Sign in to follow this  
Followers 0

Caafimaad


2 posts in this topic

Posted (edited) · Report post

Hassan adam kuso dhawoow Aflixi.com,

Marka hore Hurdada habeenkii waa Nimco Alle uu ina Siiyey hal saac aad xiliga habeenki seexato waxay u dhigantaa laban lab aad xili kale seexato

   Hurdo la’aan waa xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn taasoo lagu garto iney qofku ku adkaato inuu hurdo ama uusan hurdada ka dhergin, dadka qaba xalaadaan waxaa lagu gartaa calaamadahaan midkooda ama kuligood

1-Daal fara badan oo uu dareemo

2-Xanaaq fara badan

3-Xasuustiisa oo yaraato

Waxyaabaha Sababi kara Hurdo la,aanta 

1-Qofka oo heysta welwel nololeed (walbahaar)
2-Daawooyinka qaar ayaa sababa ama khalkhal galin kara Hurdada 
3-Niyad Jab oo kuso wajahday waxay sababtaa Hurda la,aan
4-Inuu is bedelo jadwalkaga hurdada wey keenta hurda la,aan 
5-Goobta aad sexaneyso sida ay tahay tusaale inay tahay ,Qabow ,Kuleyl ,Iftiin saaid ah ,Buuq dhamaan waxay sababi karaan Hurdo la,aan 
6-Cuduro qaar ayaa ku sababi karo hurda la,aanta sida  Gastric ,neef iyo Dhiigkarka
7-Inay hayso qofka Dhiig yari(Anemia)
8-In qofka kuso kororto Dareen Baqdin / Cabsi leh 
9-Inuu qofka isticmaalo maandooriye ,Cafee,Khamri IWM.
10-Fikir badan aad fikirto waxay keenta inay hurdada kaa tagto
.

 

Maxa loogu hortagi karaa Hurdo la,aanta

1-Seexo waqti fiican oo cayiman
2-Haku seexan cuno aad isla waqtigaad sexaneyso  cuntay
3-Ka fagoow inaad cabto Sigaar-ka iyo Cafee-ga 
4-Markaad sexaneyso aqriso Adkaar iyo Quraan 
5-Seexo qol aan iftiin aheyn ,qolka aad sexaneyso u dami nalka hana noqdo qol hurdo loogu talagalay yuusan noqon qol Sheeko ama lagu caweynayo
6-Hadii intaas aad wax isaga kaa bedeli waayaan la xariir Dhaqtar

 

 

 

Edited by Degan

Share this post


Link to post
La wadaag

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada
Sign in to follow this  
Followers 0