• advertisement_alt

Activity Stream

Activity Stream

  1. cabdi added a post in a topic Sidee loo kala leeyahay sameyn web ama bar   

    aad ayaan fahmay sameeynta web-ka thanks
  2. cabdi added a post in a topic Waa maxay application software?   

    aad ayaad u mahadsantahay Mahir
  3. cabdi added a post in a topic waa maxay qeebaha suuqa   

    Nice thanks
  4. wanleweyn added Ciwaanka Su'aasha in Business Administration & Accountancy   

    waa maxay qeebaha suuqa
    waxay kala yihiin sidaan soo socota
    1.inaad hormarisid wax soo saarka
    2.inaad go,aamisid qiimaha
    3.inaad qeeb qeebisid goobo u dhaw dhaw macaamiishaada
    4.hormarin iyo inaad hirgelisid  istaraatiijiyada xayaysiiska
    • 2 replies
    • 1,524 views
  5. mahir added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Waa maxay application software?
    Application waa barnaamij ama barnaamijyo isu tagay kuwaasoo u sameeysan in qofka isticmaalaha ah uu wax ku qabsado waxaana loo kala qeeybin karaa laba qeeyb oo waaweyn oo kala ah System Software iyo Application Software.
     
    system software-ku waa OS oo ah Barnaamijki ka shaqeeysiinaayay Computer-ka laakin Application Software-ku waa baanamij shaqo gooni u qabanaya Isticmaalaha tusaale ahaan VLC, MS Office MS Access Power Point, MS Excel iyo kuwo kale oo badan Application Software-ku kaligiis ma istiaagi karo oo wuxuu u baahanyahay OS si uu u shaqeyo
    • 6 replies
    • 3,654 views
  6. mahir added Ciwaanka Su'aasha in Sharia and Law   

    Su'aalo iyo Jawaabo

    • S - Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
    • J - Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
    • J - Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
    • J - Waa Sacad bin Mucaad (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
    • J - Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku (SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
    • J - Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
    • J - Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.
    • S - Waxaad sheegtaa Magaca Abi-bakar Sadiiq?
    • J - C/laahi binu Qaxaafa .
    • S - Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
    • J - Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.
    • S - Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
    • J - Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.
    • S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
    • J- Cismaan bin Cafaan R.C.
    • S - Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
    • J - Waa Salaada.
    • S - Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
    • J - Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).
    • S - Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?
    • J - Waxaa ugu horgelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.
    • S - Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?
    • J - Waa Ubaya bin Khalaf .
    • S - Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?
    • J - waxuu ahaa Xudeyfah.
    • S - waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?
    • J - waxuu ahaa Tamiimuddaari   • S-waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israiil+
    • J-waa nabi ciise
    • S-2 nabi oo walaalo ah oo iskumar dhintay
    • J-waa nabi muuse iyo nabi haaruun  
    S - Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
    • J - Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).

    • S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
    • J - Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.
    • S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
    • J - Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.
    • S - Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
    • J - Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
    • J - Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).
    • S - Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
    • J - Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).
    • 4 replies
    • 2,147 views
  7. mahir added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Operating System - Nidaamka Ka Shaqeeysiiya Computer-ka
    Waa Maxay Operating System?
    Operating System - Nidaamka Ka Shaqeeysiiya Computer-kaa waxaa loo soo Gaabiyaa OS Waa barnaamijka ugu muhiimsan kaasoo ka shaqeeysiiya Computer-ka.
     
    Shaqada Operating System?
    OS Wuxuu maareeyaa dhamaan shaqooyinka ka dhaca Computer-ka waana midka kuu ogolaanaayo inaad la xariirto Computer-ka OS la'aan computer-ka waxba kuuma tarayo waana luqada aad kula hadli kartid computer-ka.
     
    Qeeybaha Operating System
    OS badanaa Computer-ka weey ku yimaadaan hadii aad u baahatana waad iska badali kartaa.
    Qeeybaha ugu badan eey dadku isticmaalaan waa Microsoft Windows, Apple Mac OS X, iyo Linux.monthly_05_2015/post-6-0-39934500-1431980196.png
     
     
    Nidaayada Computer-ka ee casriga waxeey isticmaalaan wax loo yaqaano graphical user interface (GUI) oo ah in qofka istimaalayo computer-ka eey aad ugu fududahay inuu dhax mushaaxo Computer-ka oo marba meel uu kujiyo(Click), inteeysan imaanin GUI computers-ka badanaa waxaa la isticmaali jiray wax loo yaqaano command-line interface oo ah in qofka isticmaalaayo Computer uu qoro waxa uu rabo tusaale hadii uu rabo driver C inuu galo (access) waa inuu amaro qoraa (commands).
     
    Microsoft Windows
    Microsoft sanadki ugu horeeyay eey windows soo saarto wuxuu ahaa 1980kii sanadadi danbe waxeey soo saartay windows badan kuwaas oo kamid ah Windows 7(2009), Windows Vista(2009), Windows 8(2012)
     
    Mac OS X (Macintosh) Waa nimaad ka shaqeeysiiya Computer-da eey soo saartay Shirkadda Apple waxeeyna ku yimaadaan Computer-da cusub eey soo saarta shirkadda apple sidookale apple waxeey soo saartay noocyo kala dugan ee Mac ah sida Snow Leopard (2009), Lion (2011), Mountain Lion (2012),Mavericks (2013),Yosemite (released in 2014) apple sidookale waxeey soo saarta Mac OS X Server kuwaas oo ku shaqeeya Servers (adeegayaal).
     
    Linux
    Linux waa nimaad ka shaqeeysiiya computera-da waana mid furan (Open Source) qof walbana ayaa wax ka badbadli karo kuw horana lamid ma aha, faaiidada uu leeyahay linux-ka waa Free waxaana lasoo saaray sanadku markuu ahaa 1991 noocyada ugu caansana waa Ubuntu, Fedora, Mint
     
    Mahadsanidiin
    • 2 replies
    • 2,867 views
  8. zahra added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Sidee loo kala leeyahay sameyn web ama bar
    Marka laga hadlaa website waa macna badan yahay engineerada howsha sameynta webka waxa waxa ay u kala baxaan web designer , Web developer iyo web master , eng.ka ah Web designer waa halka ay ka bilaabaneyso dhis idea website oo waa qofka dajinaa muuqaal ka website ka , Web designer waxa looga baahanyahay inuu isticmaalo layout u sahlaa web developer ka inuu si fudud ku dhiso code ku haboon naqshaddaas la dajiyay. Eng.web designer ka waa inuu aqoon buuxdo u leeyahay graphics sida photoshop si uu u noqdo webkas mid Isla siman oo xagga colors ka aanan ku kala sareyn.sidookale kale waa inuu yaqaanaa cascade style sheet waxaanan ka marneyn in khibrad u leeyahay html. Web developer waxa uu u badalaa habkii naqshadda ahaa afka computerka kaasoo uu ku qoraa afkamid ah sida PHP , ASP .
    Web master waa Eng kii bartaan lasoo dhisay galin lahaa xigta iyo warbixinta si u jeedkii loo sameeyay webkas u hirgalo
    • 2 replies
    • 1,670 views
  9. Aflixi Bar ama Baro added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Hab Isticmaalka Aflixi.com
    A) Isdiiwaangalin | Creating Account 
    1.       Magaca: Waxaad ku buuxisaa magacaada
    2.    Email Address: Waxaad Ku qortaa Email kaasoo aad hadhow ku soo gali doonto aflixi.com
    3.    Password: waa password-ka aad ku soo gali doonto akoonka aad ku leedahay Aflixi
    4.    Confirm Password: iska xaqiiji password-ka oo marlabaad ku celi
    5.    Jinsiyadda: Dooro jinsiyadaada lab ama dhadig
    6.    Heerka: dooro heerkaada Arday ama Macalin
    7.    Security Check: waxaad box-ka yar ku qortaa tirade ama xarfaha kasoo muuqdo khaanada
    8.    Waan ogolahay Shuruucda Isticmaalka sax saar(tick) kadib
    9.       Ugu dambeeyn Create my Account riix

