Sign in to follow this  
Followers 0

Sidee loo yareyn karaa shaqo la'aanta wadanka?

5 posts in this topic

Posted · Report post

Waxaa wadamada soo koraya gaar ahaan qaarada Afrika dhaqaalahooda la dagay xoog tira badan oo ay leeyihiin oo aan laga shaqeysiinin halka xoogaasi tirada badan hadii uu shaqeyn lahaa wax soo saar fiican  u yeelan lahaa qaarada guud ahaan iyo wadanka si gaar ahaan waxaana aduunku hadda noqday Globlization oo micnaheedu yahay in aduunka isku xiran yahay dhan walba laysna arkayo laysna maqlayo hal  daqiiqo wax ka yar, sidaa darteeda hadi meel shqo la'aan ka jirto halka meelaha kalena ay shaqadu taalo dadka waxay bilaabayaan inay u hayaamaan goobahaas taas oo mar labaad ku keeni karta hoos u dhac dhaqaale, hadaba ayadoo la ogyahay wadanka soomaaliya oo dagaalo sokeeya ay horay ula hareen inay u sii dheer tahay dhaqaalo xumo wax soo saar la'aan shaqo la'aantii oo aad u badan waxa la dhihi karaa sidee loo yareyn karaa shqo la'aantaas baahsan qaarada Africa kuu caan baxday si guuu dahaan si gaar ahaanna soomaaliya?

 

Dabcan shaqo la'aantu laba arimood ayaa loo yareyn karaa hadaan u kala qaadno shaqo la'aanta xalinteeda sida soo socota:

 

1 Shaqsi ahaan .( Personal )

2.Dowlad ahaan (Government)

 

1. Qof waliba waxaa mas'uuliyad ka saran tahay in uu xaliyo shaqo la'aanta soo wajahda kuna xaliyo in uu raadiyo shaqo waqtigiisa qeyb ka mid ahna ku bixiyo in uu ka qeyb qaato wax soo saarka wadanka sida uu ku heli karo shaqo ayaa waxay tahay in uu xirfadiisa shqo soo bandhigo isuna sheego waxa uu yahay haduu mudan yahay in shaqadaasi lagu aamino sida nabi Yusuf markii uu is cadeynayey uu yiri in loo dhiiibo boqrnimada wuxuu yiri  anigu waxaan ahay qof aamin ah cilmina u leh howsha aan dalbanayo in la ii  dhiibo, hadii sidaas uusan  shaqo ku helin wuxuu abuuri karaa shaqo asaga  u gaar ah kuna shaqeysta asagoo ku raadinya si xalaal ah, tusaaale ahaan wuxuu sameyn karaa in uu furto meel xirfadiisa dadka ku bari karo kuna heli  karo lacag.

 

2. Mida dowlada waxa ay tahay hadii mas'uuliyadaas shaqsiyeed lagu guulaysanin oo wadanka dhan dhibaatada shaqo la'aantu ku badato dowlada ayaa laga rabaa in ay xaliso una dajiso siyaasado suuqa isku jaan gooyn kara shaqada taala tirada dad ee shaqo la'aanta ku habsatay waxayna dowladu abuuraysaa shaqooyin wax tar u leh wadanka.

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Waa arin loo baahan yahay in laga hadlo aniga rayi ahaan waxaan qabaa in ay ganacsatada isku dayan allaabta ay dibadda ka keenayan in ay ku sameyan gudaha si loo yareeyo lacagaha faraha badan ee dibbada loo rarayo,ama aan sameyno allab aan u suuq geyno dibbada ,khaadka in la isku dayo in la yareyo ama la joojiyo isaga oo aan dan inoo aheyn dadka aad lacagtisa u wadididna aysan kaga hayn wax axsaan ah ama in aad macaamiil u tahay,hada waxa ugu xoogan ama aan dhihi karo dhaqalaha somaaliya waa xawaalad taa oo dibbada xoogaa rafaad lagu shaqeye laga soo diro iyadana dadka soo dirayo dibka ay ku shaqeyan lagama shekeen karo, mahadsanid mr dr mahad

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Dr aadaan kuugu mahad celinaa waxaan ku dari lahaa shaqo la'aanta waa waxa ugu badan ee maanta aan ka andacoono  lkn wali ma weydiisay qof dhalin yaro ah waxa uu rabo in uu qabto,wuxuu kuugu jaeaabayaa shaqo la'aan lee jirto.

marka shaqo la'aanta aan qeexeenana waa shaqsi ama qof gaaray da'da 16 diyaarna u ah in uu shaqeeyo lehna xirfadii lagu shaqeynayay dadaalna ku bixiyay in uu helo shaqo hal bil kaamil ah.

 marka shaqo la'aanta naftirkeeda waxaa keena shaqsigii ayaanba garanayn wuxuu ka shaqeeyo ama maba raadinine mise diyaarba uma aha,taasoo keeni karta dhaqaalihii oo hooos u dhaca,wax soo saarka oo yaraada,taasoo ka dhalan karta dhibaatooyin farabadan sida in la tahriibo 

 

 

Aflixi Bar ama Baro likes this

Share this post


Link to post
La wadaag

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0