• advertisement_alt

Degan

Members
  • Content count

    44
  • Joined

  • Last visited


Everything posted by Degan

  1. Degan added a post in a topic sql   

    Ridwan inkastoo uusan cadeyn waxa aad rabto waxaanse kuu sheegaa markaad rabto inaad wax kala reebto markii lajoogo Programming ka in aad wax ku shardin karto luqadda aad isticmaaleyso tusaale hadii aad isticmaaleyso PHP waxuu noqonaa sidaan oo kale
    $Age=$_POST['age']; if($Age<18) echo "Sorry! ,".$Age." Age is not allowed"; else { //Code for insertion }luqad kalene waa sidaas oo kale hadii aad rabto inaad Stored Procedure  dhexdiisa ku check gareyneyso waxa ay noqoneysaa sidan oo kale
    create proc Check_age @age as int As if(@age<18) Begin print "Sorry! Age is not allowed" End else if(@age>18) Begin --Code for insertion End GOMahadsanid
  2. Degan added a post in a topic Caafimaad   

    Hassan adam kuso dhawoow Aflixi.com,
    Marka hore Hurdada habeenkii waa Nimco Alle uu ina Siiyey hal saac aad xiliga habeenki seexato waxay u dhigantaa laban lab aad xili kale seexato
       Hurdo la’aan waa xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn taasoo lagu garto iney qofku ku adkaato inuu hurdo ama uusan hurdada ka dhergin, dadka qaba xalaadaan waxaa lagu gartaa calaamadahaan midkooda ama kuligood
    1-Daal fara badan oo uu dareemo
    2-Xanaaq fara badan
    3-Xasuustiisa oo yaraato
    Waxyaabaha Sababi kara Hurdo la,aanta 
    1-Qofka oo heysta welwel nololeed (walbahaar)
    2-Daawooyinka qaar ayaa sababa ama khalkhal galin kara Hurdada 
    3-Niyad Jab oo kuso wajahday waxay sababtaa Hurda la,aan
    4-Inuu is bedelo jadwalkaga hurdada wey keenta hurda la,aan 
    5-Goobta aad sexaneyso sida ay tahay tusaale inay tahay ,Qabow ,Kuleyl ,Iftiin saaid ah ,Buuq dhamaan waxay sababi karaan Hurdo la,aan 
    6-Cuduro qaar ayaa ku sababi karo hurda la,aanta sida  Gastric ,neef iyo Dhiigkarka
    7-Inay hayso qofka Dhiig yari(Anemia)
    8-In qofka kuso kororto Dareen Baqdin / Cabsi leh 
    9-Inuu qofka isticmaalo maandooriye ,Cafee,Khamri IWM.
    10-Fikir badan aad fikirto waxay keenta inay hurdada kaa tagto.
     
    Maxa loogu hortagi karaa Hurdo la,aanta
    1-Seexo waqti fiican oo cayiman
    2-Haku seexan cuno aad isla waqtigaad sexaneyso  cuntay
    3-Ka fagoow inaad cabto Sigaar-ka iyo Cafee-ga 
    4-Markaad sexaneyso aqriso Adkaar iyo Quraan 
    5-Seexo qol aan iftiin aheyn ,qolka aad sexaneyso u dami nalka hana noqdo qol hurdo loogu talagalay yuusan noqon qol Sheeko ama lagu caweynayo
    6-Hadii intaas aad wax isaga kaa bedeli waayaan la xariir Dhaqtar
     
     
     
  3. Degan added a post in a topic Waa maxay Database   


    albashari Kuso dhawooow Aflixi.com,
    Database waa warbixino isla xiriira oo  la isku habeyey  Warbixinadaas si loo maareeyo,waxna looga bedelo ,xog/Warbixin na looga so qaado waxaa la isticmalaa Database Management System (DBMS) taaso kuu ogalaaneyso  inaad la tacaamuli karto hal iyo wax ka badan oo database ah waxayna awood u leedahay inay access gareyn karto dhamaan xogta ku jirta databases ka. DBMS waxy kaloo ina siin kartaa hab fudud aan ku maaareyn karno warbixintii habeyneyd /database .DBMS waxay kuu ogalaanee inaad qeexdo,abuurto,wax ka bedesho,maamusho Databaseka.
    DBMS dadka badanaa ku lug leh oo ku shaqeeya waa :-
    Systems analystsDatabase designersDatabase administratorsApplication developersUsers 
    Markii  hore databases waxaa lagu habeyn jiray fields oo ah columns,records oo ah rowska data ku jirto iyo files oo ah rows badan 
    Field waa wax yar oo warbixin ah ama waa column yadaRecord waa hal field oo dhameystiran ama hal row wixi ku jiro waxaa loo yaqaanaa recordsFile waa records badan oo la isku keenay sida Name, address, telephone & number 
    Faaidada uu leeyahay  database-ka
    Database ka wuxu yareeya xogta soo laablaabeyneysa (Data Redundancy)
    Wuxu kale uu yareeyaa qaladaaadka  la saxo mar walba (Updating errors)
    Wuxuna kordhiyaa sii jiritaanka warbixnada(Increasing Data Consistency)
    Wuxu kor u qaadaa xogta security-ga ay leedahay (Improved Data Security)
    Wuxuna fududeeyaa inaad develop gareyn karto application cusub (Facilitated Development of new Applications program)
     
    intaan iyo in ka badan oo faa'ido ayuu leyahay Database-ka intan ayaa kuso koobeynaa
  4. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Sida Loo Xanaaneeyo Timaha adigoona isticmaalin wax chemico ah
    Sida loo xanaaneeyo Timaha
     
    Sidaan ognahay Timaha waa Waxyaabaha qurxiya Nafteena uu Allah nagu Maneystay marka waa inaa ka taxadarnaa aana xanaaneysanaa  timaheena anagoo wax chemico ah  u dhowaanin.
    Cambaha oo  la cuno oo laga helaa vitamins badan waxaana fiican inaa ka dhigato cuntada maaalinlaha aad isticmaaasho. Inaad Cabto Cabitaanka Oranjada asna sidokale wuxu aad ugu  fiican yahay xoojinta timahaga waxana ku jiro Vitamin CKarootada waxaa ka buuxa vitamins iyo macdanno bixiya timaha, sidokale  cabitaanka karootadu  waxa uu ka mid yahay kuwa xoojiya timaha, maalintii  hadaad qasato hal koob oo karooto ah oo Cabto waxaad ka heleysaa maadooyin muhiim u ah Timahaga sida maaddada  beta carotene. Saliida saytuunka waxay leedahay faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka quruxdaTimaha ayay qurxisaa  waxayna ka  dishaa qolofta. Waxay kalo  timaha sababtoo fatty acids iyo vitamin E.Saliida Afakaadhada waxay nafaqeysaa Timaha iyo jirko oo idil waxana ku jiro vitamins kal duwan kuwaas oo ka mid ah Amino acid ,Vitamin B6 ,vitamin  D  waxay ka hortagtaa inay daaataaan Timaha Cinabka  oo aad ka dhigato cabitaan joogto kuu ah waxay kordhisaaa qulqulka dhiiga ee lafta madaxa wuxuna ka mid yahay VitaminB  Waxaa kaloo jirta saliid la yiraahdo Castor oil  waa saliiid ka difaaceysa timahaga Inay go,do waxayna bixisaa timaha waxaa laga helaa maaadooyin  kal duwan oo  wax u tarayaa TimahaSaliida Qumbaha waa saliid bixisa Timaha Waxayna ka difaacdaa ama ka daaweysaa Jajabka  waxyna soo celisee Timaha Quruxdooda 
    Waxa kalooo jira Cuntooyin  ama qudaar  oo timaha waxtar u leh waxaana  ka mid ah Cuntooyinkaasi  :-
    AnsalaatadalawskaKalluuunka DigirtaUkuntaQaraha Babaayga 
    • 2 replies
    • 16,516 views
  5. Degan added a post in a topic maxaa sababa Tima googa sidee layskaga daawayn karaa   

    Wcs Muniir Ali,  Go,ida Timaha waxaa keeno :-
    hormoneska timaha la shaqeeyo oo dhibaato ama dhaawac soo gaarowelwel badan oo heysta  shaqsiga Hurdo la,aantadaawooyinka timaha la marsado oo aad isticmasho iyado timahaga jirkaagu uusan rabin daawadaa 
    waxyaabaha dabiiciga aad ku daaweyn karto waxaaa ka bogan kartaaa linkan hoose​

  6. Degan added a post in a topic window HB   

    Yuusuf Carab waan kaa qaadnay salaanta computer Hp waxa lagu soo kiciyaa F10 hadii uu kaa diiido tilmamahan raaac:-
    Waxaad qabataa ooo heysaa Escape key marku uu soo kacayo computerka ilaa uu kaga so baxo menu yada
    Kadib waxaa tageee computer setup  kadib waxad tagtaa security /secure boot configuration enable dheh legacy boot sidokale fiiri inu disable yahay fast boot kadib waxad riiixdaa F10 
  7. Degan added a post in a topic Crystal report shown duplicate data   

    Sharma Hussein,Waxan filaa cilada ku heysata inay tahay formatting ka marka Waxaa highlight gareysaaa field object ga aad heysato kadib dheh right click kana dooro format object kadib waxad check saartaaa Suppress if duplicate 

     
  8. Degan added a post in a topic Crystal report shown duplicate data   

     
    Sharma Hussein,
    walal waan test gareyey codekaga laakiin kuma arkin wax duplicate ah data da waxay iigu soo baxee si caadi ah 
    waxan qaatay datada qaar ka mid ah sida table ka salesinvoicedetail ka 
    midka salesinvoicedetail ka waaa  sidan

    markan codekaga la isticmaalay si test ah waxaaa iiso baxay sidan wax duplicate ahna uma jeedo 

     
  9. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Sida loo Analyze gareeyo Software Project
    Project Analyzing
    Analyses waa furaha ugu horeeyo ee project lagu developgareeyo haduu analyska marka hore kaa qaldamo projectiga baahida loo rabana  wuu ka qaldamayaa
    Ujeedada wax loo analays gareynaayo waa in aan document gareynaa aana hubinaa xogta xarunta ama shaqsiga aan u sameynayno Projectiga  iyo shaqada markaas uu hayo iyo inaa ogaano aragtida ay ka qabaan mashruucaan cusub , xogtan hadaad hesho waxay kuu waxtaree wejiga cusub ee Designing ka Micnaha waxaad sameyn kartaaa howl gal sax
    Waxyaabaha lagaga baahanyahay markii aad sameyneyso Analysing :
    ü  User Profile :- inaa hesho war bixin dhameystiran oo ku saabsan halka/qofka aad wax u sameyneyso
    ü  Current task analyses:- inaaa baarto ama aad ogaato shaqada hada ay hayaaan dadka lo sameynayo projectiga
    ü   Future task description:- inaa hesho warbixin ku saabsan shaqsiga ama Shirkada waxa ay ku qaban doonto softwares cusub
    ü  Usability Specification:- inaa cadeeyso qaabka ay u isticmaali doonto si la isku  waafajiyo baahidooda iyo  Projectiga cusub ama softwareka cusub
    Wadiiqooyinka la marayo markii la sameynayo Analysing
    1:- waa inaad ogaata  Halka systemka looga shaqeynayo iyo inta uu la egyahay shaqada lagu qaban doono systemka micnaha Scopeka
    2:- Waa inaaa ku developgareysaa xogtaa aad ka qaaday userka oo base uga dhigtaa profile uu ku siiyey badanaa programmers qaar qaladaadka ay galaan ayaa ah inay iyaga isku base gareyan oo baahida isticmalaha aysan raacin
    3:- inaaa xog badan aad aruuriso si qofka isticmalaha uusan waxyaabo qaar uusan u hilmaamin tusaale hadad weydiiso suaalo cayiman kadib aad ku develop gareyso systemka waxaa gadaal kaso baxayo warbixino cusub uu userka kaa hilmamay lkn hadad wareesiga badiso qaabka aad xogta u raadinaysna aad badiso waxa lo badina in systemka laso saari doono uu noqon doono mid dhameystiran oo baahidiisa laso qeexay
    4:- inaad document gareyso qaabke ay hada u shaqeeyaan si aad ugu hirgeliso projectiga aad u sameyn doonto aadna ugu developgareysid qabka ay  hada u shaqeeyaan.
    • 1 reply
    • 1,253 views
  10. Degan added a post in a topic What is the java? And how it works?   


    zainab Shide Kusoo dhowoow AFLIXI.
    Java waa luqad  programing ah waxana develop gareysay Shirkada Sun Microsystems ,Java waxa ku jira muuqaalo object oriented programing  language (OOP) ah Waxana laga isticmaala meel walba, Android waxay isticmasha java Programming language si aay u sameyso Android apps, Swing waxa kamid tahay  library API (Application Programmer Interface) waxana loo isticmaalaa in lagu sameeyo applicationada desktop ka ah sidokale  Java EE asagana waa platform ka mid ah platformska  ay java leedahay waxana lagu sameeyaa web applicationada iyo kuwa xayeysiisyada ,Sidokale Java waxay ku shaqeyn kartaa platform kasta oo jira halka luqadaha qaar ay  ku shaqeeyaan platform gaar ah ama midki marka lagu sameyey
     
    Markan joogno programming language ka compiler (ama tarjumaha ) wuxu qaadaa Codeka lagu execute gareyn lahaa target machine cayiman Tusaale ahaan hadi la compile gareeyo Program ku sameysan C++ laguna compile gareeyo window machine  faylashi la execute gareynayey waxa lagu koobiyeyn karaa window machine kale laguma koobiyeyn karo macine kale sida (Mac ama Linux machine ) 
  11. Degan added a post in a topic hilmamshada   

    Ayanle Adan wad ku mahadsantahy Su,aashada ,marka hore Xasuusta Rabi ayaa bixiyo Ku duceyso in uu Allah kaa joojiyo Hilmaamka badan  Mida kale waxa dhici karto in aad qabtay jug xaga madaxa ah Hadii aaad jug qabto waxa ku dadaaasha Nasiinada ,Iska yareeey mashquulka badan ,Hurdo kugu filan seexo  haddii aadan jug hore qabin ku dadaaal cabida biyaha Caadiga ah hel waqti aad nasato si maskaxdada ay u degto xasuustadana ay u fiicnaato   Allaha (SW) ka bari Inuu kaa qaado sidokale kana fogoow wuxu Allah kaa reebay si ducadaaada Allah kaaga  aqbalo 
  12. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Side ayuu qofka noloshisa u bedeli karaaaa?
    Mowduuc: - Side ayuu qofka noloshisa u bedeli karaaaa

    Runtii adduunkan aan joogno ma aha mid joogto ah waa aduun si dhaqsi isku bedela tusaale waxa inoogu filan dhulka aan dul saaranaahy surcada uu ku ordayo ama uu sameynayo lama qiyaasi karo saacadiba dhulka waxa uu sameynaya 1000km .

    Nolosha oo idil waxay ku dhisantahay is bedel malinta waxay isku bedeshaa habeen ,habeenkuna wuxu isku bedelaa maalin

    Marka qofka waa inuu ku fikiraaa side ayaa isbedel joogta ah u sameyn karaa  isbedelkaasi waaa inaad isku bedesho dhinac wanagsan  ha ahaato isbedelkaasi mid ku tacaluqa Aakhiradaada ama ha ahaato mid ku tacaluqa Adduunkaaga,  isbedelka qofka waxa u aasaaas ah xiriirka uu la leeyahay naftiisa guushaada  iyo guuldaridada ba  waxa ay ku xirantahay naftaada calaaqada aad la leedahay

    Horumarka aad sameynayso ama isbedelka waa inay jirtaa meel kuu muuqata ama Target aad rabto inaa gaarto sidokale hadafkada waa inuu ahaada mid SMART ah taaso micnahedu ka tarjumeyso

    S=Specific:  taaso loola jeedo  hadafkaga waa inuu yahay hadaf xadidan oo cayiman

    M=Measurable: Hadafkaga waa inuu yahay mid la cabiri karo  oo la xisabin karo tusaale maxad ka gudatay hadafkaga oo kuu qabsoomay inaad is weydiiso

    A= Achievable: waa inu noqda hadafkagu wax la gaari karo oo la xaqiijin karo wax adan xaqiijin Karin hadaf haka dhigan oo aad gaari Karin.tusaale waxad tiri waxan rabaaa inaa noqdo Malaa,ik duusha!! taasi waa wax aan la gaari Karin.sida darteyd hadafkaga ka dhigo wax aad xaqiijin karto .

    R=Realistic: waa inuu macquul yahay hadafkaga

    T=Time: hadafkaga waa inaad waqti u yeeshaa hadi aad dhahdo hadafkaas waa ina xaqiijiyo intan noolahay wax micno sooma kordhinayso waa inaa dhahdaa bil gudaheeda waxan rabaa inaaa noqdo qof  sidaaa ah …………(hadafkaga ku sheeg)

    Qodobo kugu haggaayo  inaad is bedesho

    1: qofka mar hore inu meel kali ah fadhiisto oo is weydiiyo  heerkaga aqoon waa ila intee,dabcigaga waa maxay,maxa kaa qaldan ,maxa ku fiicantahay, Wa maxay afkaartada,hadi laga horyimado afkaartada maxa kaga hortagi kartaaa waa inuu is qiimeya kadib ayuu ka fikiri karaa isbedel Waxa jira SWOT analysis taaso micnaheda laga so gaabiyey

    S=Strength: inu is weydiyo waa maxay awoodada

    W=Weakness: xagee baad na ku liidataa

    O=Opportunities: waa maxay fursada ku horyaalo

    T=Threats: waa maxay qataraha ku hortaagan

    2: waa inuu sameeyo qorsho dhameystiran oo isku bedeli karaa

    3: Inuu is xisaabiyo markii in mudo ay kaso wareegato waqtigii uu sameyey qorshaha  oo is yiraahdo maxaa kaga qabsoomay hadafkaga

    4: Waxa ku hormarin kartaa naftada wax walbo oo wanagsan aad  sameyso inaad xaqirin haba yaraadaan waxaasi ,waayo waxay kuu keeni karta hadad xaqirto niyab jab .

    5: Qofka waa inuu bartaaa isbuuc walba skills cusub waxweyn ma aha inaad barato waayo waxa heysanaa Nimcooyin fara badan taaso aysan heysan jirin Saxaabada Rasuulka (SCW) nimcada aan heysano oo skills kena ina kordhino inaga saacideyso waxa ka mid ah TECHNOLOGY waxan heli karnaa internet waxan heli karnaa jaamacado online ah waxa wax ka baran karnaa Youtube iwm

    6: Daruuf walba oo timaado waa inaysan kaa leexinin Target aad leedahay

    7: Inaad kalo yeelato samir oo ku xaqiijiso hadafkaga Alle waa la jiraa qofka samra

    8: Waxa ugu   muhiimsan waa  inaad ilaaliso waqtigaaga oo nidaamiso

    9: Waa inaad qof kale saacido sababto ah saacidada aad qofka kale saacideyso aad ayey wax kuugu tareysaaa intay asaga wax tareyso in ka badan

    10: Hormarkaga waxu ku xirin yahay qofka aad mar walba calaaqada la leedahay qof wanagsan inaa saaxiib la noqoto oo hadafkaga kaa mashquulineyn inuu kugu kaalmeeyo maahine

    11: Inaad ka baqin fashil waayo isbedel ayaa dooneyso waxaad sugtaa wax walba qof aan fashilmin guul ma gaaro adiga dadaal hadad fashilanto halkaas ha fadhiisan hore usii wad dadaaalka

    12: Garo qaladaadkaga hadad qaldanto qof kale ha eedeynin
     


    N.B: Ugu dambeyn si aad marwalba ula xisaabtanto naftaada waa inaa ku dhejisataa warqad ay kugu qoran yihiin dhamaan ahdaaftada meesha aad sexaneyso ama aad u badan tahay mar walba sida qolkaga IWM.


     
    • 5 replies
    • 8,325 views
  13. Degan added a post in a topic waa maxay farqiga udhexeeya java iyo javascript   


    java waa luqad ugu horesay  luqdaha ahna mida hogaamisa programming language ka java waxay xiriir la ledahay luqada la yiraahdo C++javascript waxay isticmaasha fikrada ay ka heshay  java taas oo laga keenay marki hore C++,waxana lagu qora codekeda html page kadib waxa loo tarjumaaa web browserjava waxay isticmasha bytecode si ay u gaarto platform independence java waxa lagu run gareya  JVM (Java virtual machine ) waxayna u baahntahay JDK .javascript waxa lagu rungareyn karaa serverka yaala microssoft server page intaan loo dirin qofki wax so codsaday javascript waxa lagu rungareya browser browsers walba oo caan ah wuu ku shaqeyaa javascript  ,java script waa nooc dynamic  ah  halka java ay tahay static way tira  badan yihiin farqiga u dhaxeya maxayelay waa laba luqad.
  14. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Sidee Ku Noqon Kartaa Network Administrator?
     
    Network Administrator waa qof ku taqasusay  IT kaas oo maareynayo organizations network. Network administrator waa inuu lahaadaa heer sare ee cilmiga technologiyada .
    Sidokale waa qofka  u maaareynayo Local Area Network(LAN) ama Wide Area Network(WAN) dadka hay’ayadaha
    Network Administrator wuxuu masuul ka yahay inuu install gareeyo, ilaaliyo uuna ku sameyo dib u casriyeyn software ama hardware walba uu u baahanyahay inuu ku kaco Computer network.
    Qofka ah Network Administrator wuxuu sii balaarin karaa local area network,wide area network,internet iyo intranets.
    Dadka  Network administratorka ah waxay ka qeyb qaataan maareynta iyo ilaalinta Desktop computerska ,server,switches,routers,firewalls, ,security updates,VPN Gateways , software implementation,file servers waxay kaloo ka qeyb qaataan Cilad bixinta (Trouble shouting Problemska)
    Farqiga u dhaxeeyo System Administrator iyo Network Administartor
    System administrator wuxuu ku shaqeeyaa Active Directory User ,  objects iyo servers ka kale sida  Server2003 , Server2008,Server2012 , sidokale System administratorka waxaa loo soo gaabiyaa sysadmin.
     Laakiin Markii la joogo Network Administrator wuxuu ku shaqeeyaa switches , firewall,iyo routers si loo Configure gareeyo loona maareeyo Isticmaaalaha iyo linkiga .
    Network Administrator ka waa qofka mamulayo shirkad loo hergeliyey xiritaanka Network ga.
    Hadaba Sidee ku noqon kartaa Network administrator   
    Ugu horeyn waa inaa fahansantahay network iyo qaabka loogu shaqeeyo
    ·        Ugu yaraan waa inad fahansantahay network operating systems ee  desktop ama laptopka iyo systemyada  serverska ah , waa inaad fahamtaa dhamaan Operating systemyada sida (XP,Window,Vista)
    ·        Marka hore hel Xirfad  iyo Aqoonta aad u baahantahay markaas dhanka network administratorska
    ·        Shaqada ugu weyn ee network administrator waa inaad ilaaliso aadna ku shaqeyso computer network.
    ·        Waa inaa heshaa Shahaadooyin Tusaale:-Cisco Certified Network Professional,RedHat Certified Engineer
    ·        Waa inaa isku daydaa inaa ka shaqeyso goobaha loogu shaqeeyo si lacag la,aan ah si aad u noqoto qof skills farabadan ka leh network administrator
    ·        Waa inaad noqotaa qof ku dhex jira technologiyada mar walba aadna barataa nooc walba oo technologyad ah oo so baxdo
    ·        Aqri Buugaag badan oo ku saabsan Network administrator
    ·        Waa inaa noqoto qof dulqaad badan
    ·   Inaa fahamto dhamaan erayada ay isticmaasho kuwa bixiya adeegyada Network
                                                                       http://www.aflixi.com/register/     
          
    • 0 replies
    • 985 views
  15. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Sideen isugu xiri karaa VB.NET & Database?
     
    Sideen isugu xiri karaa VB.NET & Database?
    Awalan waxaad sameysanee Module Kadib waxaad ku qoranee Codekaan hoos ku qoran :-
    Imports System
    Imports System.Data
    Imports System.Data.SqlClient
    Module ModAs
     
        Public con As New SqlConnection
        Public cmd As New SqlCommand
        Public dr As SqlDataReader
        Public da As New SqlDataAdapter
        Public ds As New DataSet
        Public sql As String
    con = New SqlConnection("server = SRVERNAME ;database = DATABASENAME;integrated security = True")
     
    Hadii uu database kaga uu yahay mid leh Password Sidan ayaa u qoree
     con = New SqlConnection("server = SRVERNAME ;database = DATABASENAME; User Id= MyUsername;Password=MyPassword;") 
    End Module
     
    • 1 reply
    • 781 views
  16. Degan added a post in a topic waa maxay stored procedure   

     
    Stored procedure  waxaa loo yaqaanaa Subroutine sameeyo Xiriirka dhaxeeyo database System iyo Applicationska .Markan ku jirno database management system (DBMS), stored Procedure waa xirmo Structured Query language(SQl) .Stored Procedures waxaa lagu qoraa SQL , sido kale waa wado aad u fudud  una hormarsan  waxay faa,iido u tahay qofka isticmaalayo Clientska sababtoo ah markaad wax ka bedesho program ku sameysan Store Procedure ,Dhamaan Clients ka Si dhaqsi leh ama Automatic ah ayey ku helayaan Versionka cusub aad wax ka bedeshay .
    Tusaale Lagu abuurayo Stored Procedure
     
    Create Proc AFLIXIPro
      @aflixiID as numeric(30,0),
        @aflixiName as Varchar(50)
    AS
    BEGIN
    INSERT INTO AFLIXI VALUES(@aflixiID ,  @aflixiName )
    END
     
     
  17. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Maxaad Ka Fahansantahay DataStructure?
    Data structure waa qaab gaar ah taas oo loo habeeyo xogta ku jirta computer sidaa darted waxay noqon kartaa mid waxtarleh
    Sido kale waxan dhihi karnaa :-Datastructure waa xog si habeysan loo keydiyey.badanaa noocyada datastructure waxaa ku jiro Array,File,Record,Table,Tree.
    Data structure waxay ka mid thy maadooyinka aadka u muhimka ah sababtoo ah waxay leedahay Algorithms  ,Algorithmskana waxaa loo isticmaalaa  Naqshadeynta Softwareka.
    Naqshadeynta softwareka micnaheeda waa Markii ay Programmerska dhisayaan Aalado(Applications) waxay u baahanyihiin inay  Qeexaan Marka hore Nooca(Model) uu noqon lahaa Applicationka aad sameyneysid.
    Noocyada Datastructure
    1:-Linear DataStructure :- waa marka ay xogta tahay mid isku xigxigta waxaana ka mid ah Array,Stack,Queue,Linkedlist
    2:-NonLeanerDatastructure :-waxaa la dhihi karaa markey xogta aheyn mid isku xigta Waxaa ka mid ah Tree iyo Graph
    • 0 replies
    • 639 views
  18. Degan added a post in a topic sideee baad ku noqon kartaa qof proffesional ah oo aqoon leh oo dhissan xaggga aqoonta iyo dadnimadda   

    Walaal waxyaabaha ku noqon karto qof Aqoon leh waa sidan:-
    #Waa inaad ku dadaashaa Aqriska buugaagta ,buugaaag taaso ah kuwa wax kugu so kordhinaya
    #Noqo qof Rajo fiican leh
    #Ka qeyb gal Siminarska Kuwa Muhiimka
    #Iska diiwaangeli oo wax ka baro Onlineka
    #Noqo qof daacad ah
    #Sameyso waxyaabaha aad xirfada u leedahay si aad u ogaato ama aad u hormarin karto naftaada
    #Ahow qof Jadwalkiisa saxsan yahay
     
    Wixii intaas ka dheer ka Aqriso Halkan http://www.aflixi.com/topic/373-sidee-ku-noqon-kartaa-qof-professional-ah/
     
    Mahadsanid
  19. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Sidee ku noqon kartaa qof professional ah ?
     Waxyaabaha aad ku noqon karto qof Professional waxaa ka mid ah:-
    ·         inaad kusoo xaadirto waqtiga loogu talagalay shaqdada,iyo marka aad shirarka  leedahay oo  aad noqoto qof waqtigiisa maareeynsan/habeysan .
    ·         haku hadlin  telefan ka baxsan shaqadada hadeysan jirin arrin  deg deg ah iskana ilaali social media  iyo waxyaabaha ku cuna qabateynayo , kaliya diirada saar shaqadaaada .
    ·         dadka kula hadlayo sii tixgelin gaar ah ,si fiicana u dhageyso.
    ·         Noqo qof isku kalsoon .
    ·         U hadal si degan oo waadix ah , marka aad Talo  ka bixineyso u hadal  si xikmadeysan .
    ·         Qaado waqti yar oo nasiino ah ama Refresh ah markaad shaqada ku jirto .
    ·         Ugu yeedh dadka magacooda iyo darajada eey wataan sababto ah qofka markaad magaciisa ugu wacdo si aad ayuu kuu tixgelinaya.
    ·         Mar walbo ahaaw qof diyaarsan  oo aqri buugaagta ku saabsan xerada aad wax kaso baratay (micnaha raadi waxyaabo badan oo ku quseeya si aad u noqoto qof qibrad badan leh).
    ·         Haka tegin shaqadaada ilaa aad ka gaarto waqtiga aad bixi laheyd ama kuu qorsheysnaaa .
    ·         Isticmaal Email ama telefoon laakiin haday noqoto kulanka mid ku haboon weji ka weji Balanso qofkaad la kulmeyso.
    ·         Noqo qof qadariya dadka aad isla shaqeysaan
    ·         Ula dhaqan qofka  kaa sareeya si ixtiraam leh hala barbardhigin dadka isla shaqeysiin iyo qofka kaa sareeya .
    ·         Waa inaa saxdaa qaabka uu yahay muuqaalka sababtoo ah  wey ku saameyn kartaaa qaab lagu arki karo in lagu fahmo qof masuul ah   .   
    • 0 replies
    • 1,417 views
  20. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    5 Wado aad ku noqon karto Programmer
    5 Wado  aad ku noqon karto Programmer
    Qaado Maadooyin Programming Hore u dhac u ah mid ka mid ah (ama Dhamaantood) oo leh nidaamyadan soo socda :-
    LogicDiscrete mathematicsProgramming language (preferable C++/ Java/ Python for beginners)Baro fikradaha database sida tables, views / queries iyo procedures. Waxaad isticmaali kartaa xirmo kastoo database oo fudud inaad tan sameyso, sida:
    MS AccessDB VFox ProParadoxMySQLSQLGo'aanso nooca programmer aad rabto in aad noqoto. programmerska guud ahaan hoos yimaadaan mid ka mid ah qaybaha soo socda:
     
    Baro Technolygiyada kala duwan iyo programming languageska kuwaas oo xiriir la leh qeybta aad dooratay .Programmer waxad ku noqon kartaa Shantan (5) Wado oo aad ka dooran karto midkaad ku hamineyso inaa noqoto:-
    1)Web Programmer :-waa in qofka  uu dhiso website internetka dhexdisa asagoo isticmaalayo Browsers sida firefox sidokale waxa wax lagu dhisaa web application Aaladaha kala ah
    HTTPFTPPOP3SMTPTCPIP protocolsHTMLXMLColdfusionASPJSPPHPASP.NETWordpressJoomla2)Desktop application programmer :waa programmers kuwaso u shaqeeya inay u qoraan code baahida ka taagan ganacsiyada si loo helo fikradaha lagu xalin karo baahidaasi .
          3)Distributed applications programmer:-waa Aalado kala qeysan kuwaas oo lagu execute gareynayo ama lagu run gareynayo computers badan iyagoo ku shaqeynayo network.wuxuna la shaqeya Qalabyada networking loo isticmaalo sida Router,Switch,Hub
    4)System programmer :- waxaa lagu shaqeyaa xisaaabadka kala ah calculus,linear algebra,Logic iyo Dicreate mathematics waana inaa barataa inta Operating system oo jiro.
    System programmers waxaa ka dooran kartaa intan qeyb oo aad ku taqasusi kartaaa
    o    Kernel programmer
    o    Driver programmer
    o    Compiler programmer
    5) Programming Scientist:- waa Programmers hormarsan kuwaas o u shaqeeya inay hormariyaan Aalado ,Aaladahaaso Hormarinaya  technoligyada sida Encryption,programming languages iyo data mining algorithms 
     
                                                                                                                     WABILLAHI TOWFIIQ
    • 2 replies
    • 1,615 views
  21. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Maxaad qaban kartaa markaad barato computer science?
     
    Shaqooyinka aad qaban karto markaad barato Computer Science waxaa ka mid ah:


    Programmer:- Waa programmer wuxuu si toos ugu qoraa program isticmaalaaha (User) Asagoo u sameynayo nooca Software ee uu rabo Customerka, Programmerska wuxuu u qeybsamaaa labo qeyb oo waa weyn applications iyo system .


    Software Engineer: -  wuxuu quseeyaa dhamaan heerarka kala duwan ee software Development kaas oo laga soo bilaabanayo la kulanka iyo wadahadalka qofka macaamiilkaga ah ilaa aad ka install gareyso Sofwareka(  micnaha markuu qofka kuu yimaado macaamilka aad ka wada hadleysaan Baahida loo qabo Software iyo ilaa aad ka dhameyso Sofwareka aad ugu shubto Computerkiisa ).
    Systems Analyst:- waa qofka baaraya qaabka uu systemka u shaqeyn lahaa ,wuxuu sameeyaa Go,aamo markii  systemska la bilaabayo , ama wax laga bedelayo ,Badanaa systems analysts waa software Engineers .


    Database Administrators:- waa qofka maamulaha database-yada la sameeyay sidookale inuu tijaabiyo habsami u socodka shaqada.


    System Manager:- waa qofka ilaalinayo systemka hore u jiray, wuxuuna ka shaqeynaa malin ka maalin shaqooyinka la xiriira systemka .


    etwork Manager: - waa majmuuco computers ah oo isku xiran waxayna gudbin karaan Data .Sidokale waa nooc ka mid ah system manager kaas oo ku taqasusay inta lagu jiro shaqooyinka network.


    Network Adminisrator:- waa in qofka uu install, configure uu ku sameeyo network sidookale inuu caawiyo dadka isticlaamo network uu sameeyay ama horay u sameeysnaa
    Web Developer:- Web Developer waa qofka Naqshadeeyo, Sameeyo wax ka bad badalo website-ka

    Researcher: - waxaa ku lug leeyahay inta lagu jiro baaritaan caadi ah  oo ku saabsan xerada computer science .

    Teacher: - computer science waxay u baahantahay dadka  joogo hadainay baraan dadka xiga ee imaan doono ,si loo gudbiyo Aqoonta aruursan  iyo Qibrada.

    • 8 replies
    • 1,634 views
  22. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Waa Maxay ASP.Net

    ASP .net waa platformka horumarinta internetka, Waxaana laga soo gaabiyay Active Server Pages
    ASP.Net waa qayb ka mid ah platform yada Microsoft .net kaas oo isticmaala Framework.net oo kala duwan qaababka ay wax ku habeeyaan ama ku developer gareeyaan .
    Waxaad isticmaali kartaa HTML , CSS, JavaScript ama Server Script si aad u dhisto websiteka
    Waxaan kaloo isticmaali kartaa HTML  (Text Hyper Markup Language) ee lagu hormariyo Websiteska.
    The codes application ee ASP.Net waxaa loo qori karaa in ka mid ah luuqadahan soo socda:
     
    1) C # (C # .net)
    2) Visual Basic .net (VB.Net)
    3) Jscript
    4) J #
     ASP.NET is a set of Web development tools offered by Microsoft. Programs like Visual Studio .NET and Visual Web Developer allow Web developers to create dynamic websites using a visual interface. Of course, programmers can write their own code and scripts and incorporate it into ASP.NET websites as well. Though it often seen as a successor to Microsoft's ASP programming technology, ASP.NET also supports Visual Basic.NET, JScript .NET and open-source languages like Python and Perl.
     ASP.NET  Waa  Web development tools(qalabyada lagu hormariyo webka) waxana bixiso Microsoft. Barnaamijyada sida Visual Studio .NET and Visual Web Developer wuxuna kuu ogolaanaa Horumarinta Web si ay u abuuraan websites firfircoon isticmaalaya visual interface. Dabcan, programmers waxay qori karaan code gaar ah iyo qoraallo ASP.NET, ASP.NET sidoo kale waxay taageertaa Visual Basic.NET, JScript .NET iyo open-source languages sida Python iyo Perl.
     ASP.NET waxaa lagu dhisay .NET framework, kaas oo bixiya application program interface (API) ee loogu talagalay barnaamijyo software ah. Qalabka horumarinta .net waxaa loo isticmaali karaa si ay u abuuraan applications labada nidaamka ka hawlgala Windows iyo internetka.
    • 0 replies
    • 904 views
  23. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Maxaad ka fahansanthy Artificial intelligence (AI)?
     
     
    Artificial intelligence (AI) waa meel ka mid ah computer science oo xoojinaya abuurka mashiinada caqli leh u shaqeeya jawaab celinta sida aadanuhu. Qaar ka mid ah hawlaha Computerka Artificial intelligence waxaa loogu talagalay waxaa ka mid ah:
         aqoonsi Hadalka
         Waxbarashada
         Qorshaynta
         dhibaatada xalinta
     
    Baaarida la xidhiidha (Artificial Intelligent) waa mid aad u farsamo badan oo gaar ah. Dhibaatooyinka xudunta u ah Artificial intelligence waxaa ka mid ah barnaamijyada  Computerada  sifooyinka u  gaar ah sida:

         Aqoonta
         Sabab
         dhibaatada xalinta
         aragtida
         Waxbarashada
         Qorshaynta
         Fursada aad isku dubaridi iyo dhaqaajiso walxaha
     
    Aqoonta injineernimada waa qayb ka mid ah  waxyaabaha xudunta u ah cilmi-baarista AI. Mashiinnada inta badan waxay noqon karaan kuwo ka fal celinkara Hadalka  sida aadanaha  macluumaadyada badan oo la xiriira adduunka. Artificial Intelligent waa in uu helo waxyaabaha, qaybaha, guryaha iyo xiriirka ka dhexeeya oo dhan oo iyaga ka mid si ay u hirgeliyaan aqoonta injineernimada. Curinta dareen caadi ah, sababaynta iyo awooda mushkilad xalintu .
    Robotics sidoo kale waa xero weyn oo la xiriira( AI). Robots u baahan yihiin in ay la tacaalaan hawlaha Artificial Intelligent  sida khalkhalgelinta shay, oo ay la socdaan dhibaatooyinka soo  wajahaya, qorshaynta mooshinka iyo khariidaynta.
     
    • 1 reply
    • 650 views
  24. Degan added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Waa maxay farqiga u dhaxeeya Computer science iyo Computer engineering?
     
    Waa maxay Computer Science
    Computer science (CS) waa waxbarasho ku nidaamsan habab algorithmic ah asago tarjumaya / bedelayana Macluumaad, oo ay ku jiraan ay aragtidoda, Naqshad(Design), fulinta, codsiga, iyo hufnaan . waa barashada xisaabinta.Waxay sheegtaa sida aan ku abuuri karno software  fikrad ahaan. Laamaha ugu waaweyn ee computer science, waa kuwan soo socda: Algorithm, Theory of computation,  Computer architecture,Software systems ,  Artificial intelligence.
     Algorithm waa barashada ee qaanuunanda waxtarka leh ee lagu xaliyo proplemska Computerka.
     Theory of computation waxay quseysaa micnaha iyo isku jirka Algorithmska iyo xadidida waxa lagu xisaabin karo xeerkan .
      Computer architecture waxay quseysaa qaab dhismeedka iyo shaqada computerka iyo  xilgelinteeda anago ka fiirinayno xaga Aalada Koronto
    Software systems waa barashada qaab dhismeedka iyo xirgelintiisa  programyada waa weyn
      Artificial intelligence waxay quseysaa Fahamka Xisaabeed  ee waxabadana lagu magacaabo Itelligent behavior
    Mawduucyada kale ee ugu muhiimsan Computer seeyniska waxa ka mid ah:- computer graphics, databases, networks and protocols, numerical methods, operating systems, parallel computing, simulation and modeling, and software engineering.
     
    Waa maxay Computer Engineering
    Computer Engineering (CEN) waa naqshad iyo sample ka sameyn ee qalabyada computerka iyo systemska.
     Computer Engineering  waa barashada sida loo dhiso computing machineska . wuxuu kuu sheegaa sida looo dhiso hardwareka . Topics waxay noqon karaan Hardware architectures, gates, instruction set design, digital communications … It overlaps digital electronics and physics.
    Laamaha ugu waa weyn ee Computer Engineering   waxaa ka mid ah :-
      Networks wuxuu quseeya naqshadeynta iyo hirgelinta ee distributed computing environments iyado ka imaaneyso local area network suna socota World Wide Web.
    Reliable computing and advanced architectures wuxuu tixgeliyaa sida fault-tolerance loo dhisi karo iyado lagu dhisayo hardware and software , habab loo adeegsado parallel computing(is garabyaalka Xisaabeed )
    VLSI systems wuxxu ku lug leeyahy Qalabka ,Astaanta iyo naqshada micro-miniaturized electronic devices
    Mawduucyada ugu muhiimsan ee ku jira Computer Engineering   display engineering, image and speech processing, pattern recognition, robotics, sensors and computer perception.
     
    • 3 replies
    • 4,331 views
  • advertisement_alt