• advertisement_alt

wanleweyn

Members
  • Content count

    137
  • Joined

  • Last visited


Everything posted by wanleweyn

  1. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Qaabka loo maamulo maalka ama lacagaha
    Lacagta ama maalka waa wadada qofka u sahlayso in uu ku gaaro hormar wanaagasan eek u aadan dhanka noloshiisa waa hadii uu la yimaado shakhsiga maamul wanaag ku aadan maalkiisa ama lacagtiisa.

    Qofka marka uu ka shaqeeyo shaqo kaas ah  ma fiirinaayo  in uu kasbankaro lacag laakin waxaa waajib ah in uu fiiriyo  ujeedo kale uu shaqo ku heli karo  taas oo kuu qalanto islamarkaana aad ku gaari kartid  daro sare islamarkaana kuu qalanta arzaaqda waa ay garanaysaa wadada qofka inta uusan garanin  marka hore Waa in aad ogaataa in aadan heli Karin wuxuusan alle kusiinin laakin waxaa meesha ka marneen in aad samayasid dadaal fara badan  islamarkaana alaah aad talada u dhiibatid si aad u gaartid waxa aad doonayso.

    Qofka hadii uusan awoodin in uu maalkiisa qorshe u sameeyo  maalkiisa ayaa cadow ku noqonaa  in uu ku maamulo arimihiisa iyo noloshiisa oo dhan  si uusan u noqonin marka danbe oo oo lacatiisa ka dhamaato mid shalaay iyo qoomamo meel cidla ah lasoo fadhiisto.

    Sidaas daraadeed waa in uu bartaa qofka bani aadamka ah sida loo maamulo maalka uu ilaahay qofkaas siiyay islamarkaana iska ilaaliyaa israafka uu ku samaynaayo maalkiisa ama lacagtiisa hadii uu wax ka bixinaayo waa in uu ku bixiyaa wadada saxda aheed ee uu ilaahay raali ka yahay sida dhisida masaajidada,dugsi quraanada,iyo wax alaale wixii kaalmo bani aadam u baahan waxaa hubaal ah in uu ilaahay maalkaada kuu barakaynaayo.

    Hadaba bahda aflixi.com waxa uu idin soo gudbinaayaa qaababka loo maamulo maalka ama lacagaha:

    1.waa in aad garataa muga maalkaada :marka uu qofka shaqeynaayo waa in uu ogyahay muga ay la egtahya lacagta uu ku shaqeeyo si uu u kala maamulo lacagtiis islamarkaana ka dhigan karo mid ku filan noloshiisa.

    2.qofka waa in uu bartaa lacagta uu bixinaayo faaida ku jirto:micnaha qofka bani aadamka ah sax ma ahan in uu ku bixiyo lacagtiisa waxyaabaha aan loo baahnayn  si fataalnimada oo kale ama in uu iibsado dhar fara badan oo aan baahidooda taagneyn  iyo wixii la mid ah macnaheedana ma ahan in uu qofka iska ciqaabo lacagtiisa waxaa loo baahanyahay in uu dhexdhexaad ahaado qofka kana muuqata nimcada ilaahay siiyay asigoo xad gudub ku samaynaynin maalkiisa.

    3.In samayso keed:qofka waxaa waajib ku ah in uu wax ka keydiyo lacagtiisa  ugu yaraan waa in uu meel wax ka dhigaa lacagtiisa  qeeb ka mid ah sabatoo ah keedka waa aasaaska maamulida lacagta keedka maalka waa muhiim waxaa tahay qof bani aadam ah waad xanuunsankartaa waalidkaada ayaa xanuunsan karo ama xaaskaada  marka waxaad ku baxsanaysaa keedkaada qofna uma baahanayso aan ka ahayn alaah mooyaanee waana sababta ay u muhiim u tahay maamulida maalka.

    4.Raali ahaasho: maxaa ka wanaagsan ereygaan waxaa jiro dad fara badan oo ay soo gasho  lacag badan badan hadana aysan ka muuqanin ama aysan ku filneen bisha inta ka dhamaanayso taasina waxaa sabab u ah maamul xumida lacageed waa lacag iska furan oo aan lahayn waliba deeman galaan ayagoo ku shaqeeya lacag ku filan  taasi waxaa aasaas u ah maamulxumida ee lacageed sidoo kale waxaa jiro dad inyar ku shaqeeya lacag ahaan hadana ku qanacsan noloshooda ku maareeya kana wanaagsan kuwa lacagaha badan ku shaqeeya taasina waxaa sal dhig u ah raali ahaanshaha qofka.

    5.In aad u kaydsato maalka ujeedo: keedka lacagaha waa muhiim waliba hadii aad u samaysid marka aad samayso keed mashruuc sida in aad bilowdid ganacsi  si uu mashruucaada u balaarato ama lacagtaada u badato marka ay lacagtaada sii shaqeyso  ayay sii badanaysaa lacagta lafteeda in ay meel iska taalo sax ma ahan waa in ay shaqeysaa lacagta.

    • 0 replies
    • 636 views
  2. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Qaabka lacag lagu kasban karo
    Hordhac

    Asbaabta liibaanta ama guusha waa ay kala duwantahay ma jirto qof dareema liibaanta  iska furan si kasta cimrigaada ha u dheeraado .

    Qof kasta waxaa soo mara  waqti wanagaasan islamarkaana ka faaideystay ilaahayna ku garab galay dadaalka iyo waafajinta iyo siismadaba alaah ayaa iska leh ma ahan mid ku imaakarto aqoon iyo waaya aragnimo intaba kaliya waxaa muhiim ah in lala yimaado sabab keeni karto in uu qofka sabab layimaado.

    Si kastaba ay noqota in aad gaartid guul  sida in aad heshid lacag islamrkaana aad ku noolaatid nolosha qeebaheeda sare  ma jirto qof nacaayo ama dhahaayo lacagtaan waa ay igu badantahay  ama qof dhibsanaayo badnaashaha maalka insaanka sidiisaba waxaa afkiisa buuxsama marka uu iilka la dhigo inta ka horeyso wuxuu leeyahay wali waxaa ii dhiman in aan helo lacag fara badan waa mid insaanka ilaahay u dhaliyay.

    Hadaba waxaa uu idin soo gudbinaayaa aflixi.com talooyiin oo guul loogu gari karo in aad heshid maal ama lacag.

    1.ka fogow waxyabaha shakiga keeni karo sida tuugonimada,ka ganacsiga dawooyiinka dhacay,mukhaadaraadka ama darooyooyiinka ,ribada waxaas oo dhan waxay keenayaan in uu ganacsigaada uu guulaysan waayo sababtoo ah uma aadan marin dhariiqii saxda ahaa.

    2.Noqo qof ku kalsoon nafsadiisa  islamarkaana rajaynaayo in uu guul ka gaaro ujeedkiisa oo ah in uu lacag helo.

    3.Ha guursanin oo ha niyad jabin marka ugu horeyso isku daygaada fashil kusoo wajaha sababtoo ah fashilka wuxuu hoos u dhigaayaa dareenka ah in aadan heli Karin lacag  hadii uu fashil kusoo wajaha kaliya fiiri meesha aad hiigsanayso hana u niyad jabin fashilka kuugu dhacay isku day sida aad uga samata bixi laheed .

    4.Xadey fikirkaada  iyo wadada aad ku socotid  ma tahay wadadaas mid ku gaarsiin karto hadafka mustaqbalka aad leedahay.

    5.Kabaro dadka kale fikarado kuwaas oo  suuqa kaaga soo horeyay  kana dalbo saaxiibadaada talooyiin ku aadan sida aad ku heli laheed lacago.

    6.Ku dadaal marwalbo sida  qaabka aad dadka ula macaamilayso iyo in aad jeclaatid dadka islamarkaana aad ixtiraamtid si ay gacan kaaga siiyaan in uu ganacsigada hormar sameeyo.

    Wadooyiinka kaa saacidi kara in aad heshid lacag

    1.In aad leedahay marka hore hiwayad ama waxaa aad jeceshahay sida iibiinta baceecooyiinka barnaamijyada computer ka,in aad aqoontaada kor u qaadid.

    2.Iibinta qaar ka mid ah cuntada fudud sida cabitaanada kulul iyo kuwa qabowga intaba waa mashruuc fudud hadana lacag laga heli karo.

    3.In aad furatif mashruuc yar  islamarkaana aad iibisid badeecooyiin kala duduwan  waxaa suuragal gal ah in ay kuu yimadaan saaxiibadaada iyo in ay kugu soo xiraan macaamiil cusub.

    4.Ihtimaam sii sidii aad ku dhamaysan laheed jaamacadaada  ilaa aad ka heshid fursad shaqo si aad u noqotid ugu danbeystii in aad furatid mashruuc ganacsi.

    5.Hadii aad leedahay hiwaaayad ah cunto Karin waa in aad hormarisaa cunto karintaada  sidaasi waxaa kuu suuragalaayo in aad furatid maqaaxi maadaama hiwayadaada ay tahay waxaana hubaal ah in aad ka samayn kartid lacago fara badan.

    6.Hadii aad jeceshahay technology-yada waxaa la doorbidaaya in aad hormarisid waayo ayada ayaad lacag ka samaynkartaa sababtoo ah aqoonteeda ayaad leedahay .

