• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Qaabka loo ilaaliyo xuquuqda caruurta

1 post in this topic

Posted · Report post

Caruurta waa mustaqbalka bari mustaqbalka barina waa caruurta waxaad moodaa ereygaas dhihistiisa ama ku dhawaaqistiisa in ay aad u wanaagsantahay hadana loo samaynin caruurta caruurta waxay mustaqbalka bari noqon karaa marka uu waalidkooda kasoo baxa ama u sameeya waxyaabaha u baahan caruurta xiliga ay yar yaryihiin.

Caruurta marka ay yaryaryihiin waxyaabaha ay u baahanyihiin waxaa ka mid ah in helaan tarbiyo suuban islamrkaana lagu dadaalo sidii ay waxbarashooda sare loogu qaadi lahaa maskaxdooda iyo aqoontooda la kobciyo laguna hago wadada qurxoon ee dariiqa saxda ah.

Wadama soo koraayo  waxaa inta badan ka dhaca rabshado iyo iska horimaadyo dagaal kaasi uu sabab badan ku yeelanaayo in caruur fara badan aysan helin nabad gelyo iyo meel amaan ah ay wax ku bartaan  wadamada qaar caruurta waxaa loo adeeg sadaa dagaalada markaas wadanka uu ka socda sidaasina ku dhacdo in ay caruurta waayaan xuquuqda ay lahaayeen.

Caruurta marka ay yaryihiin waxay u baahanyihiin in laga farxiyo oo lo ka xeeyo mararka qaar meelaha loo darxiis tago si ay ugu soo nastaan  islamarkaana farxada lala qeybsado .

Caruurta marka ay yaryihiin waa marka ay u baahanyihiin in aad loogu dhimriyo waalidkana markaas ula hadlin caruurta sida qof weyn oo kale caruurta hadalo ay xamili karaan lagula hadlo uusan dhaawac u gaysanin warkaada .

Caruurta marka ay yaryihiin waa marka aad loogu faaideysto tarbiyadooda hagaagsan markaaas waa in aad u muujisaa jeceel iyo naxariis  hadii uu markaas waalidka tusin naxariis caruurtaas lagama yaabo in ay noqdaan caruur wanaagsan oo baariyaal islamarkaana ay wax u taraan waalidkooda waayo markii ay yaraayeen ma aysan arkin wax naxariis.

 Gabagabo

Caruurta xaqa ay ku leeyihiin waalidkooda ma ahan mid sahlan caruurta ay baari noqdaan waxay ku xirantahay marka hore in aad hagaajisid tarbiyadooda iyo in aad u muujisid marka ay yaryihiin naxariis iyo kal gaceel sidasi ayaa ku imaan karto in ay caruurta noqdaan kuwa muqtabal leh .

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt