• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Sidee ku noqon karaa ganacsade guuleysta

1 post in this topic

Posted · Report post

Wuxuu ahaa rasuulkeena naxariis iyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee qof ku geeleystay shaqadiisa ganacsi,maantadaan la joogo qofka ganacsadaha wuxuu noqday mid ka muuqdo bulshada inteeda kale  waayo wuxuu isku moodaa dadka kale in uu ka sareeyo ma ahan hadii aad ganacsade tahay in aad dadka ka sareyso balse waxa aad haysatid oo lacagta ah waxaa ku siiyay alaah waa fadli dheeraad ah alaah wuxuu siiyaa qofkii uu doona midka lacagta leh qofka aan haysanin labada waa ay imtixaamanyihiin waa in  ay sidaa ogaadaan.

In aad noqotid ganacsade guuleysta waxaa kaa hortaagan  caqabado fara badan balse waxaad uga gudbi kartaa dadaal iyo samir  waaa in aad kaashataa samirka iyo in uu ujeedkaada uu cadyahay.

Qorshaha wanaagsan waxa uu kaa caawiyaa in aad noqotid qof ganacsigiisa guuleysta  sidoo kale waa in aad keentaa badeeco ka duwan midaa markaas suuqa taalo  iyo in aad kula dhaqantid macaamiishaada dhaqan wanaagsan oo asluubaysan si aad usoo jiidatid macaamiisha waa furaha aad ku noqonkartid in aad ka gaartid ganacsigaada guul iyo hormar.

U istaag olole in aad qaadid ku aadan in aad u samaysid macaamiishaada qiimo dhimis ku aadan baceecada aad markaas ka ganacsatid.

Waxaa muhiim ah mar hadii aad ganacsi ku dhex jirtid in aad la socotid dibada waxa ka socda oo ku aadan dhanka ganacsiga.

Ganacsiga sidiiba wuxuu u baahanyhay in lala socda caalamka wax kusoo kordhaaya iyo waxyaabaha cusub ee kusoo kordhaca ganacsiga .

Imisa qof ayaa ku khasaartay ganacsigooda taasi oo sabab u ah la tacaamulka xun ee ay ku sameeyeen macaamiishooda waayo maacaamiisha waa muraayada ganacsiga isku day marwaliba in aad xalisid macaamiisha waxa ay ka cabanaayaan oo ku aadan wax soo saarkaada ama waxa aad ka ganacsatid si uu u jiro ama usii waaro ganacsigaada

 

Abshir Osman Saed likes this

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt