• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Lacag (Money)

1 post in this topic

Posted · Report post

Lacagta waa mida ay kulmiso dhamaan  ashyaada ha ahaato mid fardi ama kali iyo mid wadareed,lacagta waxay kulmisaa sida  real state yada ,baabuuurta,ganacsiga iyo alaabta  iyo wixii soo raaca oo lacag ah.

Lacagta ama maalka waxaa lagu sheegaa ama lagu qeexaa  dahabka ,madanta,iyo wixii shabaha waraaqadaha lacagta.

Qeebaha lacagta ama maalka

Lacagta ama maalka waxaa loo qeybiyaa qeybo badan

1.lacag sugan wa: waa nooca koowaad ee maalka ama lacagta waxaana loo qebiyaa laba qeybooda waxayna kala yihiin

·         Lacag sugan:waa lacagta aan la qabalaynin in la wareejiyo ama loo raro meel kale ilaa xaalad keenta mooyaanee in ay lacagtaas is badal ku dhacay asal ahaanteeda.

·         Lacagta wareegta:waa lacagta la ogolyahay in ay wareeg sameyso aydoo markaas aysan  aheen mid duug ah oo aan baaba ahayn islamarkaana aysan ku dhicin wax is badal ah ayadoo meesheeda taalo,sida luulka ,dahabka iyo macdanta.

 

Lacagta sida ay u shaqeyso

Adeegsiga lacagta waa mida ugu weyn ganacsiga  ganacisgaas ha ahaado mid shakhsiyadeed ma mid lawada leeyahay oo shukaaro lagu yahay.

Lacagta waa mida isku xirta ganacsadaha iyo macaamiilka hadii aysan jirin lacag suura gal ma ahan in uu sii socda ganacsigaada.

Lacagta qaabka ay u shaqeyso waxaa ugu waaweyn 2 qeybood

·         Lacag is weydaarsi ama lacag is dhaafsasho

Waa habka ama hanaanka ay isku dhaafsadaan ganacsata marka ay wax soo iibsadaanaayan ama marka ay samaynayaa isdhaafsi ganacsi iyo adeega waxsoosaarka tusaale waxaa dhacdo markaas in ay ganacsatada ay is dhaafsadaan lacag.

·         Qeybta xisaabaadka

Waa adeegsiga qiyaasta lagu cabiro badeecada  iyo adeegyada markaas ay shirkadda bixiso ,xisaabta waa aasaaska ganacsiga hadii aysan jirin xisaab sax ah lagu xakameeyo shirkadda waxaa hubaal ah in shirkadda durba ay suuqa ka bixi doonta waayo ma laha xisaab ah maxaa soo galay shirkadda oo faaida ah ama khasaaro ah.

 

Muhiimada lacagta

Waxaa cad in lacagta muhiim u tahay qofka bani aadamka noloshiisa  si uu ugu guto baahiyahiisa kala duwan iyo in uu ku gaaro lacagtaas magic iyo maamuus lacagta la,aanteeda waxba ma socon karaan lacagta raadis bay rabtaa waana sababta loo samaynaayo ganacsi ama loo shaqeysanaayo inta hal ujeedo ayay wada leeyihiin kan loo shaqeeyo midka shaqaalaha ah inta waa uun lacag raadis

 

 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt