• advertisement_alt

SHAQO LA'AANTA, NOOCYADEEDA, WAXA KEENA IYO XALKEEDA.

9 posts in this topic

Posted · Report post

Maxay tahay shaqo la'aantu? Muxuse  yahay shaqo waayaha?

 

Sida aan ognahay shaqo la'aantu waa arin si guud uga dhacda magaalo, wadan ama qaarad marka xoogga shaqaale uu ka bato shaqada taala suuqa. Shaqo waayahu waa qofka raadinaya shaqo balse aanan helaynin shaqadii uu u baahnaa, hadaba waxaa laga yaabaa qofka si dhameystiran inuusan u shaqeynin balse uu shaqeeyo gelin ka mid ah waqtigiisa wuxuuna jeclaan lahaa inuu si dhameystiran u shaqeeyo hadaba maxaa lagu tiriyaa qofkaasi ma qof shaqeeyaa mise waa qof aan shaqeynin? waxaase  jira qof ka quustay shaqadii helideeda oo joojiyey raadinta shaqada, qofkaasi maxaa lagu tirayaa shaqo waaye mise asaga ayanba raadin shaqada oo ma noqon karo shaqo waaye.

Share this post


Link to post
La wadaag
  • advertisement_alt

Posted · Report post

shaqo la'aantu waxa ay ku imaaan kartaa siyaabo kala duwan, sida qofka shaqo waayuhu uu noqon karo mid shaqo ku waayey ilaa afar sababood kuwaas oo shaqu waayuhuna loogu  magac daro waxaa ka mid ah:

1. shaqo waaye xiliyeed 

2. shaqo waaye dhaqdhaqaaqa suuqeed 

3. Shaqo waaye dib u qaabayn xirfadeed

4. shaqo waaye iskiis u dooortay 

Hadaba, shaqo waayuhu  afartan midkood ayaa ku keeni kara inuu shaqo waaye noqdo hadaan mid mid u soo qaadano noocyadan afarta ah ee shaqo waayuhu,  midka ugu horeeya wuxuu shaqo la'aan noqdaa xiliyada xilli ka mid ah oo shaqadiisu munaasab ku aheyn sida dadka barafka gada xiliyada qaboobaha ama dadka gada adag dharka xilliyada kulaylaha

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Shaqo wayuhu dib u qaabayn xirfadeed waxay ku dhacdaa markii ay shaqeyn weyso xirfad uu horay u bartay kuna shaqeysan jiray horumarka laga sameeyey xagga technoljiyada awgeed tiisa hore laga guuray sidaasna uu ku noqday mid aan loo baahnayn xirfada markaas uu leeyahay kaasi waxaa lagu magacaabaa shaqo waaye dib u qaabaynta xirfadda, Hadaba wuxuu shaqo dib ugu heli karaa asagoo la jaanqaado xirfadaha casriga ah ee markaasi suuqa laga rabo.

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Shaqo waayuhu ku keentay shaqo la'aanta dhaqdhaqaaqa suuqa waxa loo bixiyey shaqo waaye dhaqdhaqaaq suuqeed,  waxa inta badan dhaca markii dhaqaalaha hoos u dhac ku yimaado shirkadaha wax soo saarkooda ayaa hoos u dhaca waxaa sidoo kale  hoos u dhaca faa'iidadooda ayagana waxay isku dayaan inay shaqaalaha iska kala yareeyaan maadaama faa'iidadooda hoos u dhacday,  dadkaas shaqada ku waaya is badelkaas suuqa ku yimid ayaa loo bxiyey waxaana xaalada shaqo ay soo hagaagi kartaa in dhaqdhaqaaqii suuqa uu soo laabto lagana baxo hoos u dhaca dhaqaalaha.

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Waxaan ka arki karnaaa noocyada shaqo la'aantu u kala baxdo in ay tahay sababaha dhaliya shaqo la'aanta markeedii hore, waxay culimada dhaqallayahanadu ku sheegaan shaqo la'aantu in aysan  gaarin  zero oo  mar walba waxa jira qeyb shaqo la'aan noqonaya oo bulshada ka mid ah  ee waxay sheegaan(full employment )shaqaalaysiin dhamesytiran in la gaarayo marka la gaarsiiyo shaqo la'aanta midka loo yaqano (natural unemployment) shaqo la'aanta dabiiciga ah taasoo lagu macneeyo shaqo la'aanta mar waliba jira karta bulshada dhexdeeda.

shaqo la'aantu badashadeeda waa sabaha kena in uu wadan hoos u dhac dhaqaale ku yimaado sababtoo ah hal qof oo shaqo la'aan noqdaa waxa hoos u dhaca wax soo saarka boqolkiiba labo  

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

maasha aalah DrMahd .JAZAAKALLAH KHEIR  waxaan rabaa inaad ii macneeso si faahfaahsan orahaadan "hal qof oo shaqo la'aan ah sidee wax soo saarka labo qof hoos ugu dhacaa?  

Share this post


Link to post
La wadaag

Posted · Report post

Maxay tahay shaqo la'aantu? Muxuse  yahay shaqo waayaha?

 

Sida aan ognahay shaqo la'aantu waa arin si guud uga dhacda magaalo, wadan ama qaarad marka xoogga shaqaale uu ka bato shaqada taala suuqa. Shaqo waayahu waa qofka raadinaya shaqo balse aanan helaynin shaqadii uu u baahnaa, hadaba waxaa laga yaabaa qofka si dhameystiran inuusan u shaqeynin balse uu shaqeeyo gelin ka mid ah waqtigiisa wuxuuna jeclaan lahaa inuu si dhameystiran u shaqeeyo hadaba maxaa lagu tiriyaa qofkaasi ma qof shaqeeyaa mise waa qof aan shaqeynin? waxaase  jira qof ka quustay shaqadii helideeda oo joojiyey raadinta shaqada, qofkaasi maxaa lagu tirayaa shaqo waaye mise asaga ayanba raadin shaqada oo ma noqon karo shaqo waaye.

Share this post


Link to post
La wadaag

Isdiiwaan Gali

Waa inaad isdiiwaan galisaa si aad su'aal ama jawaab u soo gudbiso

Isdiiwaan Gali

Noqo Xubin si aad su'aal u soo gudbiso


Isdiiwaan Gali

Gudaha U gal

Hadii aad xubin hore eheed? Gudaha U gal


Hada Gudaha U Gal Akoonkaada

  • advertisement_alt