• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Sidee ku noqdaa qof caan ka ah iskuulka

1 post in this topic

Posted · Report post

Waqtiga lagu qaato iskuulada waa waqtiyada ugu wanaagsan taasi oo qofka noloshiisa saamayn weyn ku leh ama ku lahaan doonta xitaa marka uu dhameeyo waxbarashadiisa,suuragal ma ahan in uu ilaabo waqtiyada kusoo qaatay waxbarashadiisa iskuulka waayo waxay u tahay xasuus gaar ah maadaama uu ahaa waqtiga ugu badan waxbarashadiisa iskuulka aheed sidoo kale asxaabtiisa iskuulka  ma ahan kuwa iloobi doonaa xitaa hadiii uu noqdo qof waayeel aha duqoobay ama mudoo dheer kadib meelo lagu kulmay ayadoo markaas qof waliba meel masuul ka yahay waxaa dhici doonta in la is yiraahdo hebel isku iskuul baan ahayn class hebel ayaan wada dhigan jirnay.

Iskuulka waa hoyga labaad ee guriga maadaama waqti badan la joogo inta aad iskuulka dhiganayso waa in aad ku fakartaa sidaad ku noqon laheed qofka ugu wanaagsan.

Hadaba sidee lagu noqon karaa qof caan ka ah iskuulka

Iskuulka waa meesha inta badan aad joogtid islamarkaana waqtigaaada ugu badan meesha aad gelisay waa iskuulka waayo dhowr sano ayaad dhiganaysay adigoo yar sida laguu geeyay digoo qaangaar ah ayaad dhamayndoontaa waxbarashada iskuulka waxaa suuragal kuu ah in aad baratid dhamaan ardayda dhigata iskuulka waxayna ku xirantahay dabeecadaada iyo qaabka wanaagsan ee aad ardayda ula dhaqantid.

Hadaba shabakada aflixi.com waxay idin soo gudbinaysaa sababaha keeno in aad aan ka noqotid iskuulkaada:

1.Noqotid qof furfuran, oo aan xir xirneyn ahna  qof bashaash ah dhoola cadeyn badan taasi waxay sabab u noqoneysaa in aad caan ka noqotid iskuulkaada ma ahan xitaa class ka aad dhigatid.

Waxaa aad u fiican in aad noqotid qof kaftan badan xiliyada firaaqada la yahay sida waqtiga nasashada   kaftankaas uusan noqonin  mid qofka wax u dhimaayo sumcadiisa dadnimadiisa intaba.

2.Noqo qof run badan ,runta waxay siyaadisaa ama kordhisaa kalsoonida saaxiibadaada waxayna keentaa in ay ku wada jeclaaan dadka oo dhan ayna kugu jeclaadaan runta oo kaliya, runta waxay dhalisaa is jeceel ,iyo kalsooni hadii aad dooneyso in aad caan ka noqotid iskuulka waa in aad la timaadaa akhlaaq aad u sareysa sida run sheegida.

3.Noqo qof dulqaad badan,way adagtahay qofka in uu u dulqaato wax walbo laakiin qofka dulqaadkiisa badanyahay wuxuu hanan doonaa jeceell fara badan oo ka helaayo iskuulka qeebihiisa kala duwan iyo bulshada uu markaas ku dhexnoolyahay.

4.Iska jir in aad iskala weyneysiiyo asxaabtaada iskuuldaada,qaabkaan ama marxaladaan dad badan ayaa shabaha  isla weynida waa mid alaah u gaar ah qof sheegan karto ma jirto islaweynida waxay ka mid tahay dhaqamada xun xun islamarkaana sabab u noqon karto in aad ku waydo asxaab fara badan adiga hadii aad nqotid qof isla way ma ahan mid aad dadka kale wax uga dhimi kartid ama aad ku waxyelayn adiga unbey ku dhibaysaa oo aad ku weyn doontaa asxaabtaada isla weynid waxay ka mid tahay dabeecada xun.

5.Haku khasbin aragtidaada ama fakarkaada asxaabtaada, qof kasta aragti ayuu leeyahay ma ahan ama sax ma ahan in aad ku cabirtid aragtidaada waxa ay tahay qofka saaxibkaada waad ku kala duwanaan kartaaan fikradaha hadii sidaasi ay dhacdo ma ahan saaxiibkaa in uu yahay qof xun ama qof aan wanaagsaneen.

 

                                                              Gabagabo

Waa in aad  iyo aad u ilaalisaa asxaabtaada iskuulka sidii uu noqon lahaa xiriirkiina mid sii socdaa ilaa ka dhimataan saaxiibtinimada ma ahan mid dhamaato maba ugu sii jirto dadka aad isku iskuul aheedeen muddo dheer is xariirinta iska warqabka waa mid na faraysa diinteena islaamka ah waa in aan ku dadaalnaa sidii loo joogteyn lahaa saaxiibtinimada.

 

 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt