• advertisement_alt

Activity Stream

Qormooyin Activity Stream

  1. Xussni Almarkaawi


    Waxy ku kala duwan yihin  IT iyo CS  waxa weyan CS ka waa qofka waxa soo saara sida Applicationada  iyo Database iyo wixi la mid ah, barnamijki u soo saaray Qofka CS waxa ka shaqeysinaya  ama ka shaqenya Qofkii Soo bartay  IT .

    CS waa qofka soo saari lahaa Barnamijyada ama Systemka ay is ticmalayan Shirkadaha  noocyadooda kala duwan Jamacadaha Schoolada isbitalada maqahyadaha iyo Waxyabo badan.

    IT  waa Qofka ka shaqeysin lahaa barnamijka ama Systemka u soo saaray CS

    Waxn filaya inat fahantay  mahdsanid

     

  2. Xussni Almarkaawi


    Loop waxa loo adegsada in lagu soo cel celiyo   Waxa ad doneysid in ad ku soo cel celisid 

    Sida tusaale 

    Waxa la qoraya  Hal Code   ayado lo shegayo inta uu ka bilabayo Numberka sida 1 ilaaa 9  saa wuxu ku soo cel cel linaya Sida tusaale magaca Al-markaawi  aya wuxu ku soo cel celinaya alaa Inta number  aad doratid.

     

    Sido kale Loop ka wuxu ukala baxa Seddex qeybood 

    1.For loop

    2.while loop

    3.Do While loop

    Wax weyn kuma kala duwana Seddex doodaa.

    Xussni Al-markaawi

    Wwww.almarkaawi.wordpress.com

  3. qadiija muqtaar


    asc wlllo wxa rpaa in aaad iga cwizo sid aan u doorn.lhaaay kuliyad

    mxaase la iiga baahn yhy hdii aan dooranyo

     tusale ahan wxa jeclhy in aan brto IT mna aqaan basic ahan xitaa ma bran kraaa mze la socon kraa mclinka oo si wngzn ma u fhmi kraaa xita kuma wcni dhnka xisaabadka mrka ila tali wllo wyo webkaan ayaa wx bdn iga caawiyy hda wx rajynaa sidaa iyo si la mid ah 

  4. janagale


    Waxaan dareema tabar dari iyo madax xanun walibo markaan ordo ama shaqo qabto awooda dhan ayaa iga tagto laaabta ayaan wax ka dareemo labo labo iyo daal neef tuur iyo wadno xanuun marka maxaa sababa

    Mahadsanidiin   Dr.Drs

  5. Saciid Mohammed


     


    Xisaab ama xisaabin waa hab ka mida hababka lagu ilaaliyo, daba galo isla markaana loo kaantaroolo dhaqaalaha amaba lacagaha, ha noqoto tu dawladeed iyo tu shaksi tay doontabee, wax aan xisaab iyo hab xisaabeed dhisan laheyna inaaney kala soconeyn horeba waa loo soo taabtey.

    Xisaabintu waxey u kala baxdaa noocyo badan iyadoo waliba laga eegayo dhinacyo badan, balse qormadan waxeynu kusoo qaadan doonaa qeybahan soo socda.

    Xisaab maaliyadeed (Financial Accounting)

    Xisaab maamul (Management Accounting)
    Hanti dhawr ( Auditing)
    Cashuur ( Taxation)
    Xog bixinta Xisaabaha ( Accounting Information System)
    Aynu ku horeyno Xisaab maaliyadeed, Xisaab maaliyadeedeey maxay tahey?

    Waxa ay diirada saartaa soo saarida warbixino ay ku qancaan daneeyayaasha iyo cida ay khuseyso warbixintaa ee go,aanka kama danbeysta ahna wax kuleh. daneeyayaal (Stake holders) waa Maalgaliyayaasha, saamilayaasha, amaahiyayaasha, Macaamiisha, shaqaalaha, Dawlada, IWM, waana kuwa loogu tala galey iney gaadho xisaab maaliyadeed kan oo sida laysla yaqaano soo baxda wakhtiyo cayiman sida sanadkiiba hal mar, laba mar, iyo afar oo noqoneysa rubuc.