    7.Hadii aad doorbisay ka ganacsiga dharka waxaa la doorbidaayaa in aad hormarisid ka ganacsiga dharka .


     
    • 0 replies
    • 445 views
  3. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Sidee ku noqon karaa qof ganacsade ah(Business Man)
    Qof ganacsadaha waa qof ka shaqeysta badeecahada noocayadooda kala duduwan qofka ganacsadaha waxaa lagu gartaa in uu yahay qof ka qeyb gala maamulka iyo warshadaha iyo ganacsatada.

    Waa in uu yahay maamulaha shirkadiisa islamarkaana ah qofka shirkad leh shirkaddaas ah mid shaqeyso oo bixisa adeeg ama ah shirkadd wax soo saar leh.

    Waxaa kaloo lagu sheegaa ama lagu qeexaa qofka ganacsaha ah in uu yahay qofka hal abuurka leh lagu shaqeyo fikrad uu soo hindisay ama soo ikhtiraacay.

    Sidee ku noqon karaa qofka ganacsade

    Waxay ku tiirsantahay in uu noqdo qofka ganacsade in uu  ka miro dhaliyo qofka hindisihiisa ama fakarkiisa waxaana muhiim ah in meelmariyo ama uu fuliyo qorshahaan soo socda:

    1.Jeceyl shaqo:shaqada aad  jeclaato waxay gogol dhig u tahay in aad ka gaartid ganacsigaada guul la taaban karo marka hore ka fakar ganacsiga aad jeceshahay in aad ka ganacsatid yuusan kaa noqonin ganacsiga aad bilaabayso laablakac waa in kaa yahay mid aad jeceshahay islamarkaana uu ahaa mid aad nafsad ahaan ku qanacsantahay in aad ka ganacsatid.

    2.Ka qaado fakar dadka kale:waa talaabo muhiim ah ganacsigaadana sii jiri doona waa hadii aad ka qaadatid fikrado lagu hormariaayo ganacsigaada sida dad ku xeel dheer ganacsiga islmarkaana aan kula ahayn dad kula tartama ama isku ganacsi aad tihin.

    3.Go,aan adag yeelo:waa talaabo aad iyo aad u muhiim ah qofka ganacsadaha ahi waa inuu  qaataa go,aan ah in uu ka gaari karo ganacsigiisa guul la taaban karo dhibaato kasta hasoo wajahdo ugu danbeyntii wuxuu ka gaari doonaa ganacsigiisa guul.

    4.Ilaalinta sumcada shirkadda:waa talaabo muhiim u ah ganacsiga shakhsiga  waa in uu dadaalaa qofka ganacsadaha ah ilaalinta sumcada shirkada  waana mida u horseedi karto in uu gaaro ganacsigiisa guul.

    4.Waa in uu sameeyaa xiriir wanaagsan:qofka ganacsadaha ah waa in uu xoojiyaa xiriirada .

    Xiriirkaas oo kow ah xiriirka dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ka shaqeya shirkadda  sidoo kale waa in uu xoojiyaa xiriirka bulshada qeybeheeda kala duwan gaar ahaan kuwa macaamiisha kuu ah.

    5.Waa in uu xaliyaa caqabadaha :qofka ganacsadaha waa in uu xaliyaan dhamaan wixii caqabado ah oo ku aadan ganacsigiisa sida meesha uu ka shaqeyo  ama deegaanka ganacsigiisa ka shaqeeyo .

                  Waxaybaaha gaar u ah qofka ganacsadaha ah  

    1.In uu taxliiyo goobta uu ganacsigiisa ka furi doona.

    2.In uu  u dajiyo shey walbo qorshe.

    3.In sameysto maamule lacageed oo wanaagsan.


     
     

    • 0 replies
    • 422 views
  4. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Akhlaaqda shaqada
    Mararka qaar nolosha  waxaa kusoo wajaha caqabado dhan walba leh ayadoo sidaasi ay jirto hadana waxaa loo baahanyahay ama loogu baahanyahay qofka shaqeeya in uu ilaaliyo akhlaaqdiisa dhanka shaqada caqabadaha ku haysta ma ahan in ay saameyso shaqada ama dadka aad la shaqeyso.

    Tusaale hadii uu ku haysto mashaakil qoyseed waa mid adiga kuu gaar ah ma ahan in ay saameyso goobta shaqada  sida imaashaha shaqada iyo ka bixitaanka waqtiga shaqada.

    Qofka shaqeeya waxaa muhiim ah in uu la yimaado akhlaaq wanaagsan oo uu kula shaqeyn karo meesha uu ka shaqeeyo akhlaaqada wanaagsan waxaa ka mid ah.

    Ø  In uu qofka u hogaansanaado amarada kasoo baxaayo maamulkiisa

    Ø  In uu yahay  qof la socon kara is badal walbo dhaca.

    Ø  In uu yahay  qof lala shaqeyn karo ayna dhib ku qabin dadka la shaqeeyo

    Ø  In uu yahay qofka  dagan oo aan fudeed badneen.

    Ø  In uu yahay qof xanaaqiisa yar yahay uusan ahayn qof maalaayacni isaga xanaaqo.

    Ø  In uu ogolyahay qofka in lagala xisaabtamo shaqadiisa.

    Ø  In uu iska ilaabo qofka dabeecadaha gurigiisa ku jooga.

    Ø  In uu ogolyahay qofka in la amri karo uusan u qaadanin ciqaab.

    Qofka akhlaaqa wanaagsan ee shaqeysta waxaa caado u ah in aysan is khilaafaynin shaqaalaha dhexdooda  mar hadii la shaqeynaayo waxaa shaqada ku kulmaayo dad aanan waligood is arkin balse ku kulmay shaqada qof walbana dabci gooni ayuu leeyahay waxa ay ku wada joogi karaana ay tahay daceecada shaqada.

    Wadooyiin kuu sahli kara in ay wanaagsanaato akhlaaqda shaqadaada

    1.Marka hore in aad allaah ka baqdid halka aad ka baqi laheed masuuliyiinta shirkadda shaqadana aad u qabatid inta awoodaada ah.

    2.in ay noqdaan masuuliyiinta laftigooda kuwa loogu daydo akhlaaqda shaqada.

    3.in uu qofka ku qanacsanyahay shaqada in ay cibaado tahay islamarkaana ay tahay in uu sugo oo sidii loogu tala galay uu u qabto.

    4.in si isku mid ah lala xibaabtamo dadka khaladka samaynaayo

    5.in si isku mid ah ugu istaagaan shaqalaaha shaqada shirkadda.


     
    • 0 replies
    • 468 views
  5. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Sharia and Law   

    Side ku xamili karaa ama u adkeysan karaa gaajada soonka
    Ramadaanka waa bisha soonka  taas uu alaah  subxaanahu watacaalaa ku waajiyey adoomihiisa ayna soomaan maalmo tiro yar oo ah 30 maalmood wuxuu bilaabanaa soonka inta aysan fajarka soo bixin ilaa ay ka dhacdo qoraxda .

    Bisha barakaysan ee ramadaan waxay u baahantahay juhdi iyo dadaal gaar ahaan dadka ku nool wadamada ku leelaha ka jiro  dadkaas oo sheegta xaraad iyo baahi intaba.

    Soonka waa bil timaada sanadkii halmar islamarkaana in loo dulqaato ay tahay gaar ahaan dadka ku nool wadamada heer kulkooda uu daranyahay iyo wadamada saacadaha badan laga soomo ramadaanka waa fursad qaali ah ee sanadkii soo marto qofka muslimka ayna tahay in uu ka faaideysto kheerkeeda iyo ajarkeeda intaba qofkii dacaya waxaa ku dhacay khasaaro iyo shalayto waxaana suuragal ah in uusan gaarin bisha kale wayo ma oga qofka xiliga uu dhimanaayo.

    Qofka si uusan u dareemin gaajo iyo xaraad waxyaabaha uu isku ilowsiin karo waxaa ka mid ah in uu ku dadaalo akhrinta quraanka kariimka  iyo in uu badiyo adkaarta iyo in uu ka fogaado la socodka ama la jiritaanka dadka xun xun .

    Waxaa hubaal ah in hadii la saaxiibo dadka wanaagsan oo ku xiran masaajida alle kuna dalaalo cibaadaadka uu alaah faray qofka in uu waqtigiisa ka faaideystay uuna dareemi doonin gaajo iyo xaraad midna laakin marka aad meelaha maalaayacni u joogtid waxaa kugu soo ganbanaayo sheydaan waxaadna dareemi doontaa baahi iyo oon hadiiba aan furin.

    Shaqada aad shaqaysanayo oo aad ku qaadanayso mushaar bisha ramadaan shaqadaada ajar baa kuugu socda shaqadana waxay ka mid tahay waxyaabaha ku ilowsiiyo xaraadka iyo qaajada.

    • 0 replies
    • 534 views
  6. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Sharia and Law   

    SHURUUDAHA SOONKA
    Soonka waxaa la iska reebay cunida,cabitaanka isku taga raga iyo dumarka oo is qaba ilaa laga soo bilaabo fajriga ilaa qoraxda ay ka dhacdo sida alaah subxaanahu watacaalaa inoo sheegay.

    Soonka wuxuu u qeybsamaa 2 qeybood oo kala ah soon waajib ah iyo soon sunna ah soonka waajibka ah waa midka bisha ramadaan oo sanadkii halmar la soomo midka sunadda ah waa mid lagu kasbanaayo ajar badsi ama ajar dheeraad oo qofka dalbaayo.

    Nabigeena sharafta badan wuxuu u cadeeyay umadiisa  waxa alle wixii la xiriira shuruudaha soonka  sida midka waajib ah iyo midka sunaha ah.

    Ilaahay waa uu u fududeeyay adoomihiisa oo diinteena culees ma ahan .

    SHURUUDA WAAJIBNIMADA  SOONKA

    Qaangaar :soonka waajib kuma ahan qof aan qaangaar ahayn da,da uu rabo ha jiro  laakiin waxaa fiican canuga marka uu yaryahay in lasii baro in uu soomo si ay ugu noqoto tababar si hadhow marka uu qaangaaro soonka uga dhibtoonin.

    Awood:soonka waxaa ku waajibaayo qof awood u leh  qofkaas uu xamili karo dhibaatada soonka sida gaajada iyo xaraadka qofka da,da ah ama waayeelka iyo caruurta soon waajib kuma ahan.

    Joogis ama iqaama :qofka musaafirka ah oo aanan awoodin in uu soomo waxaa u banan in iska afuro  kadib gadaal kasoo gudo  alaah sareeye wuxuu yiri  qofkiii safar ku jira ama xanuunsan hasoo gudo maalmo kale.

    SHURUUDAHA SAXDA EE SOONKA

    Niyad :waa in uu qofka niyeestaa maalinta xigta niyada ma ahan mida afka waa niyadda qalbiga.

    Qof wax kala fahmi karo:canuga yar sax ma ahan in uu soomo waayo tamyiiz ma ahan  sidoo kale ma gaeanaayo maqaasida iyo micnaheeda.

    Waqtiga soo galaayo soonka:waqtiyada soonka u gaar ah ma banana in la,soomo maalmahaas sida ciida soon iyo mida carafada.

    SUNADDA SOONKA

    1.in la dadajiyo afurka hadii maqrib soo galo ama la gaaro.

    2.in saxuurta la dib dhigo hadii qofka ka baqaynin in uu fajarka gaaro .

    3.in loo istaago acmaasha kheerka badan sida dukashada taraawiixda iyo tahajudka intaba.

    4.in uu qofka ku afuro timirta la yiraadho rudhab hadii la waayo xoogaa timir ah hadii la waayo biyo.


     
     


     
    • 0 replies
    • 652 views
  7. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Cilaajka ama daawada Ramadaan
    Bisha ramadaan waa bil fadli dheeraad leh  waxayna u baahantahay in lagu samro soonkeeda dadka qaar waxay soomaan saacado dheeraad ah  taasina waxay u baahantahay adkeysi dheeraad qofka sooman dadka kale wuxuu uga duwanyahay  in uu ka reebanyahay cunista cuntada ilaa maqribka laga gaaraayo ama laga aadaamaayo.

    Inta ramadaanka lagu jiro waxaa dhici karto maalmaha ugu horeyso in aad si zaaid ah u dareentid haraad ama oon iyo gaajo hadana  ramaadan  waxaa laga faaidaayaa ama laga helaayaa daawo fara badan sida

    1.in korosraroolka hoos u dhaca

    2.in hoos u dhaca miisaankaada.

    3.in hab dhiig wareegaada  uu wanaagsanaado

    4.in jirka qofka uu wanagsanaado.

    Waa qeybo ka mid ah oo aan soo qaadanay laakin waa ay fara badanyihiin bisha ramadaan caafimaad laga helo waa ay fara badanyihiin.

    Waxaad arkaysaa dad badan oo ku dhahaayo ma soomi karno waan xanuunsanahay marka aad fiirisidna xanuunka ay qabaan waa xanuun lagu daaweeyo hadii uu qofkaas soomi lahaa waxaa dhici laheed in xanuunyo badan uu ka dawoowi lahaa soonku waa raxmad,danbi dhaaf iyo in naarta la iska xureeyo waxayna nasoo martaa sanadkii halmar 12 bilood ayaan habeen iyo maalin cunto la cunaayay halbil hadii aan la dulqaadanin aan lasoomin waa dhibaato u soo hooyatay masoomaha .

    Soonka waxa uu ka mid yahay 5ta tiir ee islaamka hadii uu qofka ka tago uu ka tagay tiirarka islaamka mid ka mid ah oo ah tii
    • 0 replies
    • 359 views
  8. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Maxay muhiim u noqotay wax akhrinta
    Qofkasta wuu ogyahay in wax akhrinta aad iyo aad muhiim u tahay laakiin waligaa ma is weydiisay sababta muhiim u tahay wax akhrinta hadaba qoraalkaan waxaan idinku soo gudbinaynaa 8 waxyaabood ama sababood  ee muhiim u tahay in wax badan la akhriyo.

    1.in aad ogaatid waxyaabo horey aadan u ogeen

    Akhrinta muhiimada ay u leedahay nafsadaada ayaa ah marka hore in aad heshid akhbaar aadan ogeyn wagtiga ay dhacday iyo in aad waxbadan ka ogaatid taariikhihii horey u dhacay iyo wadamada ay dhaceen iyo sababaha keenay dhacdadaas in ay dhacdo in aad ogaatid taariikhihii hore iyo wixii maalinla dhaca intaba waxaa kuu suura gelinaayo in aadwax ka ogaatid akhrinta.

    2.in nafsad ahaantaada hor mar samayso

    Akhrinta waxay hormarisaa nafsadaada  qofka marka uu wax akhriyo wuxuu helaayaa kalsooni fara badan oo ku aadan nafsadiisa islamarkaana suuragal ma ahan  in laguu sheego waxyaabo aan jiriin ama taariikh hore o been ah waayo waaba ogtahay ama horey ayaad ogeed.

    3.Hormari nafsadaada

    Inbadan wax akhri si aad u ogaatid waxbadan  akhrinta badan waa mida ku hor marto nafsadaada islamarkaana kaa dhigto qof wax walbo og ama la socda caalamka waxa ka dhacaayo.

    4.u diyaar grow waxa aad samayn doontid

    Inta aadan qaadin ficilka marka hore waa in aad ka fakartaa waxa kaaga imaandona ama qofka kaa caawin lahaa ama ku hagi lahaa maanta aduunka feedback waxaa laga helaayaa dadka iyo in aad wareysatid ama la shekaysatid dadkii hore .

    5.ka hel khibrad dadka kale

    Marka aad wax akhrisid  waxaa hubaal ah in aad wax badan  ogaatid  oo dhan walbo leh sida aqoonta qofka oo siyaado in  uu ogaado taariikhihii hore iyo wixii la mid ah.

    6.adeegsiga xiriirka

    Xiriirka waa wadada ugu wanaagsan ee aad wax ku akhrin kartid marka aad samaynayso xiriir waxaad fahmaysaa waxbadan oo ku saabsan akhrinta  xiriirka waa qaabka ugu wanaagsan ee  isku xirka warka maalinlaha.

    7.maskax dagan wax ku akhri

    Marka  aad wax akhrinayso waa muhiim ah aamuusnaan buuxda  iyo jawi dagan  si ay maskaxdaada u galaan waxa aad akhrinayso  aamuusnaanta waxay maskaxdaada ka dhigtaa  in uu cad yahay waxa aad raadinayso oo xog ah .

    8.in kor loo qaado caqligaada iyo garashada

    Akhrinta waxa ay kordhisaa ama kor u qaadaa caqliga qofka marka aad badiso akhrinta badan waxaa is badalaayo dhaqankaada hore hadii uu ahaa mid iska  fudud wuxuu isku badalaayaa mid akhyaareed o waxaa uu qofka noqonayaa qof dagan oo runtii ah qof garaadkiisa sare.

    • 0 replies
    • 703 views
  9. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Lacag (Money)
    Lacagta waa mida ay kulmiso dhamaan  ashyaada ha ahaato mid fardi ama kali iyo mid wadareed,lacagta waxay kulmisaa sida  real state yada ,baabuuurta,ganacsiga iyo alaabta  iyo wixii soo raaca oo lacag ah.

    Lacagta ama maalka waxaa lagu sheegaa ama lagu qeexaa  dahabka ,madanta,iyo wixii shabaha waraaqadaha lacagta.

    Qeebaha lacagta ama maalka

    Lacagta ama maalka waxaa loo qeybiyaa qeybo badan

    1.lacag sugan wa: waa nooca koowaad ee maalka ama lacagta waxaana loo qebiyaa laba qeybooda waxayna kala yihiin

    ·         Lacag sugan:waa lacagta aan la qabalaynin in la wareejiyo ama loo raro meel kale ilaa xaalad keenta mooyaanee in ay lacagtaas is badal ku dhacay asal ahaanteeda.

    ·         Lacagta wareegta:waa lacagta la ogolyahay in ay wareeg sameyso aydoo markaas aysan  aheen mid duug ah oo aan baaba ahayn islamarkaana aysan ku dhicin wax is badal ah ayadoo meesheeda taalo,sida luulka ,dahabka iyo macdanta.


     
    Lacagta sida ay u shaqeyso

    Adeegsiga lacagta waa mida ugu weyn ganacsiga  ganacisgaas ha ahaado mid shakhsiyadeed ma mid lawada leeyahay oo shukaaro lagu yahay.

    Lacagta waa mida isku xirta ganacsadaha iyo macaamiilka hadii aysan jirin lacag suura gal ma ahan in uu sii socda ganacsigaada.

    Lacagta qaabka ay u shaqeyso waxaa ugu waaweyn 2 qeybood

    ·         Lacag is weydaarsi ama lacag is dhaafsasho

    Waa habka ama hanaanka ay isku dhaafsadaan ganacsata marka ay wax soo iibsadaanaayan ama marka ay samaynayaa isdhaafsi ganacsi iyo adeega waxsoosaarka tusaale waxaa dhacdo markaas in ay ganacsatada ay is dhaafsadaan lacag.

    ·         Qeybta xisaabaadka

    Waa adeegsiga qiyaasta lagu cabiro badeecada  iyo adeegyada markaas ay shirkadda bixiso ,xisaabta waa aasaaska ganacsiga hadii aysan jirin xisaab sax ah lagu xakameeyo shirkadda waxaa hubaal ah in shirkadda durba ay suuqa ka bixi doonta waayo ma laha xisaab ah maxaa soo galay shirkadda oo faaida ah ama khasaaro ah.


     
    Muhiimada lacagta

    Waxaa cad in lacagta muhiim u tahay qofka bani aadamka noloshiisa  si uu ugu guto baahiyahiisa kala duwan iyo in uu ku gaaro lacagtaas magic iyo maamuus lacagta la,aanteeda waxba ma socon karaan lacagta raadis bay rabtaa waana sababta loo samaynaayo ganacsi ama loo shaqeysanaayo inta hal ujeedo ayay wada leeyihiin kan loo shaqeeyo midka shaqaalaha ah inta waa uun lacag raadis


     

     
    • 0 replies
    • 680 views
  10. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Qaabka loo ilaaliyo xuquuqda caruurta
    Caruurta waa mustaqbalka bari mustaqbalka barina waa caruurta waxaad moodaa ereygaas dhihistiisa ama ku dhawaaqistiisa in ay aad u wanaagsantahay hadana loo samaynin caruurta caruurta waxay mustaqbalka bari noqon karaa marka uu waalidkooda kasoo baxa ama u sameeya waxyaabaha u baahan caruurta xiliga ay yar yaryihiin.

    Caruurta marka ay yaryaryihiin waxyaabaha ay u baahanyihiin waxaa ka mid ah in helaan tarbiyo suuban islamrkaana lagu dadaalo sidii ay waxbarashooda sare loogu qaadi lahaa maskaxdooda iyo aqoontooda la kobciyo laguna hago wadada qurxoon ee dariiqa saxda ah.

    Wadama soo koraayo  waxaa inta badan ka dhaca rabshado iyo iska horimaadyo dagaal kaasi uu sabab badan ku yeelanaayo in caruur fara badan aysan helin nabad gelyo iyo meel amaan ah ay wax ku bartaan  wadamada qaar caruurta waxaa loo adeeg sadaa dagaalada markaas wadanka uu ka socda sidaasina ku dhacdo in ay caruurta waayaan xuquuqda ay lahaayeen.

    Caruurta marka ay yaryihiin waxay u baahanyihiin in laga farxiyo oo lo ka xeeyo mararka qaar meelaha loo darxiis tago si ay ugu soo nastaan  islamarkaana farxada lala qeybsado .

    Caruurta marka ay yaryihiin waa marka ay u baahanyihiin in aad loogu dhimriyo waalidkana markaas ula hadlin caruurta sida qof weyn oo kale caruurta hadalo ay xamili karaan lagula hadlo uusan dhaawac u gaysanin warkaada .

    Caruurta marka ay yaryihiin waa marka aad loogu faaideysto tarbiyadooda hagaagsan markaaas waa in aad u muujisaa jeceel iyo naxariis  hadii uu markaas waalidka tusin naxariis caruurtaas lagama yaabo in ay noqdaan caruur wanaagsan oo baariyaal islamarkaana ay wax u taraan waalidkooda waayo markii ay yaraayeen ma aysan arkin wax naxariis.

     Gabagabo

    Caruurta xaqa ay ku leeyihiin waalidkooda ma ahan mid sahlan caruurta ay baari noqdaan waxay ku xirantahay marka hore in aad hagaajisid tarbiyadooda iyo in aad u muujisid marka ay yaryihiin naxariis iyo kal gaceel sidasi ayaa ku imaan karto in ay caruurta noqdaan kuwa muqtabal leh .

    • 0 replies
    • 707 views
  11. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Sidee ku noqon karaa ganacsade guuleysta
    Wuxuu ahaa rasuulkeena naxariis iyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee qof ku geeleystay shaqadiisa ganacsi,maantadaan la joogo qofka ganacsadaha wuxuu noqday mid ka muuqdo bulshada inteeda kale  waayo wuxuu isku moodaa dadka kale in uu ka sareeyo ma ahan hadii aad ganacsade tahay in aad dadka ka sareyso balse waxa aad haysatid oo lacagta ah waxaa ku siiyay alaah waa fadli dheeraad ah alaah wuxuu siiyaa qofkii uu doona midka lacagta leh qofka aan haysanin labada waa ay imtixaamanyihiin waa in  ay sidaa ogaadaan.

    In aad noqotid ganacsade guuleysta waxaa kaa hortaagan  caqabado fara badan balse waxaad uga gudbi kartaa dadaal iyo samir  waaa in aad kaashataa samirka iyo in uu ujeedkaada uu cadyahay.

    Qorshaha wanaagsan waxa uu kaa caawiyaa in aad noqotid qof ganacsigiisa guuleysta  sidoo kale waa in aad keentaa badeeco ka duwan midaa markaas suuqa taalo  iyo in aad kula dhaqantid macaamiishaada dhaqan wanaagsan oo asluubaysan si aad usoo jiidatid macaamiisha waa furaha aad ku noqonkartid in aad ka gaartid ganacsigaada guul iyo hormar.

    U istaag olole in aad qaadid ku aadan in aad u samaysid macaamiishaada qiimo dhimis ku aadan baceecada aad markaas ka ganacsatid.

    Waxaa muhiim ah mar hadii aad ganacsi ku dhex jirtid in aad la socotid dibada waxa ka socda oo ku aadan dhanka ganacsiga.

    Ganacsiga sidiiba wuxuu u baahanyhay in lala socda caalamka wax kusoo kordhaaya iyo waxyaabaha cusub ee kusoo kordhaca ganacsiga .

    Imisa qof ayaa ku khasaartay ganacsigooda taasi oo sabab u ah la tacaamulka xun ee ay ku sameeyeen macaamiishooda waayo maacaamiisha waa muraayada ganacsiga isku day marwaliba in aad xalisid macaamiisha waxa ay ka cabanaayaan oo ku aadan wax soo saarkaada ama waxa aad ka ganacsatid si uu u jiro ama usii waaro ganacsigaada

     

    • 0 replies
    • 390 views
  12. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Sidee ku noqon kartaa in aad lacag yeelatid adigoo yar
    Dadka intaba badan waxay jecelyihiin in ay lacag yeeshaan ayagoo  da,ahaan yar  laakiin taasi waxay u baahantahay dadaaal,xirfad badan,nasiib iyo samir fara badan.

    Waxwalbo waa la gaari karaa waa hadii aad u yeelatid samir iyo dulqaad saxda ah islamarkaana go,aankaada aad ku adkaysatid aadna la timaadid sababaha aad ku noqon laheed in aad noqotid qof lacag leh waliba adigoo da,ahaan ah qof yar.

    Wax bixinta maalka alaah unbaa bixiya anaga waxaa nagala doonaayaa kaliya in aan la nimaadno sababaha iyo xirfadaha aan ku hanan laheyn hantida.

    Bixinta maalka

    1.marka hore adiga nafsad ahaantaada diyaar noqo ama hami u haay  ujeedkaada inta aadan  ka fikirin lacagta aad suuqa ku geli doontid oo aad badeecada ku keeni doontid.

    2.sameey miizaaniyada kooban sidoo kale xadid miizaaniyadaada mushaarkaada.

    3.yarey lacagaha aad micno darada u isticmaalayso.

    4.yarey nafaqada guriga aad ku bixin jirtay ku xirnow noloshaada hore ee caadiga aheed.

    Hoos u dhig ama yarey biilka nolosha

    1.yarey isticmaalka xad dhaafka ah ee cuntada laga isticmaalo xaafada.

    2.qorsha u sameey biilka guriga.

    3.yarey isticmaalka korontada iyo biyaha.

    Maalgashiga lacagaha

    ·         Maal gashi ku sameey suuqa laakiin ka hor la tasho dadka khubarada ah.

    ·         Waa lagama maarmaan mashruuc dhax gal ah in la timaadid.

    ·         Maal gashi ku sameey  in aad guri dhistidsi aad faaiido uga sii raadisid.


     
    • 0 replies
    • 453 views
  13. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    7Qaababka loola dagaalamo tuugsiga
                                                        Tuugsi ama gacmo hoorsi

    Tuugsiga waa dalab laga dalbanaayo dadka wax haysata sida lacag,raashiin iyo wixii la mid ah ee uu qofka laga heli karo islamarkaana awooda.

    Tuugsiga sidiisaba ma wanaagsana ayadoo laga fiirinaayo dhanka diinteena islaamka ilaa qofka xalka kale uu waayo uu naftiisa ku badbaadiyo.

    Sababaha iyo wadooyiinka tuugsiga

    Caalamka wuxuu ku faafay  tuugsiga muuqda kaasoo aan ahayn mid ku dheexan ilbaxnimo  wuxuu leeyahay tuugsiga raad xun .

    7Qaababka loola dagaalamo tuugsiga

    1.Zakada lagu waajibiyay dadka ilaahay dhaqaalaha siiyay  in ay bixiyaan zakadana waa mid ilaahay waajibiyay hadii la siiyo dadka aan wax haysanin waxaa yaraanaayo faqriga iyo tuugsiga.

    2.in lasoo diiwaangeliyo qoysaska aan tabarta daran oo aan waxba haysanin si ay u sahlanaato yareynta tuugsiga ama faqriga.

    3.in la deemiyo qoysaska wanaagsan ee duruufta u gaysay tuugsiga lacago ay ku smaystaan maalgashi yar yar si ay noloshooda ugu maareeyaan.

    4.in la siiyo dadka tuugsanaayo fursado shaqo ah sida dowlada iyo shirkadaha.

    5.in laga wacyi geliyo bulashada tuugsiga in uusan u wanaagsaneen sumcadiisa.

    6.in la xoojiyo la dagaalanka tuugsiga.

    7.Jaamacadaha in ay siiyaan waxbarasho lacag la,aan ah qoysaska aan awoodin waxbarshada ubadkooda 

    • 0 replies
    • 372 views
  14. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Unemployment ( shaqo la,aan)
    Waxaa lagu cabiraa baaga muundada ama shaqo la,aan tawaqtigaan la joogo waa dhibaatooyiinka ugu dhibka badan ama ugu khatarsan  waxayna ku faafatay qoysas badan  iyo afraad kala duwan.

    Shaqo la,aanta ayaa waxay tahay mid si isku mid ah  usoo food saartay ama soo wajahday dowlado fara badan oo caalamka ka mid ah.

    Shaqo la,aanta ma ahan mid sahlan oo waa ay dhibaato badan tahay waxayna iska horkeentaa xukuumada iyo shacabka hadii aysan xal u keenin dowlada markaas dalka maamusho.

    Hadaba baxda aflixi waxay idin soo gudbineysaa sababaha keena shaqo la,aanta .

    Asbaab siyaasadeed

    Shaqo la,aanta waxa keena waxaa ka mid ah siyaasada hadii ay dowlada dhacdo oo burburtay waxaa ka dhalanaayo dhibaatooyiin ah shaqo la,aan waayo xukuumada waxa u shaqeeya dadyow fara badan oo noloshooda iyo mida qoyskooda intba ku maareeyo mana ahan arin sahlan dhibatada ugu weyn oo shaqo la,aanta waa meesha ay ka dhalato.

    Dowladda waa mida kaliya ay xakameyso shaqo la,aanta wadanka waxayna ka mid tahay waxybaaha dowlada xakameyso islamarkaana aysan dhicin shaqo la,aanta.

    1.hoos u dhaca lacagta wadanka islamarkaana ay noqoto mid hooseysa.

    2.in uu dhaco ama ku faafo bulshada dhexdeeda dagaal ahli ah.

    3.in la waayo maalgashiga wadanka maadaama wadanka uu dagaal sokeeya ka jiro.

    Asbaab dhaqaale ah

    Shaqo la,aanta waxaa sidoo kale keena dhaqaale la,aanta wadanka ka jirto tusaale wadankii ayaa la ahayn waxsoosaar haba yaraatee  taasina waxay sabab u tahay dhaqaale xumada wadanka ka jirto in sidoo kale wadanka shaqo la,aan ku baahda.

    In shaqaalaha ay bataan shaqooyiinkana lasoo bandhigana aad u yaryihiin  waxay qeyb ka tahay shaqo la,aanta .

    in shaqaale laga dalbado wadamada bananka ayagoo wadanka joogo dad shaqadaas kuu qaban karo taasina waxay ka mid tahay shaqo la,aanta dhaqaale.

    Asbaab bulshadeed

    Asbaabta bulshada ee shaqo la,aanta waa mid ku xiran bulshada waxay ka saamaynaysaa dhan walbo sida siyaasada,dhaqaalaha waxaana ugu waaweyn.

    ·         In dhaqaalaha kor u kaco islamarkaana saameeyo dadka aan waxba haysanin.

    ·         In la waayo dad hormariyo wax soo saarka waddanka.

    ·         In ay kororto dhalinyarada waxbaraty awoodana in shaqada qaban karanaa hadana wax shaqo ah aysan jirin islamrkaana dareemaayo quursi iyo niyad jab.

    ·         In la waayo fikrado cusub oo shaqo lagu abuuran karo.


     
    Xalka lagu yareyn karo shaqo la,aanta

    Baxda aflixi waxay idin soo gudbineysaa xal macquul ah oo lagu xalin karo shaqo la,aanta hadii aad tahay qof shaqo la,aan ah waxaan rajaynaynaa in aad qaadan doontid xalka uu kuu soo gudbin doona aflixi.

    1.in aad badashid fikrada ah in aad ku dhamaysatid waqtigaada shaqaalanimo taasina waxay gacan wayn ka geysanaysaa in ay bataan dadka aan shaqaynin ama shaqo la,aanta ah.

    2.in aad samayasatid maalgasho yar yar 

    3.in aad dhaqaalahaada aad xakamaysid hadii aad shaqeysid.


     

     

     
    • 0 replies
    • 468 views
  15. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Sidee ku noqdaa qof caan ka ah iskuulka

    Waqtiga lagu qaato iskuulada waa waqtiyada ugu wanaagsan taasi oo qofka noloshiisa saamayn weyn ku leh ama ku lahaan doonta xitaa marka uu dhameeyo waxbarashadiisa,suuragal ma ahan in uu ilaabo waqtiyada kusoo qaatay waxbarashadiisa iskuulka waayo waxay u tahay xasuus gaar ah maadaama uu ahaa waqtiga ugu badan waxbarashadiisa iskuulka aheed sidoo kale asxaabtiisa iskuulka  ma ahan kuwa iloobi doonaa xitaa hadiii uu noqdo qof waayeel aha duqoobay ama mudoo dheer kadib meelo lagu kulmay ayadoo markaas qof waliba meel masuul ka yahay waxaa dhici doonta in la is yiraahdo hebel isku iskuul baan ahayn class hebel ayaan wada dhigan jirnay.
    Iskuulka waa hoyga labaad ee guriga maadaama waqti badan la joogo inta aad iskuulka dhiganayso waa in aad ku fakartaa sidaad ku noqon laheed qofka ugu wanaagsan.
    Hadaba sidee lagu noqon karaa qof caan ka ah iskuulka
    Iskuulka waa meesha inta badan aad joogtid islamarkaana waqtigaaada ugu badan meesha aad gelisay waa iskuulka waayo dhowr sano ayaad dhiganaysay adigoo yar sida laguu geeyay digoo qaangaar ah ayaad dhamayndoontaa waxbarashada iskuulka waxaa suuragal kuu ah in aad baratid dhamaan ardayda dhigata iskuulka waxayna ku xirantahay dabeecadaada iyo qaabka wanaagsan ee aad ardayda ula dhaqantid.
    Hadaba shabakada aflixi.com waxay idin soo gudbinaysaa sababaha keeno in aad aan ka noqotid iskuulkaada:
    1.Noqotid qof furfuran, oo aan xir xirneyn ahna  qof bashaash ah dhoola cadeyn badan taasi waxay sabab u noqoneysaa in aad caan ka noqotid iskuulkaada ma ahan xitaa class ka aad dhigatid.
    Waxaa aad u fiican in aad noqotid qof kaftan badan xiliyada firaaqada la yahay sida waqtiga nasashada   kaftankaas uusan noqonin  mid qofka wax u dhimaayo sumcadiisa dadnimadiisa intaba.
    2.Noqo qof run badan ,runta waxay siyaadisaa ama kordhisaa kalsoonida saaxiibadaada waxayna keentaa in ay ku wada jeclaaan dadka oo dhan ayna kugu jeclaadaan runta oo kaliya, runta waxay dhalisaa is jeceel ,iyo kalsooni hadii aad dooneyso in aad caan ka noqotid iskuulka waa in aad la timaadaa akhlaaq aad u sareysa sida run sheegida.
    3.Noqo qof dulqaad badan,way adagtahay qofka in uu u dulqaato wax walbo laakiin qofka dulqaadkiisa badanyahay wuxuu hanan doonaa jeceell fara badan oo ka helaayo iskuulka qeebihiisa kala duwan iyo bulshada uu markaas ku dhexnoolyahay.
    4.Iska jir in aad iskala weyneysiiyo asxaabtaada iskuuldaada,qaabkaan ama marxaladaan dad badan ayaa shabaha  isla weynida waa mid alaah u gaar ah qof sheegan karto ma jirto islaweynida waxay ka mid tahay dhaqamada xun xun islamarkaana sabab u noqon karto in aad ku waydo asxaab fara badan adiga hadii aad nqotid qof isla way ma ahan mid aad dadka kale wax uga dhimi kartid ama aad ku waxyelayn adiga unbey ku dhibaysaa oo aad ku weyn doontaa asxaabtaada isla weynid waxay ka mid tahay dabeecada xun.
    5.Haku khasbin aragtidaada ama fakarkaada asxaabtaada, qof kasta aragti ayuu leeyahay ma ahan ama sax ma ahan in aad ku cabirtid aragtidaada waxa ay tahay qofka saaxibkaada waad ku kala duwanaan kartaaan fikradaha hadii sidaasi ay dhacdo ma ahan saaxiibkaa in uu yahay qof xun ama qof aan wanaagsaneen.
     
                                                                  Gabagabo
    Waa in aad  iyo aad u ilaalisaa asxaabtaada iskuulka sidii uu noqon lahaa xiriirkiina mid sii socdaa ilaa ka dhimataan saaxiibtinimada ma ahan mid dhamaato maba ugu sii jirto dadka aad isku iskuul aheedeen muddo dheer is xariirinta iska warqabka waa mid na faraysa diinteena islaamka ah waa in aan ku dadaalnaa sidii loo joogteyn lahaa saaxiibtinimada.
     
     

    • 0 replies
    • 1,428 views
  16. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Saameynta uu yeesho caruurta furiinka

    Furiinka wuxuu noqday dhibaato bulshada dhexdeeda mana ahan mid lagu deg dego  hadii ay is furan ama ay kala tagaan labada lamaane waxaan shaki ku jirin in caruurta ay soo wajihi doonto daryeel la,aan iyo tarbiyo la,aan taasi oo sabab u ah kala taga labada lamaane.
    Sidoo kale saameynta uu ku leeyahay caruurta kala taga labada lamaane waxaa ka mid in caruurta la isku qab qabsado oo qof waliba raba in uu asiga caruurta ka xaysto taasina waxay ka mid tahay saameynta ay ku yeeshaan caruurta kala taga.
    Saameynta ay ku reebto caruurta kala taga labada waalid ama furiinka waxaa ka mid ah:
    1.Wuxuu saameeyaa furiinka noloshada caruurta mid aqooneed  mid nololeed  sida caruurta in ay iska dhaafaan waxbarashada ama ayba ka kala go,do waxbarashooda sababtoo ah waxaa ku dhacay mashaakil nafsiyadeed waayo waxay waayeen qoys ama hooyo iyo aabo oo isku faraxsan oo wada nool waana sababta ay ugu dhacdo cuqdad iyo walaahow.
    2.in ay ugu faafto bulshada dhexdeeda xumaan ah in la yiraahdo caruurtaan laba dooda waalid waa ay kala tageen islamarkaana ay isku arkaan caruurtaas in ay yihiin danbiiilayaal bulshada dhexdeeda taasina sabab u noqon karta in ay noqdaan caruurtii markoodii hore waxbaran jireen in ay noqdaan kuwa guri joogta noqda ayagoo markaas ka xishoonaaya in bulshada kusoo milmaan.
    3.in ay waayaan caruuta xaqii ay ku lahaayeen labada waalid sida tarbiyadooda,cuntadooda,labiskooda iyo caafimaadkooda intaba  sidaasi ay kusoo wajahdo cuduro iyo in ay waayaan wixii xaqa u lahaayeen oo dhanka waalidnimada ah.
    4. in ay ku dhacdo caruurtaas cuduro waaweyn oo ugu horeyso xanuun nafsi ah ama cuqdad nafsi  cudur kasta ayay u nugulyihiin caruurta waalidiintooda kala taga .
    Gabagabo
    Furiinka waa midka uu alaah ugu carada badan yahay oo ilaahay raali kama ahan in labada is qaba in ay kala tagaan maba ugu sii jirto haii ay caruur isku dhaleen wixii alaah caradiisa keenaayo waxaa aad iyo aad u wanaagsan in laga fogaado ilaa xad wallow uu yahay furiinka laftiisa wado ilaahay baneeyay hadana waxaa la rabaa in laga dhigo xalka ugu danbeeyay uusan noqonin xalka ugu horeeyo.
    Qoys burburay oo labadii lamaane kala tagay waxay ka dhigantahay bulsho burburtay hadii uu qoys burburay saamayntiisa waxaa soo gaarayso bulashada kale sababtoo caruur labadooda waalid kala tageen aysan helin daryeel ,tarbiyo iyo waxbarasho  waxaa hubaal ah in ay dhibi doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.
     

    • 0 replies
    • 399 views
  17. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    19 talaabo oo si sax ah loogu guuleysan karo xiriirka ganacsiga:
    Xiriirka ganacsiga (bussiness communication)

    Waa is dhaafsiga wararka dadka banaanka iyo gudaha organization ka waa muhiim in aad la wadaagtid information dadka banaanka  ka ah shirkadaada waayo hadii aad dadka banaanka ka ah shirkadda la sheekaysanin oo aadan xog wareysanin shirkadda ma samayn karto kobac dhaqaale.

    Dadka banaanka ah shirkadda  way  dhaliilo karaan shirkadda wayna amaan karaan laakin adiga kaliya ha filan in shirkadda la amaano qofka dhaliisha kuu sheegay laftisa waa uu kuu fiicanyahay dadka marka aad la sheekeystid wax badan ayaad ogaan kartaa haku koobnaanin  uun shirkadda gudaheeda  waa in uu sameeyaa company ga xog wareysi sidoo kale waa in uu sameeyaa  xog aruurin dadka banaanka ka ah company ga .

    Hadaba baxda aflixi.com waxa uu idinsooo gudbinaayaa 19 talaabo oo si sax ah loogu guuleysan karo xiriirka ganacsiga:

    1.Cadeey waxa aad rabtid in aad ka gaartid ganacsigaada

    2.Cadey waayo dhageystayaasha,market ka ma  yahay mid aad isku hubtid in aad guul ka gaartid.

    3.La soco ama ogow dadka aad u adeegeyso.

    4.Marka hore fahan dadka u shaqeyn rabto dhaqamadooda.

    5.Maxay tahay taatikada aad u adeegsan doontid suuqa.

    6.Marna ha iloobin in maskaxdaada waxyaabo badan kuu sheegi doonto laakin ku adkeyso go,aankaada.

    7.Luqadooda kula hadal dadka wax ka iibsaneyso.

    8.Isticmaal waxa ayaga doorbidaayaan in aad xiriir kula samaysid.

    9.Xubin ama laba ka mid ah dhigooda in xiriir la samaysid.

    10.Diyaari waqti aad kula hadashid si fool ka fool ah.

    11.Diyaari qorsho una samay ama u hirgeli qorshayaasha A,B,C

    12.In la koontaroolo qarashaadka banaanka u baxaayo.

    13.Samey olole aad ku hormanayso xiriirka ganacsiga.

    14.Hadii ay tahay  in loogu tago goobtooda waa in loo tagaa waxay ka mid tahay xiriirka ganacsiga.

    15.U samey macaamiisha waxyaabo dheeraad ah oo free ah.

    16.Samey wax free ah si aad u heshid adiga waxbadan.

    17.feedback ga macaamiisha waxay ka mid tahay natiijada shaqada aad u qabatay meesha ay gaarsiiantahay.

    18.Dhoola cadey oo farxad ku soo dhaway macaamisha kuu imaanayso.

    19.ka qosli sii oo soo dhaweyn weyn u muuji marka uu macaamiilka kuu yimaado.

    Waxaa aad muhiim u ah in aad ka dhabayso waxaa  ama aad cadeyso waxa aad rabtid in aad gaarto hadii aadan lahay wax yoolka waa ay kugu adag tahay in hirgeliso 18 ka qodob kale.


     
    • 0 replies
    • 399 views
  18. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    Hadalka yar
    Qofka hadalka yar wuxuu kaga soocanyahay dadka kale waa qof waxbartay oo mutacalim ah iskama hadlo oo kuma hadlo waxa uu rabo oo afkiisa soo qabtay wuxuu ku hadlaa hadal miisaaman oo leh  xikmadaysan dadka markaas la hadlaayo wax badan ka faaideysan karaa.

    Sida sheegtay shareecadeena qiimaha badan waxaa wanaagsan qofka in uu wax wanaagsan ku hadlo ama iska aamuuso sidaasi ayaa u kheer badan waayo hadii uu ku hadlo waxyaabo aan wanaagsaneen laba dhibaato ayaa soo wajahayso oo ah.

    1.in uu hadalkiisa danbiga ka soo gaaro.

    2.in uu sumacad wanaagsan ku yeelan waayo bulshada dhexdeeda.

    Sax ma ahan qofka in uu iska waramo ujeed la,aan hadii aad hadlayo waxaa wanaagsan in hadalkaada uu ahaado mid wanaagsan islamarkaana aad ku yeelan karto sumcad iyo kasbasho bulshadeeda  dhexdeeda aad ku yeelankarto.

    Wadiiqooyiinka kaa saacida kara in uu yaraado hadalkaada.

    Akhrinta

    Waxaa jira dad inta badan  iska hadla  ayagoo hadalkooda  wax faaido ah ku qabin  sidaasi waxaa ka fiican in aad ku hadasho wax wanaagsan ama aad iska aamuustid.

    Qofka hadii uu inta badan wagtigiisa geliyo waxaa yaraanaayo in uu iska hadlo bilaa hadaf la,aan waana sababta aad ku yareyn kartid hadal badnid.

    Dhageysiga iyo faaidada

    Noqo qof miisaan leh ha bilaabin aragtidaada ama hadalkaada ilaa lagaa codsado sida saxda qofka wuxuu qiimo iyo sharaf  yeelanaayaa in hadalka iyo aragtiga marka laga dalbado laakin in adigoo hadalka lagaa codsanin hadii aad hadashid hadalkaaada qiimo iyo nuxur ma yeelanaayo.

    In aad maamushid warka.

    Waxaaa suura gal ah in aad hadashid wax badan laakin hadalkaada uusan noqonin mid dadka soo jiita laakin waxaa wanaagsa in hadalka uu yaraado islamrkaana uu koobnaado.

    La fadhiisiga dadka aqoonyahaanada ah.

    La fadhiiso dadka aqoonyahaanada iyo dadka mutacalimiinta ah fiiri qaabka ay u hadlaayaan si aad ugala dhexbaxdid xikmad iyo waayo aragnimada.

    waxbadan ha weydiinin

    dadka inta badan waxay dhibsadaan su,aalaha fara badan waayo su,aalaha fara badan inta badan ma jecla  su,aalahana waa in noqdaa su,aalo macquul ah lloma baahna su,aalo maalaayacni ah .


     

     

     

     
    • 0 replies
    • 1,351 views
  19. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Muhiimada ay u leedahay technology-yadda goobaha ganacsiga
    Technology-yadda  muhiiimada ay u leedahay goobaha shaqada waxaa weeye in uu ganacsigasi dhaqso ah ku balaarto iyo in uu noqdo ganacsigaada mid wax ku ool ah ama waxtar leh.

    Ganacsiga technology-yadda waa sida in aad soo bandhigtid shirk kaas oo aad kasoo dhigto mid muuqaal leh islamarkaana aad kusoo bandhigtid social media sida face book,youtube ka iyo wixii la mid ah.

    Technology-yada waxay samaysaa in uu ganacsigaada noqdo mid aan xaduud lahayn oo wadan to wadan isaga goosho taasina waxay sabab  u tahay technology-yada oo aad isticmaasho islamrkaana uu noqdo ganacsigaada mid sameeyo kobac iyo hormar balaaran.

    Technology-yada waxay kor u qaadaa waxyaabahaan soo socda.

    1.Hormarinta  ama hagaajinta xiriirka ganacsiga

    Ganacsiga technology-yadda muhiim ayuu u yahay maxaayeelay wuxuu hagaajiyaa xiriirka goobaha shaqada .

    Dadka xafiisyada ka shaqeeyo ma ahan kaliya in ay isku koobaan hal technology-yad isticmaalkeeda tusaale telefoonka iyo emails technology-yada intaas waa ay ka balaarantahay.

    Techologyyada sidoo kale kale waxay kor u qaadaa xiriirka ka dhaxeeya ganacsadaha iyo macaamiisha iyo dadka share holders ka la ah technology-yadda ganacsiga waxaa loo adeegsan karaan qeybo kala du duwan.

    2.Human capital

    Technolog-yadda ganacsiga waxay si hufnaan ah u hormarisaa  goobaha shaqada  iyo shaqaalaysiinta shaqaalaha cusub sidoo kale qaabka aad loo maamulo shaqalaha iyo shaqooyiinka ay qabanayaan intaba waa mid u baahan technology-yadda oo hada noqotay mid wax walbo ayada lagu qabto.

    3.Karti

    Xafiiska loo shaqeeyo technology-yadda wuxuu safe gayreeyaa ama badbaadiyaa waqti aad ku daba geli laheed shaqaalaha qaabka ay shaqada u qabteen iyo waxa aad ka rabtay ma qabteen taasi waxaa kuu sahli kara isticmaalka technology-yadda .

    4.Mobility

    Technology-yadda ee goobta shaqada ayay faaida u tahay aduunka maanta wuxuu noqday hal qaarad amah al tuulo taasina waxaa sabab u ah technology-yadda waayo wadan to wadan ayay ku gaari kartaa waxsoosaarkaada ama ganasigaada magaciisa iyo waxa uu ka shaqeeyo ama soo saaro hadii aysan jiri lahayn technology-yadda maanta jirta ma uusan gaari lahayn ganacsigaada in magaciisa laga barto wadan kale.


     

     

     

     
    • 0 replies
    • 363 views
  20. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Kaalinta uu ku leeyahaytechnology-yadd xiriirka ganacsiga
    Technology-yada waxay ka mid tahay nolosha cusub oo dhan walbo leh gaar ahaan goobaha shaqada

    Halabuurashaada computerska  waxay hormariyeen electronic kada computerska wiresleska ku shaqeeya si uu wanaagsanaado xiriirka ganacsiga ee caalamka dhamaan waxay bedel ka yihiin ganacsiga caalamka.

    Xiriirka ama isgaarsiinta ganacsiga wuxuu  gaar u yahay  hormarka weyn ee ganacsiga sababtoo ah xiriir la,aan ma shaqeyn karo ganacsi.

    Waxyaabaha fududeeya  xiriirka ama isgaarsiinta ganacsiga waa ay fara badan yihiin waxaan ka soo qaadanaynaa qaar ka mid oo lagama maarmaan u ah xiriirka ganacsiga ama isgaarsiinta ganacsiga.

    Telefoonka gacanta

    Telefoonka gacanta waa mid ka mid ah hormarka ugu weyn ee xiriirka ganacsiga  halkii markii hore ciriiri loogu jiray isticmaalka telefoonka ganacsiga laakin qarniyadii danbe aad ugu soo batay telefoonka gacanka ganacsigiina uu noqday mid hormar sii samaynaayo maadama la helay technology-yadd fududeynaysa in uu ganacsiga hormar samaeeyo.

    Shirkaddaha isgaarsiinta.

    Shirkaddaha isgaarsiinta ayaa ah technologyadda casriga ah ee sabab u noqoday in uu hormar sameeyo xiriirka ganacsiga shirkaddaha isgaarsiinta ayaa baajiyay safarkii dheeraa halka maanta uu yahay mid fudud islamrkaana waxa adiga aad doonayso si fudud kugu soo gaari karaan .

     Iskaan (Image Scanning)

    Iskaanka waxaa uu ka mid yahay xiriirka ama isgaarsiinta loo adeegsado ganacsiga  waxaa lagu qaadaa sawiradda iyo dukumiintiyadda iyo adeegsiga koobiga intaba.

    Hada ma jirto xafiis aan oolin qalabka scan waayo wuxuu ka mid noqday xiriirka ganacsiga loo adeegsado wuxu kuu fududeeyaa waxyaabo badan oo xiriir la leh ganacsigaada 

    • 0 replies
    • 324 views
  21. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Faaidada uu u leeyahay ganacsiga technology-yadda
    Xiriirka technology-yadda ee  ganacsiga  waa mid  kugu xira caalamka  ma ahan kaliya technology-yadda telefoonka gacanta  internet ka waxaa uu ka mid yahay dhowr ka mid ah ganacsatada isticmaala.

    Faaidada isticmaalka technology-yadda ee ganacsiga ayaa looo isticmaalo wadooyiin fara badan tusaale in aad wax ku iibsan karto si online ah ama si toos ah dadkaaas oo waliba kala joogo laba wadan oo kala fog ama goobo kala fog laakin hal wadan wada jooga,sidoo kale faaidadiisa waxaa ka mid ah in aad ku xayaysiisatid badeecooyiinkaada si lagaaga wada daawado ama looga arko badeecooyinka aad iibisid caalamaka oo dhan.

    Safe gareynta lacagaha(Financial savings)

     faaidada ugu wayn  ee hormarka ganacsiga dhanka technology-yadda  in uu yahay xiriirka ganacsiga waa keydka dhaqaale ee uu siinaayo ganacsiga yar yar iyo shirkadaha waaweyn .

    tani ayaa loo ogolyahay ganacsiga yar yar  si fiican ugu tartama urururada waaweyn  ee suuqyada caalamiga ah si kastaba ha ahaatee technoloyadda ayaa waxay aad muhiim ugu tahay ganacsiga yar yar iyo waaweyn intaba .

    technology-yadda sida marka hore ahaan jirtay iyo manta waxaa u dhexeeya farqi weyn halka markii hore technology-yadda la adeegsado ay aheed qof in la diro oo la yiraahdo meel hebel warbixintaan geeya iyo in warqad qof loo dhiibo iyo in boost la dhigo halka maanta sida awal ahaan jirtay farqi wayn u dhaxeeya oo technology-yadda noocyadeeda kala duwan meel walbo ay ku baahday oo isticmaalkeeda.

    Dantiisa(expediency)

    Xiriirka technology-yadda ganacsiga  waa mid sii kordheyso  xawaareheeda ama speedkeeda  islmarkaana dadka ganacsiga ku jira aad u fahmaayaan waayadaan danbe tusaale in ay samaystaan oo kale website iyo sidoo kale waxay isticmaalaan software xisaabaadkooda ku xalistaan halka marka hore la isticmaali jiray qalin iyo buug.

    Shaqada gaar   ah.

    Faaidada dheeraadka ee technology-yada ganacsiga u leeyahay  waa hormarka xiriirka ganacsiga  iyo in lagu hormariyo xirfadlayaasha kuwaas oo u baahan in loo dajiyo xirfadda ay ku shaqeyn lahaayeen  loona iibiyo qalabka technologyada ay ku shaqeyn lahaayeen.


