaanka dadka xun xun .

Waxaa hubaal ah in hadii la saaxiibo dadka wanaagsan oo ku xiran masaajida alle kuna dalaalo cibaadaadka uu alaah faray qofka in uu waqtigiisa ka faaideystay uuna dareemi doonin gaajo iyo xaraad midna laakin marka aad meelaha maalaayacni u joogtid waxaa kugu soo ganbanaayo sheydaan waxaadna dareemi doontaa baahi iyo oon hadiiba aan furin.

Shaqada aad shaqaysanayo oo aad ku qaadanayso mushaar bisha ramadaan shaqadaada ajar baa kuugu socda shaqadana waxay ka mid tahay waxyaabaha ku ilowsiiyo xaraadka iyo qaajada.

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt