• advertisement_alt
Sign in to follow this  
Followers 0

Muxuu yahay GDP?

2 posts in this topic

Posted · Report post

Gross Domestic Product oo loo soo gaabiyo (GDP) ayaa ah midka caalamka ku xisaabiyo wadan waliba dhaqaalihiisa  oo micnaheedu yahay, qiimaha wax soo saarka gudaha  dhamaan  badeecadaha iyo adeegyada ugu danbeyn la isticmaalay laguna soo saaray wadanka gudahiisa waqti xadidadan, GDP xisaabintiisa  wuxuu faa’iido u yahay in lagu ogaado wadanka wax soo saarkiisa sanadkan iyo kan ku xiga waxa iska badalay sidoo kale in laysku cabiro wadamada dhexdooda  sida ay u kala badan yihiin tirada ama  numberka GDP oo wadan walba inta uu ka sareeyo wadanka kale wuu ka awood dhaqaale fiican yahay, hadaba Somalia oo wadan dagaalo sokeeye ku soo jiray sanado badan ayaan si madax banaan u soo saarin GDP wadanka  laakiin waxaa jira hay’ado caalami ah oo isku howlo si horudhac ah inay u sii qiyaasaan dhaqaalaha wadamada ayagoo soo bandhiga data ay  ayaga qiyaasaan oon ka tarjumi karin waaqiciga dhabta ah ee ka jirta wadanka maadaama aan si dhab ah dadkii u dhashayba aysan usoo saarin waxaa ka mid ah data lagu soo bandhigay websiteyo calami ah sida websitkan hoos ku xusan cinwaankiisa

www.indexmundi.com/somalia/economy_profile.html waxay cadeynaysaa GDP ga  Somalia inuu yahay 5.896 billion (2010est) GDP PPP oo laga soo gaabiyey Purchasing Power Parity asagana uu yahay 5.79 billion (2009 est) wuxuu u kala baxaa GDP mid magac ahaan iska ah iyo mid run ah midka runta ah waxaa laga saaraa sicir barrakii dhacay wadanka gudahiisa kaas oo keeni kara tirada in uu ka badiyo waxa dhabta ah korarka sicirka awgeed  laakiin marka laga saaro sicir bararka ay soo baxayso waxa dhabta ah ee uu kordhay  wax soo saarka gudaha  (GDP)  waxa lagu soo bandhigay webkaas  in ay tilmaamayso in uu yahay is bedelka mid taagan oo ah  (constatnt ) wax is bedel ahna ka muuqanin 2.6 yahay ilaa 2012 GDP - real growth rate 2.6% (2010 est.) 2.6% (2012 est.) 2.6% (2008 est.). 

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0

  • advertisement_alt