    Waxa la xisaabiyaa dhaqdhaaqa ganacsi kuwaas oo laga diyaariyo warbixino maaliyadeed (Financial Statements), loo diyaariyo dadka dibad jooga ah (External Users), iyadoo la adeegsanayo sharciyada xisaabaadka ee loo yaqaano (Generally Accepted Accounting Principles) oo haddeynu u rogno soomalina noqonaya (Xeerarka Xisaabadka ee si guud layskula waafaqey)

    Hanti Dhawr (auditing)  Hanti dhawrku waxa uu soo hoos galaa xisaabaadka, waa xaqiijinta isu sar goynta amaba hubinta lagu sameeyo shirkada iyadoo la adeegsanayo habab u gaara iyo xeerar loogu talo galey ku shaqeeyaan Hanti dhawrayaashu.  Hanti dhawrku wuxu u qeybsamaa laba nooc oo kala ah mid gudaha ah oo ay shirkadu ugu taoolo gashay inuu ka saxo wixii khaladaad dhexdeeda ka jira, waxaanu warbixinta uu diyaariyo u gudbiyaa maamulka shirkadaa amaba goobtaa u ka hawl galey, halka ay jiraan kuwo dibadda ah oo madax banaan cid ka baxsan shirkada gudaheedana warbixintoodu way gaadhaa.  Waxa la baadhaa way badan yihiin lakiin waxa ugu muhiimsan in diirada la saarona u baahani waxa weeyaan warbixinaha kasoo baxa xaga lacagaha (Financial statements). Hanti dhawrku waxa uu eegaa cadaanta (fairness) ay leeyihiin warbixinaha lasoo diyaariyey kuwaasi oo ka dhashay wax qabadkii shirkada iyo socodka lacagaha (cash flow), iyagoo adeegsanaya sharciyadii xisaabaadka ee si guud layskugu waafaqay (Generally Accepted Accounting Principles) si ay wax badan uga gun gaadhaan.  Xog-bixinta Xisaabaadka (Accounting Information System)  Xog-bixinta xisaabaadku waa qeyb ka mida warbixinta shirkada, kaas oo diirada lagu saaro ka shaqeynta xogta Cayrin ee xisaabaadka.  Cashuuraad (Tax Accounting)  Cashuurtu waa lacago ay dawladuhu ka ururiyaan bulshada ay u adeegayaan iyagoo siyaalo kala duwan u eegaya tusaale ahaan cashuurta kastamada oo ah cashuur ku waajibtay wax kasta oo xuduudaha kasoo galaya, cashuurta Dakhliga (income tax), cashuurta wado marista IWM, waxaa jira habab loo xisaabiyo cashuuraha la aruurinayo iyo war bixino laga diyaariyo kuwaas oo sahlaya  in ay iska war hayaan cashuur bixiyihii iyo cashuur qaadihii.

    naane likes this
  6. abdiwahab ali mouse


    Asc waxan ahay wiil ku cusub bayjka aflixi ba waxaan ahay ardey dhigta kuliyada caafimaadka khaasatan Bsc nursing waxaan qabaa suaal maxay tahay nursing shaqadoodu mise kali ma laguugu talo galey haweenku iney bartaan kalkaalisada

  7. abdiwahab ali mouse


    Asc waxan ahay wiil ku cusub bayjka aflixi ba waxaan ahay ardey dhigta kuliyada caafimaadka khaasatan Bsc nursing waxaan qabaa suaal maxay tahay nursing shaqadoodu mise kali ma laguugu talo galey haweenku iney bartaan kalkaalisada

  8. Ciise cabdi


    Qaadow Adigaa leh Waxaa tiriyay abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle)

    Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh

    Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh

    Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

    Qalbi qooqan qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh
    Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
    Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

    Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
    Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
    Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

    Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
    Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
    Qashin iyo qashaabiir qudhmuun qaadow adigaa leh

    Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
    Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
    Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh

    Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
    Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
    Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh

    Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
    Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
    Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh

    Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
    Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
    Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh

    Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
    Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
    Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh

    Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
    Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
    Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh

    Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
    Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
    Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh

    Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
    Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
    Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh

    Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
    Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
    Qanaaskiyo waswaaskaa qarsoon qaadow adigaa leh

    Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
    Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
    Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh

    Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
    Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
    Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh

    Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
    Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
    Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh

    Qubays laga wahsadiyo dhidid qudhmuun qaadow adigaa leh
    Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
    Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh

    Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
    Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
    Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh

    Qabsimadu inay kala xidhmaan qaadow adigaa leh
    Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
    Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh

    Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
    Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
    Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh

    Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
    Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
    Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh

    Qaadicu salaadnimo qasad ah qaadow adigaa leh
    Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
    Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
    Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay

     

    Allaha unaxariiste abwaan Abshir bacadle waa gabay taariikhdu meel weyn ugu jiro

  • advertisement_alt