• advertisement_alt

Hadii Su'aalaha soo socda aad HAA uga jawaabto computer kaada virus ayuu leeyahay

1 post in this topic

Posted · Report post

monthly_06_2015/post-6-0-78470800-1434379248.png
Hadii Su'aalaha soo socda aad HAA uga jawaabto computer kaada virus ayuu leeyahay
 
1.Computer-kaada xawaarihiisu aad ba u hooseeyaa? Waxa eey ka mid tahay astaanta caadiga ah ee lagu garto virus-ka.
Si walba ha ahaatee waxaa jiri kara sababo kale ee keeni kara in computer-kaada xawaarihiisu gaabiyo sida in hard disk uu u baahanyahay in la nadiifiyo, ama computer-ka ayaa u baahan RAM kale ama waxaa jira spyware or adware oo ah noocyo kamid ah viruska oo computer-ka xawaarihiisu gaabiya.
 
 
2.Makuu soo baxayaan fariimo aadan filaneeynin ama barnaamij iska soo kaca adigoon kicinin? Virus-ka qaar ayaa suurta gal ah ineey waxyeeleeyaan Nidaamka Computer-kaada(Operationg System) ama barnaamijyo kale oo kuu gaar ahaa. Natiijada waxyeelada ayaa laga yaabaa in fariimo kuu soo baxaan adigoon filaneeyn, barnaamijyada qaar oo iska furmaya ama iska xirmaya ama computer ka oo iska dama waxeey calaamado u yihiin Virus-ka.
 
3.Fiiri Modem(Qalabka Internetka) iftiinkiisa? Iftiinka Qalabka Internet ka ma bilig leeyaa(Bood boodaa) adigoon isticmaaleeynin ama barnaamij kuu shidneen hadii sidaas eey dhacdo Virus ayaa Data ama xog ku gudbinaya Internet-ka.
 
4.Browser-kaada maku soo kacaa Popup Messages(Fariimo soo booda)? markaad furto browser-ka hadii fariimo kuu soo boodaan waxeey calaamad u tahay in browser-kaas Virus galay.
 
5.Makuu shaqeeynaa Heewadeenka Computer-kaada(task manager)? riix Ctrl+Alt+Del hadii kuu soo kici waayo laga yaabo inuu virus-ka kaa xiray inaad barnaamijyada maamusho.
 
 
 
 
 
cabdi likes this

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada

  • advertisement_alt