• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Maxay muhiim u noqotay wax akhrinta

1 post in this topic

Posted · Report post

Qofkasta wuu ogyahay in wax akhrinta aad iyo aad muhiim u tahay laakiin waligaa ma is weydiisay sababta muhiim u tahay wax akhrinta hadaba qoraalkaan waxaan idinku soo gudbinaynaa 8 waxyaabood ama sababood  ee muhiim u tahay in wax badan la akhriyo.

1.in aad ogaatid waxyaabo horey aadan u ogeen

Akhrinta muhiimada ay u leedahay nafsadaada ayaa ah marka hore in aad heshid akhbaar aadan ogeyn wagtiga ay dhacday iyo in aad waxbadan ka ogaatid taariikhihii horey u dhacay iyo wadamada ay dhaceen iyo sababaha keenay dhacdadaas in ay dhacdo in aad ogaatid taariikhihii hore iyo wixii maalinla dhaca intaba waxaa kuu suura gelinaayo in aadwax ka ogaatid akhrinta.

2.in nafsad ahaantaada hor mar samayso

Akhrinta waxay hormarisaa nafsadaada  qofka marka uu wax akhriyo wuxuu helaayaa kalsooni fara badan oo ku aadan nafsadiisa islamarkaana suuragal ma ahan  in laguu sheego waxyaabo aan jiriin ama taariikh hore o been ah waayo waaba ogtahay ama horey ayaad ogeed.

3.Hormari nafsadaada

Inbadan wax akhri si aad u ogaatid waxbadan  akhrinta badan waa mida ku hor marto nafsadaada islamarkaana kaa dhigto qof wax walbo og ama la socda caalamka waxa ka dhacaayo.

4.u diyaar grow waxa aad samayn doontid

Inta aadan qaadin ficilka marka hore waa in aad ka fakartaa waxa kaaga imaandona ama qofka kaa caawin lahaa ama ku hagi lahaa maanta aduunka feedback waxaa laga helaayaa dadka iyo in aad wareysatid ama la shekaysatid dadkii hore .

5.ka hel khibrad dadka kale

Marka aad wax akhrisid  waxaa hubaal ah in aad wax badan  ogaatid  oo dhan walbo leh sida aqoonta qofka oo siyaado in  uu ogaado taariikhihii hore iyo wixii la mid ah.

6.adeegsiga xiriirka

Xiriirka waa wadada ugu wanaagsan ee aad wax ku akhrin kartid marka aad samaynayso xiriir waxaad fahmaysaa waxbadan oo ku saabsan akhrinta  xiriirka waa qaabka ugu wanaagsan ee  isku xirka warka maalinlaha.

7.maskax dagan wax ku akhri

Marka  aad wax akhrinayso waa muhiim ah aamuusnaan buuxda  iyo jawi dagan  si ay maskaxdaada u galaan waxa aad akhrinayso  aamuusnaanta waxay maskaxdaada ka dhigtaa  in uu cad yahay waxa aad raadinayso oo xog ah .

8.in kor loo qaado caqligaada iyo garashada

Akhrinta waxa ay kordhisaa ama kor u qaadaa caqliga qofka marka aad badiso akhrinta badan waxaa is badalaayo dhaqankaada hore hadii uu ahaa mid iska  fudud wuxuu isku badalaayaa mid akhyaareed o waxaa uu qofka noqonayaa qof dagan oo runtii ah qof garaadkiisa sare.

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt