Degan

Members
  • Content count

    44
  • Joined

  • Last visited


About Degan

  • Rank
    Advanced Member

Recent Profile Visitors


3,759 profile views

Degan's Activity

  1. Degan added a post in a topic: sql   

    Ridwan inkastoo uusan cadeyn waxa aad rabto waxaanse kuu sheegaa markaad rabto inaad wax kala reebto markii lajoogo Programming ka in aad wax ku shardin karto luqadda aad isticmaaleyso tusaale hadii aad isticmaaleyso PHP waxuu noqonaa sidaan oo kale
    $Age=$_POST['age']; if($Age<18) echo "Sorry! ,".$Age." Age is not allowed"; else { //Code for insertion }luqad kalene waa sidaas oo kale hadii aad rabto inaad Stored Procedure  dhexdiisa ku check gareyneyso waxa ay noqoneysaa sidan oo kale
    create proc Check_age @age as int As if(@age<18) Begin print "Sorry! Age is not allowed" End else if(@age>18) Begin --Code for insertion End GOMahadsanid
  2. Degan added a post in a topic: cafimaad   

    maxamed nh kuso dhowoow Aflixi.com,
    Gastric-ga waa xanuun ku dhaca Caloosha iyo mindhicirka loo yaqaano duodenum-ka 
    oo ay keentay ill ma aragto loo yaqaan Helicobacter pylori . Helicobacter pylori waa bakteriyo ku nool 
    xuubka ku dahaaran Caloosha hadii aadan iska daaweynin waxay sababi kartaa Caabuq.
    Waxaa sababi kara Gaaska
    1-Isticmaalka waxyaabaha Alcohol ku badanyihiin 
    2-Inad ka daahiso waqtiga cuntada loogu tala galay
    3-Inaad Cunto Cunooyin ay ku badanyihiin Xawaashka 
    4-Inaad isticmaasho daawooyinka loo yaqaano anti-inflammatory drugs oo ay ka mid tahay Kaniiniga Asprin-ka
    5-Sidokale waxa keeni kara Welwelka badan ama Stress-ka
    6-Badsashada Cunada  Basbaaska leh 
    7-Cabida Sigaarka 
    Maxaa uga hortagi kartaa 

    1-Cab biyo Badan Waayo Biyaha badan waxay baabi,nayaan Acidka ku jiro caloosha 
    2-Ku Cun Cuntada Waqtigeeda haka dib dhigin
    3-Iska ilaali Cuntada ay ku badan yihiin Acid ka,Xawaashka iyo Basbaaska
    4-Haku seexan Cunto Culus habeenkii 
    5-Wixi intaasi sii dheer la  kaasho Dhaqtarkaaga Caafimaad 
  3. Degan added a post in a topic: Caafimaad   

    Hassan adam kuso dhawoow Aflixi.com,
    Marka hore Hurdada habeenkii waa Nimco Alle uu ina Siiyey hal saac aad xiliga habeenki seexato waxay u dhigantaa laban lab aad xili kale seexato
       Hurdo la’aan waa xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn taasoo lagu garto iney qofku ku adkaato inuu hurdo ama uusan hurdada ka dhergin, dadka qaba xalaadaan waxaa lagu gartaa calaamadahaan midkooda ama kuligood
    1-Daal fara badan oo uu dareemo
    2-Xanaaq fara badan
    3-Xasuustiisa oo yaraato
    Waxyaabaha Sababi kara Hurdo la,aanta 
    1-Qofka oo heysta welwel nololeed (walbahaar)
    2-Daawooyinka qaar ayaa sababa ama khalkhal galin kara Hurdada 
    3-Niyad Jab oo kuso wajahday waxay sababtaa Hurda la,aan
    4-Inuu is bedelo jadwalkaga hurdada wey keenta hurda la,aan 
    5-Goobta aad sexaneyso sida ay tahay tusaale inay tahay ,Qabow ,Kuleyl ,Iftiin saaid ah ,Buuq dhamaan waxay sababi karaan Hurdo la,aan 
    6-Cuduro qaar ayaa ku sababi karo hurda la,aanta sida  Gastric ,neef iyo Dhiigkarka
    7-Inay hayso qofka Dhiig yari(Anemia)
    8-In qofka kuso kororto Dareen Baqdin / Cabsi leh 
    9-Inuu qofka isticmaalo maandooriye ,Cafee,Khamri IWM.
    10-Fikir badan aad fikirto waxay keenta inay hurdada kaa tagto.
     
    Maxa loogu hortagi karaa Hurdo la,aanta
    1-Seexo waqti fiican oo cayiman
    2-Haku seexan cuno aad isla waqtigaad sexaneyso  cuntay
    3-Ka fagoow inaad cabto Sigaar-ka iyo Cafee-ga 
    4-Markaad sexaneyso aqriso Adkaar iyo Quraan 
    5-Seexo qol aan iftiin aheyn ,qolka aad sexaneyso u dami nalka hana noqdo qol hurdo loogu talagalay yuusan noqon qol Sheeko ama lagu caweynayo
    6-Hadii intaas aad wax isaga kaa bedeli waayaan la xariir Dhaqtar
     
     
     
  4. Degan added a post in a topic: Waa maxay Database   


    albashari Kuso dhawooow Aflixi.com,
    Database waa warbixino isla xiriira oo  la isku habeyey  Warbixinadaas si loo maareeyo,waxna looga bedelo ,xog/Warbixin na looga so qaado waxaa la isticmalaa Database Management System (DBMS) taaso kuu ogalaaneyso  inaad la tacaamuli karto hal iyo wax ka badan oo database ah waxayna awood u leedahay inay access gareyn karto dhamaan xogta ku jirta databases ka. DBMS waxy kaloo ina siin kartaa hab fudud aan ku maaareyn karno warbixintii habeyneyd /database .DBMS waxay kuu ogalaanee inaad qeexdo,abuurto,wax ka bedesho,maamusho Databaseka.
    DBMS dadka badanaa ku lug leh oo ku shaqeeya waa :-
    Systems analystsDatabase designersDatabase administratorsApplication developersUsers 
    Markii  hore databases waxaa lagu habeyn jiray fields oo ah columns,records oo ah rowska data ku jirto iyo files oo ah rows badan 
    Field waa wax yar oo warbixin ah ama waa column yadaRecord waa hal field oo dhameystiran ama hal row wixi ku jiro waxaa loo yaqaanaa recordsFile waa records badan oo la isku keenay sida Name, address, telephone & number 
    Faaidada uu leeyahay  database-ka
    Database ka wuxu yareeya xogta soo laablaabeyneysa (Data Redundancy)
    Wuxu kale uu yareeyaa qaladaaadka  la saxo mar walba (Updating errors)
    Wuxuna kordhiyaa sii jiritaanka warbixnada(Increasing Data Consistency)
    Wuxu kor u qaadaa xogta security-ga ay leedahay (Improved Data Security)
    Wuxuna fududeeyaa inaad develop gareyn karto application cusub (Facilitated Development of new Applications program)
     
    intaan iyo in ka badan oo faa'ido ayuu leyahay Database-ka intan ayaa kuso koobeynaa
  5. Degan added a post in a topic: maxaa sababa Tima googa sidee layskaga daawayn karaa   

    Wcs Muniir Ali,  Go,ida Timaha waxaa keeno :-
    hormoneska timaha la shaqeeyo oo dhibaato ama dhaawac soo gaarowelwel badan oo heysta  shaqsiga Hurdo la,aantadaawooyinka timaha la marsado oo aad isticmasho iyado timahaga jirkaagu uusan rabin daawadaa 
    waxyaabaha dabiiciga aad ku daaweyn karto waxaaa ka bogan kartaaa linkan hoose​

  6. Degan added a post in a topic: window HB   

    Yuusuf Carab waan kaa qaadnay salaanta computer Hp waxa lagu soo kiciyaa F10 hadii uu kaa diiido tilmamahan raaac:-
    Waxaad qabataa ooo heysaa Escape key marku uu soo kacayo computerka ilaa uu kaga so baxo menu yada
    Kadib waxaa tageee computer setup  kadib waxad tagtaa security /secure boot configuration enable dheh legacy boot sidokale fiiri inu disable yahay fast boot kadib waxad riiixdaa F10 
  7. Degan added a post in a topic: Crystal report shown duplicate data   

    Sharma Hussein,Waxan filaa cilada ku heysata inay tahay formatting ka marka Waxaa highlight gareysaaa field object ga aad heysato kadib dheh right click kana dooro format object kadib waxad check saartaaa Suppress if duplicate 

     
  8. Degan added a post in a topic: Crystal report shown duplicate data   

     
    Sharma Hussein,
    walal waan test gareyey codekaga laakiin kuma arkin wax duplicate ah data da waxay iigu soo baxee si caadi ah 
    waxan qaatay datada qaar ka mid ah sida table ka salesinvoicedetail ka 
    midka salesinvoicedetail ka waaa  sidan

    markan codekaga la isticmaalay si test ah waxaaa iiso baxay sidan wax duplicate ahna uma jeedo 

     
  9. Degan added a post in a topic: Sida loo Analyze gareeyo Software Project   

    Project Analyzing
    Analyses waa furaha ugu horeeyo ee project lagu developgareeyo haduu analyska marka hore kaa qaldamo projectiga baahida loo rabana  wuu ka qaldamayaa
    Ujeedada wax loo analays gareynaayo waa in aan document gareynaa aana hubinaa xogta xarunta ama shaqsiga aan u sameynayno Projectiga  iyo shaqada markaas uu hayo iyo inaa ogaano aragtida ay ka qabaan mashruucaan cusub , xogtan hadaad hesho waxay kuu waxtaree wejiga cusub ee Designing ka Micnaha waxaad sameyn kartaaa howl gal sax
    Waxyaabaha lagaga baahanyahay markii aad sameyneyso Analysing :
    ü  User Profile :- inaa hesho war bixin dhameystiran oo ku saabsan halka/qofka aad wax u sameyneyso
    ü  Current task analyses:- inaaa baarto ama aad ogaato shaqada hada ay hayaaan dadka lo sameynayo projectiga
    ü   Future task description:- inaa hesho warbixin ku saabsan shaqsiga ama Shirkada waxa ay ku qaban doonto softwares cusub
    ü  Usability Specification:- inaa cadeeyso qaabka ay u isticmaali doonto si la isku  waafajiyo baahidooda iyo  Projectiga cusub ama softwareka cusub
    Wadiiqooyinka la marayo markii la sameynayo Analysing
    1:- waa inaad ogaata  Halka systemka looga shaqeynayo iyo inta uu la egyahay shaqada lagu qaban doono systemka micnaha Scopeka
    2:- Waa inaaa ku developgareysaa xogtaa aad ka qaaday userka oo base uga dhigtaa profile uu ku siiyey badanaa programmers qaar qaladaadka ay galaan ayaa ah inay iyaga isku base gareyan oo baahida isticmalaha aysan raacin
    3:- inaaa xog badan aad aruuriso si qofka isticmalaha uusan waxyaabo qaar uusan u hilmaamin tusaale hadad weydiiso suaalo cayiman kadib aad ku develop gareyso systemka waxaa gadaal kaso baxayo warbixino cusub uu userka kaa hilmamay lkn hadad wareesiga badiso qaabka aad xogta u raadinaysna aad badiso waxa lo badina in systemka laso saari doono uu noqon doono mid dhameystiran oo baahidiisa laso qeexay
    4:- inaad document gareyso qaabke ay hada u shaqeeyaan si aad ugu hirgeliso projectiga aad u sameyn doonto aadna ugu developgareysid qabka ay  hada u shaqeeyaan.
  10. Degan added a post in a topic: What is the java? And how it works?   


    zainab Shide Kusoo dhowoow AFLIXI.
    Java waa luqad  programing ah waxana develop gareysay Shirkada Sun Microsystems ,Java waxa ku jira muuqaalo object oriented programing  language (OOP) ah Waxana laga isticmaala meel walba, Android waxay isticmasha java Programming language si aay u sameyso Android apps, Swing waxa kamid tahay  library API (Application Programmer Interface) waxana loo isticmaalaa in lagu sameeyo applicationada desktop ka ah sidokale  Java EE asagana waa platform ka mid ah platformska  ay java leedahay waxana lagu sameeyaa web applicationada iyo kuwa xayeysiisyada ,Sidokale Java waxay ku shaqeyn kartaa platform kasta oo jira halka luqadaha qaar ay  ku shaqeeyaan platform gaar ah ama midki marka lagu sameyey
     
    Markan joogno programming language ka compiler (ama tarjumaha ) wuxu qaadaa Codeka lagu execute gareyn lahaa target machine cayiman Tusaale ahaan hadi la compile gareeyo Program ku sameysan C++ laguna compile gareeyo window machine  faylashi la execute gareynayey waxa lagu koobiyeyn karaa window machine kale laguma koobiyeyn karo macine kale sida (Mac ama Linux machine ) 
  11. Degan added a post in a topic: Sida Loo Xanaaneeyo Timaha adigoona isticmaalin wax chemico ah   

    Sida loo xanaaneeyo Timaha
     
    Sidaan ognahay Timaha waa Waxyaabaha qurxiya Nafteena uu Allah nagu Maneystay marka waa inaa ka taxadarnaa aana xanaaneysanaa  timaheena anagoo wax chemico ah  u dhowaanin.
    Cambaha oo  la cuno oo laga helaa vitamins badan waxaana fiican inaa ka dhigato cuntada maaalinlaha aad isticmaaasho. Inaad Cabto Cabitaanka Oranjada asna sidokale wuxu aad ugu  fiican yahay xoojinta timahaga waxana ku jiro Vitamin CKarootada waxaa ka buuxa vitamins iyo macdanno bixiya timaha, sidokale  cabitaanka karootadu  waxa uu ka mid yahay kuwa xoojiya timaha, maalintii  hadaad qasato hal koob oo karooto ah oo Cabto waxaad ka heleysaa maadooyin muhiim u ah Timahaga sida maaddada  beta carotene. Saliida saytuunka waxay leedahay faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka quruxdaTimaha ayay qurxisaa  waxayna ka  dishaa qolofta. Waxay kalo  timaha sababtoo fatty acids iyo vitamin E.Saliida Afakaadhada waxay nafaqeysaa Timaha iyo jirko oo idil waxana ku jiro vitamins kal duwan kuwaas oo ka mid ah Amino acid ,Vitamin B6 ,vitamin  D  waxay ka hortagtaa inay daaataaan Timaha Cinabka  oo aad ka dhigato cabitaan joogto kuu ah waxay kordhisaaa qulqulka dhiiga ee lafta madaxa wuxuna ka mid yahay VitaminB  Waxaa kaloo jirta saliid la yiraahdo Castor oil  waa saliiid ka difaaceysa timahaga Inay go,do waxayna bixisaa timaha waxaa laga helaa maaadooyin  kal duwan oo  wax u tarayaa TimahaSaliida Qumbaha waa saliid bixisa Timaha Waxayna ka difaacdaa ama ka daaweysaa Jajabka  waxyna soo celisee Timaha Quruxdooda 
    Waxa kalooo jira Cuntooyin  ama qudaar  oo timaha waxtar u leh waxaana  ka mid ah Cuntooyinkaasi  :-
    AnsalaatadalawskaKalluuunka DigirtaUkuntaQaraha Babaayga 
  12. Degan added a post in a topic: hilmamshada   

    Ayanle Adan wad ku mahadsantahy Su,aashada ,marka hore Xasuusta Rabi ayaa bixiyo Ku duceyso in uu Allah kaa joojiyo Hilmaamka badan  Mida kale waxa dhici karto in aad qabtay jug xaga madaxa ah Hadii aaad jug qabto waxa ku dadaaasha Nasiinada ,Iska yareeey mashquulka badan ,Hurdo kugu filan seexo  haddii aadan jug hore qabin ku dadaaal cabida biyaha Caadiga ah hel waqti aad nasato si maskaxdada ay u degto xasuustadana ay u fiicnaato   Allaha (SW) ka bari Inuu kaa qaado sidokale kana fogoow wuxu Allah kaa reebay si ducadaaada Allah kaaga  aqbalo 
  13. Degan added a post in a topic: Side ayuu qofka noloshisa u bedeli karaaaa?   

    Mowduuc: - Side ayuu qofka noloshisa u bedeli karaaaa

    Runtii adduunkan aan joogno ma aha mid joogto ah waa aduun si dhaqsi isku bedela tusaale waxa inoogu filan dhulka aan dul saaranaahy surcada uu ku ordayo ama uu sameynayo lama qiyaasi karo saacadiba dhulka waxa uu sameynaya 1000km .

    Nolosha oo idil waxay ku dhisantahay is bedel malinta waxay isku bedeshaa habeen ,habeenkuna wuxu isku bedelaa maalin

    Marka qofka waa inuu ku fikiraaa side ayaa isbedel joogta ah u sameyn karaa  isbedelkaasi waaa inaad isku bedesho dhinac wanagsan  ha ahaato isbedelkaasi mid ku tacaluqa Aakhiradaada ama ha ahaato mid ku tacaluqa Adduunkaaga,  isbedelka qofka waxa u aasaaas ah xiriirka uu la leeyahay naftiisa guushaada  iyo guuldaridada ba  waxa ay ku xirantahay naftaada calaaqada aad la leedahay

    Horumarka aad sameynayso ama isbedelka waa inay jirtaa meel kuu muuqata ama Target aad rabto inaa gaarto sidokale hadafkada waa inuu ahaada mid SMART ah taaso micnahedu ka tarjumeyso

    S=Specific:  taaso loola jeedo  hadafkaga waa inuu yahay hadaf xadidan oo cayiman

    M=Measurable: Hadafkaga waa inuu yahay mid la cabiri karo  oo la xisabin karo tusaale maxad ka gudatay hadafkaga oo kuu qabsoomay inaad is weydiiso

    A= Achievable: waa inu noqda hadafkagu wax la gaari karo oo la xaqiijin karo wax adan xaqiijin Karin hadaf haka dhigan oo aad gaari Karin.tusaale waxad tiri waxan rabaaa inaa noqdo Malaa,ik duusha!! taasi waa wax aan la gaari Karin.sida darteyd hadafkaga ka dhigo wax aad xaqiijin karto .

    R=Realistic: waa inuu macquul yahay hadafkaga

    T=Time: hadafkaga waa inaad waqti u yeeshaa hadi aad dhahdo hadafkaas waa ina xaqiijiyo intan noolahay wax micno sooma kordhinayso waa inaa dhahdaa bil gudaheeda waxan rabaa inaaa noqdo qof  sidaaa ah …………(hadafkaga ku sheeg)

    Qodobo kugu haggaayo  inaad is bedesho

    1: qofka mar hore inu meel kali ah fadhiisto oo is weydiiyo  heerkaga aqoon waa ila intee,dabcigaga waa maxay,maxa kaa qaldan ,maxa ku fiicantahay, Wa maxay afkaartada,hadi laga horyimado afkaartada maxa kaga hortagi kartaaa waa inuu is qiimeya kadib ayuu ka fikiri karaa isbedel Waxa jira SWOT analysis taaso micnaheda laga so gaabiyey

    S=Strength: inu is weydiyo waa maxay awoodada

    W=Weakness: xagee baad na ku liidataa

    O=Opportunities: waa maxay fursada ku horyaalo

    T=Threats: waa maxay qataraha ku hortaagan

    2: waa inuu sameeyo qorsho dhameystiran oo isku bedeli karaa

    3: Inuu is xisaabiyo markii in mudo ay kaso wareegato waqtigii uu sameyey qorshaha  oo is yiraahdo maxaa kaga qabsoomay hadafkaga

    4: Waxa ku hormarin kartaa naftada wax walbo oo wanagsan aad  sameyso inaad xaqirin haba yaraadaan waxaasi ,waayo waxay kuu keeni karta hadad xaqirto niyab jab .

    5: Qofka waa inuu bartaaa isbuuc walba skills cusub waxweyn ma aha inaad barato waayo waxa heysanaa Nimcooyin fara badan taaso aysan heysan jirin Saxaabada Rasuulka (SCW) nimcada aan heysano oo skills kena ina kordhino inaga saacideyso waxa ka mid ah TECHNOLOGY waxan heli karnaa internet waxan heli karnaa jaamacado online ah waxa wax ka baran karnaa Youtube iwm

    6: Daruuf walba oo timaado waa inaysan kaa leexinin Target aad leedahay

    7: Inaad kalo yeelato samir oo ku xaqiijiso hadafkaga Alle waa la jiraa qofka samra

    8: Waxa ugu   muhiimsan waa  inaad ilaaliso waqtigaaga oo nidaamiso

    9: Waa inaad qof kale saacido sababto ah saacidada aad qofka kale saacideyso aad ayey wax kuugu tareysaaa intay asaga wax tareyso in ka badan

    10: Hormarkaga waxu ku xirin yahay qofka aad mar walba calaaqada la leedahay qof wanagsan inaa saaxiib la noqoto oo hadafkaga kaa mashquulineyn inuu kugu kaalmeeyo maahine

    11: Inaad ka baqin fashil waayo isbedel ayaa dooneyso waxaad sugtaa wax walba qof aan fashilmin guul ma gaaro adiga dadaal hadad fashilanto halkaas ha fadhiisan hore usii wad dadaaalka

    12: Garo qaladaadkaga hadad qaldanto qof kale ha eedeynin
     


    N.B: Ugu dambeyn si aad marwalba ula xisaabtanto naftaada waa inaa ku dhejisataa warqad ay kugu qoran yihiin dhamaan ahdaaftada meesha aad sexaneyso ama aad u badan tahay mar walba sida qolkaga IWM.


     
  14. Degan added a post in a topic: waa maxay farqiga udhexeeya java iyo javascript   


    java waa luqad ugu horesay  luqdaha ahna mida hogaamisa programming language ka java waxay xiriir la ledahay luqada la yiraahdo C++javascript waxay isticmaasha fikrada ay ka heshay  java taas oo laga keenay marki hore C++,waxana lagu qora codekeda html page kadib waxa loo tarjumaaa web browserjava waxay isticmasha bytecode si ay u gaarto platform independence java waxa lagu run gareya  JVM (Java virtual machine ) waxayna u baahntahay JDK .javascript waxa lagu rungareyn karaa serverka yaala microssoft server page intaan loo dirin qofki wax so codsaday javascript waxa lagu rungareya browser browsers walba oo caan ah wuu ku shaqeyaa javascript  ,java script waa nooc dynamic  ah  halka java ay tahay static way tira  badan yihiin farqiga u dhaxeya maxayelay waa laba luqad.
  15. Degan added a post in a topic: Sidee Ku Noqon Kartaa Network Administrator?   

     
    Network Administrator waa qof ku taqasusay  IT kaas oo maareynayo organizations network. Network administrator waa inuu lahaadaa heer sare ee cilmiga technologiyada .
    Sidokale waa qofka  u maaareynayo Local Area Network(LAN) ama Wide Area Network(WAN) dadka hay’ayadaha
    Network Administrator wuxuu masuul ka yahay inuu install gareeyo, ilaaliyo uuna ku sameyo dib u casriyeyn software ama hardware walba uu u baahanyahay inuu ku kaco Computer network.
    Qofka ah Network Administrator wuxuu sii balaarin karaa local area network,wide area network,internet iyo intranets.
    Dadka  Network administratorka ah waxay ka qeyb qaataan maareynta iyo ilaalinta Desktop computerska ,server,switches,routers,firewalls, ,security updates,VPN Gateways , software implementation,file servers waxay kaloo ka qeyb qaataan Cilad bixinta (Trouble shouting Problemska)
    Farqiga u dhaxeeyo System Administrator iyo Network Administartor
    System administrator wuxuu ku shaqeeyaa Active Directory User ,  objects iyo servers ka kale sida  Server2003 , Server2008,Server2012 , sidokale System administratorka waxaa loo soo gaabiyaa sysadmin.
     Laakiin Markii la joogo Network Administrator wuxuu ku shaqeeyaa switches , firewall,iyo routers si loo Configure gareeyo loona maareeyo Isticmaaalaha iyo linkiga .
    Network Administrator ka waa qofka mamulayo shirkad loo hergeliyey xiritaanka Network ga.
    Hadaba Sidee ku noqon kartaa Network administrator   
    Ugu horeyn waa inaa fahansantahay network iyo qaabka loogu shaqeeyo
    ·        Ugu yaraan waa inad fahansantahay network operating systems ee  desktop ama laptopka iyo systemyada  serverska ah , waa inaad fahamtaa dhamaan Operating systemyada sida (XP,Window,Vista)
    ·        Marka hore hel Xirfad  iyo Aqoonta aad u baahantahay markaas dhanka network administratorska
    ·        Shaqada ugu weyn ee network administrator waa inaad ilaaliso aadna ku shaqeyso computer network.
    ·        Waa inaa heshaa Shahaadooyin Tusaale:-Cisco Certified Network Professional,RedHat Certified Engineer
    ·        Waa inaa isku daydaa inaa ka shaqeyso goobaha loogu shaqeeyo si lacag la,aan ah si aad u noqoto qof skills farabadan ka leh network administrator
    ·        Waa inaad noqotaa qof ku dhex jira technologiyada mar walba aadna barataa nooc walba oo technologyad ah oo so baxdo
    ·        Aqri Buugaag badan oo ku saabsan Network administrator
    ·        Waa inaa noqoto qof dulqaad badan
    ·   Inaa fahamto dhamaan erayada ay isticmaasho kuwa bixiya adeegyada Network
                                                                       http://www.aflixi.com/register/