     
    • 0 replies
    • 568 views
  22. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    5 WADDO OO AAD UGA FAAIDEYSAN KARTO WAQTIGAADA FIRAAQADA AH
    Maxaa sameeyaa waqtiga fursadaha aan leeyahay ama firaaqada?
    Waqtiga wuxuu ka mid yahay nolosha qofka insaanka waqtiga waxaa wanaagsan in loogu faaideysto sida ugu haboon ma jirto sida saxda ah qofka in  uu
    leeyahay waqti iska furan ama firaaqo maadaama aan nahay dad muslimiin ah islamarkaana haboon in aan ka faaideysano waqtigeena sida uu alaah uu raali ka yahay hadii uu qofka firaaqo uu yahay waxaa uu uga faaideysan karaa in uu iska cibaadeysto.Waqtiga firaaqada ma ahan mid loogu talo galay raaxo iyo maalaayacni in aad wagtigaaga ku lumisid raaxada waa in aad kaga faaideysataa waqtiga firaaqada waayo waqtiga firaaqada iyo caafimaad waxay ka mid yihiin waxyaabaha la is waydiin doona maalinta qiyaamaha sidaasi waxaa noo sheegay rasuulkeena sharafta badnaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.Arimaha aad uga faaideysan karto waqtiga firaaqada waxaa ka mid ah:
    1.In aad leedahay marka hore waqti qorsheysan .
    2.Waxaa muhiim ah in aad uga faaideysatid dhanka caafimaad.
    3.Aqrinta quraanka kariimka.
    4.In aad aqoontaada ugu faaideysid dadka kale.
    5.In aad uga faaideysatid dhanka nashaadhaadka ama aalamiintada
    • 0 replies
    • 412 views
  23. wanleweyn added a post in a topic waa side loo hor Marin karaa ganacsiga?   

    Ganacsi waa organization ama  hanaan dhaqaale loo sameeyo wuxuu noqon doonaa qaabka dhaqaalaha loo sameeyo ama uu noqon karaa ganacsiga mid service ama adeeg bixiya sidoo kale wuxuu noqon karaa  mid goods ama badeeco bixiya labadaas shey ayuu ka koobanyahay ganacsi.

    Ganacsi walbo wuxuu u baahanyahay xoogaa maalgelin ah kaas uu ku filan macaamiisha  hadii ay wax kaa iibsadaan si ayagana faaiido ugu helaan .

    Ganaci wuxuu noqon karaaa mid hal shakhsi uu si gaar u  leeyahay iyo  mid shares ganacsi ah

  24. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Maqaalo   

    8da aasaas ugu wanaagsan ee aad u baahantahay in noloshaada guul ka gaartid
    Guusha marka hore alaah ayaa bixiya balse waxay u baahantahay in lala yimaado waxyaabaha sababi lahaaa in aad guul gaartid sidoo kale guusha waxay u baahantahay dhabar adeeg iyo samir badan  waayo waxaa kusoo wajihi doona culees fara badan iyo caqabado guusha iskama timaado ee waxay ku timaadaa in uu alaah kula soo doono iyo in uu qofka noqda midka ka faaideysta.

    Waxyaabaha aas aaska u ah waxaawaaye.

    1.In uu qofka diyaarsanyahay.

    Diyaarsanaanta waa aasaaska guusha qofka waxaad arkaysaa qof soo martay fursad oo hadana ka faaideysan taasi micnaheeda ma uusan diyaarsaneen fursada halmar unbey kusoo martaa islamarkaana waa in aad ka faaideysataa sida ugu macquulsan ee suuragal ah.

    2.Samey waxaad jeceshahay.

    Qofka baniaadamka ahi ma wadi karo shaqo uusan ku qanacsaneen waa in aad samaysaa waxa aad jeceshahay islamarkaana guul ka gaari kartid waayo markaas waxaad leedahay yool aad tiigsanayso.

    3.Yeelo yool.

    Waa muhiim in aad yeelatid yool si aad u xaqiijiso waxa aad hiiigsanayso oo hormar ah waxayna kugu riixaysaaa yoolkaada in aad gaartid guusha aad hiigsanayso.

    4.Kuso waddo saxan.

    Ma gaari kartid hadii aad kusocotid waddo qaldan taasi waxay keenaysaa in aad ka lunto hadafka aad laheed  waxaa muhiim ah dadka waaya araga ah in aad ka qaadatid wixii fikrado oo dhaxal gal ah.

    5.Ka fakar waxa aad ku dhaqaaqi doontid.

    Qorshaha waxaa uu qeyb weyn ka yahay hormarka qofka noloshiisa waa qorsha la,aan waxba ma socoon karaan sidaa saxda ah marka waa in aad ka fakartaa waxa aad samayndoontid ooo ku saabsan noloshaada.

    6.Diiradda saar hormarkaaga.

    Waxaa xaqiiqa ah in ay kusoo wajahayaan caqabado fara badan  taasi waxy u baahantahay adkaysi iyo samir fara badan si aad  u gaarto guusha noloshaada  islamarkaana aad xal u keentid dhibaatooyinka kusoo wajahay rabina aad talo saaratid.

    7.Cadeey hiigsigaada.

    Guusha waxa ay leedahay target marka qofka waa in uu uu cadyahay waxa uu rabo in uu gaaro hadii aysan taasi jirin waxaa imaanaya in qofka noloshiisa kusoo idlaato guul daro.

    8.La soco dadka wanaagsan.

    Dadka wanaagsan in aad la socotid ama aad saaxibo ka dhigatid waxay qeyb weyn ka tahay hormarka noloshaada halka aad saaxiibo ka dhiganlahayd dad aan mustaqabl nololeed rabin .

     

    • 1 reply
    • 780 views
  25. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    Xeerarka dahabiga ee waxtarka maamulka
    Xeerarka dahabiga ee waxtarka maamulka

    Shirkadd kasta weyn ama yar waxa  ay u baahantahay maamul iyo kala danbeyn si ay shaqada u kala socoto ama uu u gaaro company ga hiigsigiisa hadii uu maamulka ka xunyahay companigaas ma noqon doona mid sii waara ama sii jiri dooona company kasta oo hormar gaaray waxaa sababteeda leh maamulka company gaas.

    Maamulka wanaagsan waa midka shaqaalihiisa ka warqaba la socda xaaladooda hoose la sheekeysta mararka qaar una sheego shirkadda in ay shirkadooda tahay ayna kusoo kordhiyaan fikrado cusub islamarkaana maamulka u sameeyo dhiira gelin lacageed hadii ay keenaan shaqaalaha fikrad dhaxal gal ah.

    Hadaba bahda aflixi.com waxay idin soo gudbianysaa  10 rules oo dahabi ah oo waxtar u leh maamulka.

    1.Noqo joogto ah(be consistent)

    In la joogteeyo shaqada waxay qeyb ka tahay hormarka shirkadda isla markana la abaalmariyo shaqaalaha oo dhiiragelin loo sameeyo.

    2.Diirada saar wax sax ah oo hufan .

    Qaabka aad ula samaynayso xiriirka teamka shaqada waa in uu ahaadaa mid wanaagsan islamarkaana ahaadaa mid ku dhisan akhlaaq wanaagsan.

    3.Udaji  shaqaalaha goal ka ay ku shaqeyn lahaayeen.

    Shaqaalaha ma ahan mid isku wado shaqo ay yihiin team kasta department ayuu ka shaqeynaa waxaa muhiim ah qof waliba in uu ogyahay waxa uu ka shaqeynaayo.

    4.Noqo maamule lagu dayan karo

    Maamulaha waxaa laga rabaa in uu waxbadan ka dhaqan wanaagsanyahay dadka la shaqeyo waayo waa qofka ay ku dayan lahaayeen shaqaalaha waa in ka wanaagsanyahay dhan walbo.

    5.Marna ha marin hal wado

    Maamulaha waxaa laga rabaa in uusan marin hal wado waayo waa in uu badalaa taatikada hore hadii ay noqon waydo mid waxtar leh .

    6.Xasuusnow sida hufan oo macquulka ah.

    Waa in ay jirtaa daahfurnaan iyo la xisaabtan shaqaalaha  waa muhiim in midaas la uu xasuusnaado maamulaha mar walbo.

    7.Dhiiragelin dhamaan fikaradaha.

    Waa muhiim in uu aruuriyo maamulaha fikrahada mida guda ah oo shaqaalaha dhexdooda ah iyo mid banaanka ah ee macaamiisha

    8.Caawi dadka si ay shaqadooda ugu raaxaystaan.

    Caawinta shaqaalaha waxaa ka mid ah in aad u samayso sanadkii halmar oo kale qado sharaf iyo in aad la qaadatid waqti  wada sheekaysi iyo kaftan ah aan ahayn maalin shaqo ah waxay ka mid tahay caawinta shaqaalaha shaqalahana waxay u tahay niyad dhis iyo farxad.

    9.Ku abaalmari shaqaalaha meel public ah

    In shaqaalaha la abaarmariyo ama la gudoonsiiyo shahaadooyiin waxay ka mid tahay maamul wanaaga islamarkaana waxay ka mid tahay in uu sameeyo companiga kobac dhaqaale.

    10.Dhageyso ,su,aalo weydii.

    In aad dhagaysatid cabashada shaqalaha iyo in aad waysiiso waxa ay tabanaayaan islamarkaana wax uu ka cabanaayo hadii ay tahay wax macquul ah waa in aad wax ka qabataa waxayna ka mid tahay maamulka wanaagsan.

    • 0 replies
    • 385 views
  • advertisement_alt