• advertisement_alt

Axmahaajir

Members
  • Content count

    5
  • Joined

  • Last visited


1 Follower



About Axmahaajir

  • Rank
    Newbie

Profile Fields

  • Jinsiga Dhadig
  • Heerka Arday

Axmahaajir's Activity

  1. Axmahaajir added a post in a topic: Divisibility Test   

    Hagaag, aan aragno sida lagu ogaan karo tiro walbo iney u qeybsami karto 2,3,4,5,6,8,9 adigoo aanan sameynin xisaabti. Waxaan u soo qaadaneynaa mid mid.
    2. waxaa u qeybsami karo tiro walba oo dhaban ah. Tusaale 24 / 2=12, 100 /2 = 50 iwm ah.
    3. waxaa u qeysami kartaa hadii tirada marka la isku daro aay noqoto 3, 6 ama 9 . Tusaale ahaan 283746591, 2+8+3+7+4+6+5+9+1= 45, isku sii dar weli 4+5=9. Hadaba 283746591 wey u qeybsameysa sadex. Hadii 283746591 loo qeybiyo 3 waxaad heleysaa 94 582 197. Sida kaaga muuqato si toos ah oo jajab la'aan ah ayeey u qeybsameysaa waana sidee aan saadaalinay. Tiro walbo so qaado oo ku tijaabi.
    4. Waxaa u qeybsami karo tiro walba oo labada god ee u dambeyso aay u qeybsami karto 4. Tusaale ahaa, 9 845 362 716. Hadii aad rabto inaad u ogaato in tirada u qeybsanto 4 waxaad sameyneysaa labada god ee u dambeyso ayaad fiirineysaa iney u qeybsanto 4. Labada god ee u dambeyso waa 16, hadii 16 /4 =4, sidaasi darteed tiradaan wey u qeybsantaa 4 jajab la'aan. HAdaba tijaabi 9 845 362 716 / 4 = 2 461 340 679.
    5. Tiradu waxey 5 u qeybsami kartaa hadii godka u dambeeyo uu yahay 0 ama 5 oo kaliyah wixii intaas ka soo haro uma qeybsami karto 5. Tusaale 72 647 343 235 wey u qeysami kartaa 5 maxaa yeelay godka u dambeeyo waa 5. Hadii la qeybiyo waxaad heleysaa tiro jajab la'aan ah. 75 645 343 235  / 5 = 1 452 946 865.
    6. Tiradu waxey 6 u qeysami kartaa hadii 2 iyo 3-ba aay u qeybsanto. Tusaale 4 752, ugu horeyn wey u qeysantaa 2 madama godka u dambeeyo uu yahay dhaban. Si aan u ogaano iney u qeysanto 3 bal isku dar tirada 4+7+5+2=18, isku sii dar 1+8 =9, hadaba tirada 3 wey u qeysantaa. Madama tiradi aay u qeybsan tahay 2 iyo 3 waxaan leenahay wey u qeybsami kartaa 6. Aan tijaabino 4752 / 6 = 792. 
    7. Ma aqaano qaab fudud o o lagu ogaan karo in tirada 7 u qeybsanto iyo in kale.
    8. Hadii sadexda god ee u dambeyso tiro aay u qeysami karto 8, tiradaasi wey u qeybsami kartaa 8. Tusaale 46 745 224, aan fiirino sadexda god ee ugu dambeyso oo ah 224 iney u qeybsami karto 8. 224/8=28. Hadaba tiradaani wey u qeybsami kartaa 8. Aan qeybino 46 745 224 / 8= 5 843 153.
    9. Tirada waxey u qeybsami kartaa hadii marka tirada la isku daro aay noqoto 9. 534 765 762, isku dar 5+3+4+7+6+5+7+6+2=45, isku sii dar 4+5=9. Hdaba tiradani 9 wey u qeybsantaa. Aan qeybino 534 765 762/9=59 418 418.
    Wabilahi Towfiiq.
  2. Axmahaajir added a post in a topic: Time   

    Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu. Su'aashan oo kale waxaa inuu ka jawaabo ku wanaagsanaa qof aqoon u leh oo si fudud wax u sharixi karo. 
    Waqti ama Time waa qaab lagu cabiro dhacdooyinka la soo dhaafay (past), hada taagan (present) ama iman doono (Future).
    Ka soo qaad waxaad ka duushay dhulka oo waxaad aaday meere (planet) kale sanada 2020-ka. Sanad ka dib, markaad soo laabatay waxaad timid iyadoo jilkii sadexaad ubadki aad dhashay aay joogaan. Markaad weydiisay reerahaagii iyo dadki aad meesha ku ogeyd, waxaa laguu sheegay iney mar hore baa'ba'en oo qofka ugu dhaw uu yahay qof u tirsado ila sadex oday.
    WAxaad u sheegtay inaad sanad un ka maqan tahay. Waxaa lagu weydiiyay goortee kugu dambeysay? waxaad ku jawaabtay 2020-ki. Nasiib darro iyagu waxey joogaan sanada 2159. WAqtiga aad ka hadleyso waxaa ka soo weeragay 139 sano. Magaaladii aad taqiinay aad ayeey isku badashay, mana jiro qof aad ka garan karto ama xitaa xaafad aad garan karto.
    Hadaba su'ashu waxey tahay sidee arintaasi ku dhacday?
    Hagaag, Waqtigu waxaa uu ku xeran yahay dhaqaaq (motion) iyo awood (force). Hadii dhaqaaqaagu ama socodkaaga (motion)  iyo jiidashada dhulka (Gravitional Force) uu badan yahay, waqtigaaga aad uma ordaayo. Hadii motion-ka iyo gravitional force-kaba aad dhaciif yihiin waqtiga wuxuu u ordayaa si aad ah, waxaa laga yaabaa in kun sano waqti aad tirsaneyso hal ilmiriqsi aay u dhiganto meelaha kale.
    In waqtigu ku xeran yahay dhaqaaq iyo awood waxaa sadaaliyay Einstein, hayeshe waxaa la tijaabiyay 1971-di. labo saacadood ayaa la is ag dhigay. Mid ka mid ah ayaa dhulka looga tagay halka tan kalena la saaray diyaarad isla markana lagu soo wareejiyay dunida ilaa in mudo ah. Saacadii ayaa la soo celiyay oo la ag dhigay saacadii hore ee dhulka looga tagay. Labadii saacadood ayaa kala duwanaaday qadar 1/1 000 000 nanosecond. sida muuqato labada saacadood waxaa u dhaxeeyo qadar aad u yar balse haba yaraatee muujinayo inuu kala duwanshiyo jiro. Sababta kala duwanshiyu aadka ugu yar yahay ayaa lagu sheegay, inkastoo saacadu socod ku jirtay (motion) waxaan weli isku mid ahaa gravitional force-ka labada saacadood oo micnaheedu yahay isku si ayuu labada saacadoodba dhulka u jiidanayay. Hadii saacada la geyn lahaa meel jiidashadeeda dhulka uu aad u sareeyo farqiga wuxuu ahaan lahaa mid la dhareemi karo.
    Mar walbo oo uu aad u badan yahay socodkaaga iyo gravitional force-ka waxaa aad u daciifo waqtiga. Wax walbo oo dhacay, dhici doono ama dhacayo ayaa la amisan yahay in dhamaan aay hal mar dhaceen. Ma jiro wax tagay, ma jiro wax hada dhacaayo mana jiro wax hada ka dib dhici doona oo wax walbo waxey dhaceen ilmiriqsigii dunida la abuuray, xisaabta ayaa sidaas saadaalineyso (Alle ayaa og). Sababta waqtigu u muuqdo mid horay un u socdo ayaa lagu sheegay iney maska aay sidaas u program-san tahay. Waxaa dhacdo walba laga soo qaadi karaa sida film la duubay oo dadka loo shiday si aay u daawadaan. In kastoo aay dhacdo walbo oo film-ka ku jirto aay dhacday, dadka daawanayo ma fahmi karaan waxa daqiiqad walbo daqiiqada ka dambeyso ka soo muuqan doono film-ka. Maskaxda ayaa sidaasi oo kale daawato dhacdooyinka una kala saarto wax tagay, wax iman doono iyo wax hada taagan, inkastoo wax walbo aay hal mar wada dhaceen.
    Technoly-ada la gaari doono wey qorsheysan tahay. Waqtiga aad dhiman doonto ama beri waxaad cuni doonto wey qorsheysan tahay. In maskaxda laga dhaadhiciyo waxa waqtigu yahay aad ayeey u adag yahay. Su'aasha ah "waa maxay waqti " weli waxaa ka taagan dood badan waxaana lagu kala aragti duwan yahay meelaha qaar.
    Wabilahi Towfiiq. 
  3. Axmahaajir added a post in a topic: Divisibility Test   

    Waxaad sheegtaa si fudud oo lagu ogaan karo in tiro walba aay u qeybsami karto 2, 3, 4,5,6,8 iyo 9 (ogow 7 kuma jirto)?
  4. Axmahaajir added a post in a topic: Time   

    waa maxay waqti (TIME)?
  • advertisement_alt