    2) Su'aal Weeydiin
     
    1. Xubin hore u diiwaangashan? Gudaha U gal  (Waa inaad gashaa Account-kaaga)
    2. Su'aasha Aad Rabto inaad soo dhigto Marka hore raadi in horay loo weeydiiyay iyo in kale adigoo isticmaalaya Search-ga (Baare)
    3. Hadii aad Weeyso waxaad click siisaa Kuliyadaada tusaale Computer Science, Medicine, Public Administration & International Relationship​, Sharia & Law, Education and Social Science, Economic​ iyo kuliyado kale 
    4.Si aad Su'aal u soo Dhigto Waxaad Click-siisa  Weydii Su'aal
    5.Waxaa Kuu soo Baxaa Form-ki Su'aal weeydiinta.
    Ciwaan/Topic Title: Waa Ciwaanka Su'aashaada Tusaale Waa Maxay Computer?
    Tags: Waa Calaamadeen Tusaale hadii eey su'aashaada eey Qeeyb Gooni ah taabaneeyso ku calaamade sida : Computer, Nursing, Sharia, Education, BA iyo wixii lamid ah waana muhiim in aad caalaamad u yeesha Su'aashaada.
    6.Qeeybta dhexe waxaad ku Qeexeeysaa Su'aashada.
    7.Ugu Dambeeyn Waxaad Click-siisaa Gudbi Su'aal Sidaas ayaad su'aashaadi ku Dhigtay.
     
    3)Su'aal Ka Jawaabid
    1. Waa inaad gashaa Account-kaaga
    2. Su'aash aad ka jawaabeeyso waa inaad Aqoon u leedahay
    3. Su'aasha aad ka jawaabi rabto Click-sii kadib waxaad click-siisaa ku jawaab celi mawduucaan
    4. Markaad jawaabta qorta Waxaa Click-siisaa Gudbi jawaab
    • 0 replies
    • 2,566 views
  10. cabdi added Ciwaanka Su'aasha in Computer Science and IT   

    Computer Netwroking- Isku Xirka Kombiyuutarka
    monthly_06_2015/post-1-0-20594400-1433934567.jpg
    Computer Netwroking (Isku Xirka Kombiyuutarka) Waa Qeeyb Kamid ah Ingineernimada Xaga Computer-ka taasoo ujeedadeedu tahay inaad barato qaab eey isugu xirmayaan Labo Computer iyo wax kabadan eeyna wadaagi karaan Files, Documents iwm ayagoo kala fog ama isku meel yaala Waxaana U dhaxeeyo waxa Loo yaqaano network

    Qeeybaha ugu badan ee lagu adeegsao Isku Xirka Kombiyuutarka waa Computer Engineering, Computer Science, Information Techology iyo Isgaarsiinta.

    Hagaha (Router), Kaarka isku xirka (Networking Card) iyo Protocols-ka waa Tiirar Muhiim u ah isku xirkasta oo la dhisayo, Shabakadaha Kombiyuutarka waa laf dhabarta isgaarsiinta casriga ee maanta.
    Isku Xirka Kombiyuutarada Waxaa loo kala Qeeybiyaa:

    Local Area Network - LAN (Shabakad Dhul yar ku kooban) waa isku xir kaaso u adeega tira yar oo dad ah kuwaaso ku sugan goob kooban sida Dhismo waxaana loo isticmaali karaa Qaab aha peer to peer oo ah Computer inuu Computer-kale gali karo sidookale waxaa loo isticmaali karaa Sida Client Server kaaso ah Adeege u adeega Kombiyuutaro Kale waxaa kaloo loo isitcmaali karaa qabab xariir ama isgaarsiin ahaan.
    Wide Area Network - WAN (Shabakad Dhul weeyn ku kooban) Qeeybtaan waxeey ka weeyntahay Qeeybti hore oo eheed Isku xir Dhul yar ku kooban WAN waxaa loo isitcmaali karaa qaab isku xir ahaan tusaale Isgaarsiinta oo kale waxeey joogta Gobol ilaa gobol ama laba xuduud iyo wax ka badan.
     
    • 2 replies
    • 1,585 views
  • advertisement_alt